Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Ma Aaminsantahay Dadka Guursaday Waxay Saddex Jeer ka Cimri Dheeraadaan kuwa Aan Guursan.

Cilmi-badhayaal u dhashay dalka Maraykanka, ayaa sheegay in guurku masuul ka noqdo cimri-dherarka qofka, iyagoo ku dhawaaqay in dadka qoysaska amma xaasaska leh ay saddex jeer ka cimri dheer yihiin dadka aan iyagu guursan, inkastoo qadarka Ilaahay halkiisa yahay oo qofna aanu dhaafi karin marka ajashiisu dhammaato.

Daraasadan cusub oo markii ugu horraysay soo bandhigtay in qofka aan dhallinyarada ku guursan uu ka cimri yar yahay qofka isagu yaraanta ku guursadan, iyadoo tilmaantay in qofka oo 40 jir ku gaadha xaas la?aan uu halis ugu jiro inuu hore u geeriyoodo.

Cilmi-baadhistu waxay tilmaantay in dadka sigaar cabista iyo isticmaalista khambirga ku badan ay yihiin kuwa aan guursan, sidaa darteedna ay la kulmaan dhibaato xagga nafsada ah.

Daraasadan cusub oo ay fuliyeen Dr.Ilene Siegler iyo khubaro kale oo oo ka socotay waxda dabeecada noolaha ee Jaamacadda Duke University Medical Ceter oo ku taala waqooyiga magalaada Carolina ee dalka Maraykanka ayaa sheegay in guurku u fiican yahay jiritaanka bina?aadamka.

Doobnimada amma keli ahaantu waaa waxyaabaha kor u qaada dhimashada qofku uu yaraanta ku hodo, waxaanay hoos-u-dhigta jaaniska uu qofku ku sii jiri karo muddo dheer, daraasadan cusubna waxay sii ifin doonta arrintaas,? ayey tidhi Dr. Siegler.

Daraasad baaxad weyn oo dhawaan laga fuliyey toddobada waddan oo qaarada Yurub ku yaala ayaa lagu shaaciyey in dadka qoysaska leh amma guursaday ay caafimaad ahaan iyo jidh ahaanba ka wanaagsan yihiin kuwa aan iyagu guurba arag.

Dhammaan darasadaha arrintan ka hadlay waxay sheegeen in dadka weynaanta ku soo gaadha guur la?aantu ay la kulmaan cudurro ay ka mid yihiin ilawshiyo, wadno xannuun iyo degenaansho la?aan xagga nafta ah, taasoo ku sababta inay is dilaan amma sigaar iyo khamri aad u isticmalaan.

Related posts

Haddii Aad Dumarka Ku Ogeyd Gabow Nacaybka, Ogow Ragguba In Aay Arintaan Si Toos Ah U Dafiraan.

KaLaFoGe

Dhowr Arimood Oo Si Hubanti Ah Kuu Gaarsiin Karo Guur Aas-aaskiisu Uu Yahay Farxad aan dhamaad Laheyn.

KaLaFoGe

Daawo Video: Wariye Muuqaal iyo Warbixin Cajiib ah Ka diyaariayay Isbadalka Muqdisho.

KaLaFoGe

25 comments

Comments are closed.