Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Nin u dhashay dalka Imaraadka Carabta oo xabsi ku muteystay haween uu 0nline-ka ku bartay.

Nin u dhashay dalka Imaaraadka Carabta (UAE) ayaa waxa la soo taagay Maxkmad ku taalla magaalladda Dubai, kadib, markii lagu helay inuu dhacay Haweeney u dhalatay dalka Yukrayn, taasi oo uu ku bartay Khadka 0nline-ka.

Wargeyska ‘Gulf News’ ee ka soo baxa dalka Imaaraadka, ayaa qoray sheekadaasi, iyadoo Ninka iyo haweeneydaasi ku ballameen inuu ugu yimaado Qolka ay ka deggan tahay Hotelka Five Star ee waddada Sheekh Zayed.

Ninka oo magaciisa lagu soo  koobay I.M. ayaa Haweeneydaasi ku bartay Barta Website-ka Badoo ee ay Bulshadda ku wada sheekeystaan, wuxuuna u ballanqaaday haddii la galmoodo inuu siinayo lacag dhan1.500 Dirham, waxayna Haweneydaasi oggolaatay arrintaasi iyadoo kula ballantay Hotelka ay deggnayd.

Ninka markii uu Haweeneyda ugu yimid Qolkeeda ayuu waxa uu jabiyey koobkii uu wax ku cabayey, kadibna dhalooyinkii ayuu ku cabsi geliyey, wuxuuna ka boobay Telefoon nooca qaalliga ee iPhone iyo lacag caddaan ah oo dhan 6.000 oo Dirham.

Maxkamadda Heerka Koowaad ee magaalladda Dubai oo ninkaasi la soo taagay ayaa waxay ku xukuntay 6-bilood oo xabsi ah.

Related posts

Wax Badan Oo Kaa yaabin Doono Halkaan Ka Akhriso Jaceylkii Hore Iyo Kan Maanta “Horumarka Dunida”…

KaLaFoGe

ALLA WAY DIIDAYEE ILA TALIYA, Talladii La Siiyay Hooyo dhakafaarsan oo Cidleysan..!!!

KaLaFoGe

Raggoow Xad Gudubka Dhaafa: Akhriso Galmada Ragga Iyo Meelaha Loo Tilmaamay Si Aaysan Dunuub Xoogan Ugu Dhicin.

KaLaFoGe

7 comments

Comments are closed.