Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Daawo Sawirada Nibiri Tareen Le’eg Oo Ku Soo Caariday Xeebta Magaalada Serta Ee Dalka Liibiya.

Xeebta magaalada Sirta ee dalka Libya waxa maalintii arbacadii ku soo caariday, nibiri ama xuudkii ugu waynaa ee wakhtiyadan danbe la arko, kaas oo ahaa mid aad u dibirsan heerka dhererkiisa iyo waynaantiisu leeg tahayna dadka ka yaabisay.

Xuudkan ama nibirigan oo dherarkiisu dhan yahay lix iyo toban mitir balaciisana lagu qiyaasay ilaa todoba mitir waxa uu noqonayaa kii ugu waynaa noociisa ee ku soo  caarida badaha afrika, waxaanay dadka baadhaa garan kari waayeen nooca uu yahay iyo bahda uu ka soo jeedo.

Markii ugu horaysay ayaa waxa arkay dad kaluumaysato ah kuwaas oo aad uga yaabay dherarka iyo waynaantiisa, laakiin waxa markii danbe yimi dad badan oo ay ku jiraan hawl wadeenada wasaarada kaluumaysiga ee dalkaas kuwaas oo baadhitaano ku sameeyay lagu ogaanayo sababta uu u dhintay iyo wax helay.



Heerka waynaanta xuudkan ayaa sababtay in meel kasta oo xeebta lagaga sugan yahay la soo arki karo, waxaanad mararka qaadkood moodaysa, gaar ahaan marka aad bada ku jirto gudaheeda in markab wayni bariga galay oo ciladi ku timi, sidaa wax yidhi mid ka mid ah kaluumaystadii aragtay nibirigan aadka u way nee ku soo caariday xeebta magaalada Sirta ee dalka Libya.

Xuudkan oo wali baadhis lagu hayo sababta dhimashadiisa sababtay iyo bahda uu Nibiri ahaan ka soo jeedo, waxa la isla gartay in aanu ka mid ahayn xuudadka ku nool, badwaynta Dhexe laakiin uu u badan yahay badaha waaweyn ee Pacific iyo Indian Ocean-ta, waxaanu dherarkiisu mararka qaarkood gaadha ilaa konton mitir taas oo u dhiganta dherarka tareenada dhulka hoostooda mara.

Faysal Maxamed Xasan

Related posts

Faa’iidooyinka La Taaban Karo Muhiimkana Ah Ee Aay Leedahay Timirtu.

KaLaFoGe

U Diyaar Garroow Sidii Aad U Bixin Laheyd Fidrada Oo Kobciye.com Ka Akhriso Fidrada Iyo Sida Loo Bixinayo.

KaLaFoGe

Daawo Video Wiil leh seen Daanyeer oo Hindu-ga ay barakeystaan.

KaLaFoGe

6 comments

Comments are closed.