Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Madadaalada Isbuuca Iyo Sheekooyinkeenii Qosolka Badnaa “Maadka Iyo Maaweelada Kobciye”

Shabakada kobciyemedia.com isbuuc walbo mar ayaad ka daalacataan arimaha nasashada, isbuucii tagay waxaan webka kasoo daalacanay sheekooyin, barashada computer-ka, arimaha diinta, iyo la yaabka caalamka, maanta aan ku nasano sheekooyin gaaban oo aan idiin kugu talo galnay…

Sheekada koowaad waxey ka turjumeeysaa dumarka iyo raga dhaqamada xun iyo furitaankooda joogtada ah.

Saddex nin oo carab ah ayaa waxa ay go’aansadeen ineey guursadaan, way guursadeen, ilaahay amarkiis maalmo kadib ayay ku kulmeen maqaayad ayagoo ka sheekeesanaaya nin walba iyo xaaladiisa,

Midkii koowad ayaa dhahay: Habeenkii ugu horeeyay isla markii ay marwada dharka dhigatay farxad darteed waan is hilmaamay oo lacag ayaan jeebka kasoo bixiyay oo madaxa ayaan daadiyay, isla markii waxay fahantay kilaabyada inaa joogi jiray kadibna furiin ayay iga dalbatay,

kii labaad ayaa hadlay waxa uu dhahay: habeenkeygii ugu horeysay aniga xataa waan ishilmaamay oo casiir ayaan gabadha usoo shubay kadibna labada koob intaa isku dhufunay ayaan ”Jeeeees” dhahay, kadibna waxay fahantay in aan khamri cabo, oo furiin ayay dalbatay,.

Midkii saddexaad oo madaxa heysta oo aamusan ayaa la arkay, maxaa kugu dhacay ayaa la dhahay, waxa uu dhahay: habeenkii ugu horeysay markaa xaajadeyda gutay waan is hilmaamay oo xaaskii ayaan siiyay 20 Diinaar, markaasey weydiiyeen sababta furiinka keentay, markaasuu dhahay: waxaan ka qaraacmay qofta markii ay 5 Diinaar baaqi ahaan iigu soo celisay camal. …………………

Sheekada Labaad…

Nin waalan baa maalin wuxuu siinaayay digaagadiisa biyo kulul.

Hooyadiis baa aragtay waxeyna waydiisay,

“War maxaad digaagada biyo kulul usiineysaa?”

Ninkii waalnaa baa kujawaabay “Waxaan rabaa ukun karsan in ay dhasho”………………….

Sheekada Sadaxaad…

Labo nin oo reer baadiyo ah weligood baadiyo dhaafin ayaa waxay geel la joogeen duurka xili aad barwaaqo u ah maalin ayay qurbac qasheen si ay hilibkisa u karsadaan kadib dab ayay raadiyeen geed ayay jarteen si ay dab uga shitaan ayagoo hurin la’ oo ku kurafaadsan maadaama ay dhirtu qoyan tahay.

Waxaa ku soo baxay labo nin oo cag gaas ku wata way kusoo leexdeen waxayna arken niman kan oo dabka ku rafaadsan kii gas ka waday aya cagi intu furay in uu ugu shubo damcay labadi nin mid ba so boday oo dhahay waraa hanagaga shubin anagana wan ku rafad sanahay adna waxad rabta in aad biyo ku shubto.

kkkkk ninkii intu qoslay ayuu ku shubay misna dabki ayaa huray labadi nin ee gaas ka wadatay way iska si socden labadi geel jire ayaa yabay mid ayaa sual? Way diyay ki kale waraa hebalow biyo dab damiya ayaan arki jiray ee waa maxay biyahan dabka huriyay ki kale ayaa wuxuu dhahay nin yahow ani ma garanayo lakin hadaan qiyaaso waxaan u malaynaa in biyahaas naarta laga so dhaamiyay……..

Maanta aan intaasi kusoo koobno madadaalada isbuuca oo shabakada kobciyemedia.com idiin soo gudbineysay intaan  isbuuca xigo ku kulmi doono waa bahda kobciye oo idiin leh nabaadiino…

Related posts

Saddexdaan Arimood Hadii Aad Sameyso Waxaa Hubanti Ah Iney Adiga Kugu Soo Noqonayaan.

KaLaFoGe

Rizqiga Iyo Shaqeysiga Lamaanaha Nolol Wadaaga Ah “Kobciyaha Qoyska’.

KaLaFoGe

Cilmi Baadhis Iftiimisay Ninka Xaaskiisu U Fiicantahay Oo La Ogaaday In Uu Ragga Kale Wax Dheer Yahay.

KaLaFoGe

20 comments

Comments are closed.