Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Mas’uuliyadda Ninka Ka Saran Qoyskiisa “Raga Iyo Maareynta Qoyska”..

Ujeeddaadu waa madaama aad tahay wiilkii khaliifka inaan sharci ku qabanayn,maya …maya …….maya………maya………… Maxady agoomaha iyo danyartu sidaada oo kale u yeeli waayeen ee ay kuu daawanayeen?maxay ugu dhiiran waayeen ficilkaaga oo kale?walaahi waa in timaha laga jaraa. Cumar wiilkii waxa uu geeyay rayiislaha halkaasoo timihii dhulka laga dhigay dhamaantood cabnsi uu ka cabsanaayo Alle(SWT) in uu ku ciqaabo dhibicda ama labada dhibcood ee wiilku madaxiis aku subkay.

Waa kaa aabaha wanaagsan ee islaamda noolayn kara,waxna ku soo kordhin karaa.murti soomaaliyeed tidhaahda ::”Awrka dambe awrka hore socodkiisuu leeyahay” .wiil;kaas aan ka soo sheekaynay waxa auu ku barbaaray dariiqii suubanaa wee aabihii ku sooo tabo baray illaa uunoqday:

· Hogaamiye ciidan

· Sadaqo bixin badan

· Cibaado badan

· Caalima ah

· Khadiib ah

· U gargaara islaamka iyo muslimiintaba. Dhalaalayayuukuyidhiwi

**********************************************************************

4. Saddex Maanlaawe

Wiil madi ahaa oo abihii geel badan ka dhaxlay baa ku noola badhaadhe iyo barwaaqo adduun..saar caashaq baa wiilkii baalka saaray illaa ay bogga iyo beerku isku dhegeen oo uu caashaq la golongolay.

Waxa uu jeclaaday gabadh geyaankiis ahayd isku degmona ay ahaayeen.Gabadhii waa uu doonay una ardaa dhigtay,gabadha aabeheed waa uu siiyey wiilka hase ahaatee waxa uu shuruud uga dhigay in yaradkeedu yahay intii hooyadeed uu ka bixiyey oo ahaa 100 Halaad iyo Baarqabkoodii.Nin meeli u cadahay meeli ka madowe , wiilkii madig ahaa ee cishqigu waa jiniye uu inanta calanka u saaray waxa uu ogolaaday codsigii odeyga,boqolkii halaad iyo baarqabkoodiina waxa uu si dhakhso ah u guddoonsiiyey soddogii,gabadhii baana lagu meheriyey.Odeygii geelii buu dareersaday tuludna ugama tegin qoyskii udubcadda ahaa.

Lammaanihii oo faro madhan ayaa u dhaqaaqay sidii ay noloshooda u dabari lahaayeen .Daaduunkii waxay ku tageen deegaanada dabatadu ku nooshahay ee duur joogta lagu ugaadhsado.

Mihnadii xoolo dhaqashada waxa halkeedii galay oo bedelay ugaadhsi aanay ab iyo isirtoona u lahayn oo dani ku baday ah laakiin waxa layidhi :”Dani waa seeto ’”

Waxay la darseen Beydari ku xeel dheer hababka ugaadhsiga eek ala duwan.

Deegaankii ay ka soo guureen waxa ay dhawr sano ka dib is weydiinayeen nabad qabka lamaanihii nolol raadiska u ambo baxay.

Gabadhii aabaheed oo xoolo kale ka doonaya ayaa u soo ambo baxay xagii reerka uu ku ogaa,siduu u soo haybinaayey ayuu soo gaadhay goor fiid ah gurigii lamaanaha oo ahaa qoryo iyo caws dusha la iska saarsaaray oo aan heeryo sare iyo tu hoose toona lahayn, kaasoo u ahaa gabood ay kaga gaashaantaan dhaxanta iyo milicda deegaanka ay ku noolyihiin.

Qoyskii toodaba la ildarnaa marti aanay filayn baa ku soo dul dhacday,habeenkaas martidu timid oomato afkaa la geliyo oo ay haysteen haba yaraatee ma jirin.Hase ahaatee gabdhii uu odaygu dhalay waxa ay u tagtay ninkii ay jiiraanka ahaayeen ee baydariga ahaa.

Waxa ay weydiisatay in uu caawa waxii uu hayo amaahiyo,iyadoo u sheegtay in aabaheed soo martiyey,wax ay u karisona aanay haynin.

Baydarigii codsigii gabadha waa uu aqbalay oo hilib sakaaro oo uu haystay buu yidhi kaas baan ku amaahinayaa,laakiin waxa uu ku xidhay shuruud,taas oo ahayd “ii ballan qaad inaad ninkaaga iiga soo baxayso”

Gabadhii waxa ay u sheegtay baydarigii inay iyana aqbashay codsigaas uu soo jeediyey laakiin waxay u sheegtay in uu caawa ka soo qayb galo cashada ay samayndoonto oo uu la casheeyo aabeheed uyo seygeeda isna waa uu aqbalay.

Waqti dambe oo ay seddexdii nin seexdeen ayay u toosisay cashadii,waxa ay ku tidhi”u toosa cashada seddexdii maanlaawoow”

Odaygii gabdha dhalay ayaa ku tiraabay:” aabbpo maxaad ula jeedaa saddex maanlaawe”?

Gabadhii waxay ku jawaabtay:

1.nin kaygu waa maanlaawe oo isagoo xoolaba 100 halaad iyo baarqaab ka leh ayuu intiiba yarad u baxshay.

2.aabahyna waa maanlaawe oo isga oo xoolihii reerkan wada dareersaday oon waxba uga tegin buu hadana manta xoolo kale u soo doontay.

3.Baydariguna waa maanlaawe oo gabdha boqol halaad iyo baarqabkoodii laga bixiyey ayuu damcay in uu hilib sagaaaro ku helo.

La Soco Qeybaha Danbe

Qore: C/Naasir Dheeg Ciise  (Q/5aad)

Related posts

DAAWO VIDEO: Nin Asagoo Indhaha Isku Haayo Si Buuxdo U Qalayo Neef Ari Ah.

KaLaFoGe

Sidee Jeceshay in Wararka Xasaasiga ah Laguugu Sheego? Sidan Ama Si Ka Duwan.

KaLaFoGe

Lix Qodob Ayaa Kuu Sahlayo Inaad Noqoto Qof La Jeceyl Yahay Quluubta Dadkana Soo Jiito.

KaLaFoGe

25 comments

Comments are closed.