Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Faaqidaada Kulanka Darbiga Ah Ee Lawada Sugayo Ee Man United Vs Liverpool

Liverpool ayaa maanta kulan adag ku yeelanaya guriga Man United ciyaar qeyb ka ah wareega 22-aad ee horyaalka ingiriiska , hadaba shabakada kobciyemedia.com ayaa ku siineysa dhowr xog oo ku aadan kulankaas.

1- Weeraryahanka United ee Van Persie kaliya ma ah gool dhaliyaha horyaalka ee haysta 16-gool balse sidoo kale kaalinta afaraad ayuu kaga jiraa laacibiinta ku wanaagsan gool sameynta horyaalka iyadoo xilli ciyaareedkana uu bixiyay 6-baas oo goolal lagu dhalyay .

2- Van Persie 5 gool ayuu ka dhaliyay Liverpool lexdii ciyaar ee ugu dambeysay uu wajahay kooxdaas, waxaana ku jira gookiisii inta haatan United uu joogo taasi oo uu dhaliyay kulankii hore ee guriga Liverpool taas oo ku dhamaatay 2/1 oo ay ku badiyeen shayadiinta.

3- Kabtanka Liverpool iyo qaranka Ingiriiska Gerrad ayaa ah laacibka ugu badan horyaalka ee sameynta baasaska gool dhalinta xilli ciyaareedkaan , 8- baas ayuu bixiyay oo goolal lagu dhaliyay .

4- sideedii ciyaar ee ugu dambeysay ee ay wada kulmeen labada koox garoonka United , waxaa 7-jeer badisay United hal ciyaar kaliya ayay guul dareysteen wax ayna aheyd March sanadkii 2009-kii taas oo ku dhaamatay 4/1 .

5- Ciyaartii ugu horeysay magaca Man United ku ciyaaraan iyadoo xiligaas magacoodi hore ee ahaaNewton Heath waxaa 7-1 ku badisay kooxda Liverpool balse United ayaa ku aar gudatay xiligaas 5/2 .

6- Weeraryahanka Liverpool Luis Suirez waxa uu dhanka gool dahlinta ku xigaa Van Persie illaa iyo haatan waxaana kaliya laga sareeyaa hal gool iyadoo 5 gool uu dhaliyay afartii kulan ee ugu dambeysay .

7. Liverpool waxa ay gameen 412 darbo halka United ay gameen 332 darbo balse United waxa ay ku dhalisay 20 gool .

8- Man United waxa ay dadaal ugu jirtaa in Liverpool kaga badiyaan gurigooda markii ugu horeysay tan iyo xilli ciyaareedkii 2007/2008-da.

9- labada koox 24-kii ciyaar ee ay kulmeen kaliya hal ciyaar ayay bar bardhac galeen waxa ayna aheyd w sanadkii 2000 guriga United ayaa la joogay .

Hadaba Aqriste Yaad Isla leedahay Kulankaas Waxaa Ku Guuleysanaya Maanta United Iyo Liverpool , sidoo kale saadaali dhanka goolasha .

Related posts

Akhriso Oo Wax Badan Ka Ogoow Warbixin La Soo Saaray Oo Daaha Ka Qaaday Dhibaatada Qarsoon Ee Internetka.

KaLaFoGe

Tolloow Gacaladaan Jeclaa Haddaan Guursaday Ma Gef Baan Galay?! Qeybtii Koowaad Sheeko Xiiso Badan..!!

KaLaFoGe

Waxyaabaha Soo Dedejiyo Furiinka Ama Kala Taga Lamaanaha.. “Qodobo Muhiim Ah”

KaLaFoGe

5 comments

Comments are closed.