Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Ingiriiska oo Noqday Dalka Telefoonnada Gacanta ee ugu Badan Tuugtu Xadaan Carruurta.

Warbixin ay so saareen bilayska Ingiriiska, ayaa sheegtay in tuugtu si gaar ah u bartilmaameedsadaano carruurta da?doodu dhexayso 13 ilaa 16 jir ee haysta moobillada.

Waxa kaloo warbixintani oo iftiimisay in caasimadda London tahay meesha ugu xun ee tuugadaasi aafaysay, iyadoo la sheegay in 10 kun oo telefoon bishii laga xado carruurta magaaladaas ku dhaqan.

Sidoo kale, waxay warbixinta sheegtay in tuugtu si gaar ah u bartilmaameedsadaan moobillada casriga ah ee carruurtu sitaan, kuwaas oo dib ugu siiya qiime qiimaheedu aad uga hooseeyo sicirka caadiga ah ee lagu soo iibsado, iyadoo warbixintu xustay in 170 telefoonnada nooca loo yaqaan Iphone maalin kasta lagu dhex xado magaalada London.

Magaalada Nottinghamshire ee dalka Ingiriiska, ayaa iyadana 40% waxa telefoonnada laga xadaa dhallinyarada ka hooseeya 21 jirka, halka magaalada Chisire 35% telefoonnada laga xado da?yarta.

Mr. Keith Hayward oo ah khabiir cilmiga dambi-baadhista (Criminology) ka dhiga Jaamacadda University of Kent oo u warramay wargeyska Time, ayaa isagoo arrimahaas ka hadlayey waxa uu yidhi; “Qofka 10 jir ka hooseeya 10 ka hor telefoonnada gacanta muu qaadan jirin, laakiin imminka waa arrin iska caadi ah in waalidiintu carruurtooda moobillo siiyaan, iyagoo rumaysan inay ku badbaadayaan, xaaladoodana kala socon karaan. Haseyeeshee, arrintani waxay ku keenaysaa dhib ah in dambiyo lagu galo ubadka oo tuugadu badato,” ayuu yidhi Mr. Keith.

Ibraahim Khadar Saciid

Related posts

11 Sababood Oo Sannadkan Sii Dhammaanaya Ay Dunidu Ugu Tirin Doonto In Uu Wanaagsanaa (Q. 1aad)

KaLaFoGe

Staples Has Discounted The iPad Mini 4 By $100

KaLaFoGe

Dumarka Dalka Venezuela Waxa Ay U Dhoofaan Dalka Colombia, Sababtu Maxey Tahay?

KaLaFoGe

2 comments

Comments are closed.