Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Ferguson Oo Uga Digay Garsoore Howard Webb Inuu Go’aano Qaldan U Dhigo Luis Suarez Kulanka Axada.

Sir Alex Ferguson ayaa shaaca ka qaaday inuu ka cabsi qaba in waxyaabaha muranka dhaliya ee gaaf wareegaya Luis Suarez inay keento in garsoore Howard Webb uu go’aano muhim ah siiyo Liverpool kulanka la wada sugi la’yahay ee labada kooxood ku dhexmaraya Old Traffoed.

Kooxda Ferguson ayaa berri la kulmaya kooxda ugu weyn ee ay xafiiltamaan, iyadoo diirada uu durbaba saaran yahay Suarez ka dib markii weeraryahanka Liverpool uu gacanta ku dhaliyay gool kulankii FA Cup ee Mansfield isbuucii hore.

Waxaana tababaraha United uu yiri: “Daacadii ma aanan daawan ciyaartii axadii hore laakiin waxaan qabaa in ninkaan iyo waxyaabo muran dhaliya inay isla socdaan, mana aqaano hadii uu ku riyaaqo iyo hadi kale, laakiin waxaan rajeyneynaa inaysan taas anaga nagu dhicin axada.

“Waxaan rajeyneynaa inaanan dhibane u noqonin go’aanada qaar ee dhankiisa u janjeera marka ay sidaasi timaado. Waxaan dooneynaa inay noqoto ciyaar wanaagsan.”

Related posts

El Clasico: Ogoow Wax walba oo aad uga baahantahay ciyaarta Caawa ee Barca v Real Madrid

KaLaFoGe

Goolkii Cristiano Ronaldo Ee Finalka Champions League Oo Badbaadiyay Qof Nolashiisa..

KaLaFoGe

Daawo Sawirada: Liverpool oo Galabta Cunaha Laqabtay & Chelsea oo hamigeeda dib usoo noqday

KaLaFoGe