Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Isticmaal Erayo Macaan Xiliga Hasaawaha Ama Shukaansiga Si Aad U Dagto Qalbiga….

Dadkoo idil ma wada ahan aftahan maskaxduna in laga maalo ereyo macaan oo dhalaalin kara bini’aadamka dadka qaarkii wey ku adag tahay mucaashaqiin farabadan ayaa u ooman in ay mar uun indhaha saaraan habka ugu fudud ay u adeegsan karaan ereyo macaan oo jaceyl ah si ay xariga xiriirkooda ugu adkeeyaan ereyadaasi macaan.

Mucaashaqiinta ku howlan kala deberida jaceylkooda hadba dhinaca ay ka wajahaan, balse caqabadaha ka hor imaan karo ayaa ugu badan dhanka adeegsiga habka luuqda oo ah qaab fanaaniinta ay u soo jiidaan dadweynaha daawadayaasha ah xilliga ay ku guda jiraan howlahooda faneed.

Balamaha waxaan diyaar u ahay in aan waqti wada qeybsano annaga oo faraxsan labadeenaba, macaanto\macaane ogsonow in farxad dhameystiran helo xilliyada balamaha qaaska ah aan leenahay jaceylkeena daacada ah waxaa saldhig u ah adkeynta balan iyo farxad gelinta nafteena insha allah dhankeyga in aan kulano diyaar ayaan ahay

Hadiyadaha hadiyadan adiga ayaan kugu tala galay waayo waad u qalantaa sababta aan kuu siiyay waxay tahay waan kula jeclaaday iga gudoon si niyad furan

Sheekoyinka waxa Ugu Muhiimsan ee ugu haboon adeegsiga ereyo macaan wa xilliga sheeko wadaaga ay yihiin lamaanayasha iska doortay dunida guudkeeda, hadaba sheekooyinka qaaska ah ayaad adeegsan kartaa kuwa naxariis ku dheehan isla markaan qofka qiiro iyo daren gelinaaayo sida inaad tiraahdo

Marka aan ku arko waxaan dareemo kalgaceyl balaaran.

Dhayaha ma qabtaan ruuxaan adiga aheyn oo jaceylka aan kuu qabo waa mid aan ku kalsooni qabo.

Gacaliso/gacaliye neeftaada ayaan ku riyoodaa waa haddii aan calaf isku yeelaano dhunkashadana waan u haraad qabaa iyo in aan laabteyda ku gelsho.

Jaceylkeena waa in aan u koolkoolina sida ukunta oo kale isla mar ahaantaana waa in aynu ahaanaa ul iyo dirkeed sir iyo caad waa in nolosheena aan wada qeybsanaa waxaan kuu hurayaa nafteyda waqtigeyga iyo maalkeygaba waa haddii aan kuwada xisaabtamno in aan wada marno wadada saxda ah ee guusha.

Ugu Danbeyn waxaan ereyada xulka ah ku soo gunaanudayaa lamaane wadaaga jaceylka ah in uu guuleysto si ay uga baxaan nolosha ay ku wadaagaan banaan/dibadda oo ay noloshaada kuwada waataan sariirta dusheeda oo ah halka lagu maalo/liso natiijada waqtiga dheer ay wada sugayaan lamaanaha jaceyl wadaaga ah ee in badan u soo dhabar adaygay kala fogaansho iyo waqti ku cariiri ah taasi oo laf dhuun gashay u noqotay saaxibada ku gamuray jaceylka

Related posts

Falanqaynta Heeskii Cajiibka Ahaa Ee Mohamed Bk Nolosha cusub soo dhawee! Erayadii Jaylaani..!!

KaLaFoGe

Arag Baabuurkan Mucjisada qabsatay!!

Daawo Sawiradii Ugu Danbeeyay Ee Laga Soo Qaaday Bilicda Magaalada Cadaado..

KaLaFoGe

31 comments

Comments are closed.