Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Q19aad Sir Dahsoon Iyo Sadaxeeye Jaceyl “Sheeko Aad Iyo Aad U Xiiso Badan”

Markaasaan xaqiiqdsaday inay isagana waxkasta ka diiddey markaasaan idhi anoo si u dawakhsan:

“Waa halaag adduunkuye

Hoheey ciilku ba’anaa

Holacaan dhib badanaa!

Heydaarto waa dhibe

Nabsi hore usoo jirey

Ima haysto geeskoo

Waligay habeen qudha

Qofna hoog ma badinoo

Hurdo kama fogeynee

Bal maxaan halleeyoo

Iigu wacan habaarkaan?

Halligaye naftaydii

Maxaa baday halaaggaan?

Holacaanna igu shidey?

Ileen dumar hannaan maleh

Hoodiyo nasiib maleh

Ballan iyo hubqaad maleh

Haye iyo I garo maleh

Axdi haybsigii maleh

Cishqi haabistii maleh

Ma huraan tixgalin oo

Ma ay laha hoggoon jira!

Nabsiyoow hagaag soco

Horay aad dhankaan rabo

Hogol iyo daruur iyo

Adoon heego soo marin

Bal huwoo mar ii keen

Iyadoo hareeraha iyo

hoosta dhuganoo

jilbahayga hoganoo

hibitiqayso ilintii”

Waxaan ku baraarugey cumar oo iga samir siinaya wixii la igu dhigay I lehna meesha aynu ka kacnee inakeen. Ma lahayn awood aan ku socdo, waxaan ahaa qof dhaawac ah, qalbiga laga dhaawacay oo xaqiiqdii la taahayey xanuun uusan garanayn xubinta kaaraysa.

Waxaan soo luudno oo soo hitiqinaba anigoo indhihii I guduudanyihiin ayaannu ku soo laabanney qansaxle waxaanan horey ka soo raacey gawaaridii galdogob tagaysay.

Casar liiqii ayaan soo gaarey gurigeenna anigoo qofkii I arkaaba horay ka garanayo in la igu raran yahay. Durba waxaan abbaarey qol aan deganaa hoosna ka soo xirtay anoon cid la hadlin. Waxaan oohin la dul jiifsaday sariirtaydii. Maxay oohini taraysaa? Ballankii jaboow dood! Hooyadeey macaan baa cashadii igu soo gargaraacdey, markaan ka furayna hooyo Alle ha dhowree waxay garatay in wax wayni si iga yihiin, indho godan, daaman qallan, ciil iyo caloolyow igu baahey bay dareentay hooyo waa beer wax dhalaye.

Waxaanse ku qanciyey inaan yara xumaddaysaa tan iyo shalay aysanse wax kale igu dhicin. Al xaasil waan casheeyey adigu dibna ugu laabtay fikrikaygii. Akhriste ma doonayoo inaan qoro amaba faalleeyo xaaladdii aan kusugnaa asbuucaas. Wuxuu ahaa mid aan waalli ku tilmaami karay,

Waayo jiif iyo joog waan qaban waayey. Waxaan ahaa wiil da’yar oo aan u qalmin in sidaa qalbigiisa loo jabiyo. Waxaan nacey dunidii iyo jacaylka jiritaankiisaba, waxaan ka shallaayey ayaan iyo barashadeedii. Waxaan nacladay isku dirka iyo wixii dad isku dira oo dhan. Waxaan..waxaan….waxaan.

Asbuuc baa tagay, wuxuu ii ahaa asbuucii nolosheyda ugu dhibka badnaa ee isoo maray, waxaan nacey aragtida dumarka oo dhan siiba hablaha, markaan gabadh arkoba waxaan soo gocan jidey siday ayaan geedkii hoostiisa iigu gashay. Xaasidnimo aanan u dhalan baa I gashey waxaan hiifey lammaane, oo labo is la socota markaan arkoba xanaaq ku dhuftay.

Waxay waayuhu is guraanba maalin aanan illoobin baa timid, maalin aan gaaray go’aan aan ku farxey kuna qaadey waddo aan ku guulaystey……………

Waa 2-9-2007 subaxnimo axad ah, habeenkii ayaan liqay kiniini hurdo xilli ay fiid hore ahayd, waxaan soo kacay anigoo fresh ah oo runtii aad iyo aad u daggan, waxaan cuney quraac aanan waayahanba si fiican u cunin, si dhiirran baan u cuney, inta kacay baan qubays wanaagsan galay, ka dibna qolkeygii ku soo laabtay, waxaan marsadey kareem iyo saliid timaha ah waxaanan isku taagay labbis aad u qurxoon. Intii aanan bixin ayaan qolka hoos ka xirtay sariirtana fariistay anigoo si isugu kalsoon oo aad mooddo inaan dareemayo fikir fiican iyo go’aan aayo leh oo maskaxda ba bidhaamaya.

Subaxdaa xusuusta mudan waxaan hoosta ka xarriiqay inaanan ayaan iyo dumar danbe toona agtooda tagin, inaan iska illoobo waxkastoo aan soo maray oo aan  iska dhigo saaka dhaley, waxaan go’aansaday oo qudha inaan wax barto illaa heer jaamicadeed haddii Alle idm, waxaan ku tashtay inaanan u jabin waayaha oo u adkaysto maadaama aan nin rag ah ahay, waxaan si isla saxnaan ah hoosta uga xarriiqay inaan baloog saaro sheeko dumar iyo haasaawe oo dhan aana iska illoobo naxariis oo dhan……….

Balse maxaa dhacay??!!!!!!!!!!!……………….

Lasoco qeybaha danbe ee sheekada oo aad u xiiso badan

Qoraaga Sheekada Abwaan Hassan Haashi “Timacade”

Sheekadaan waxeey xuquuqdeeda gaar u tahay kobciyemedia.com

hassanhashi2010@hotmail.com

Related posts

Qalliin Carrabka Lagaga Sameeyo Dadka Buurnida ka Cabaana si ay Cuntada Iskaga Joojiyaan oo La Hirgeliyey.

KaLaFoGe

Baro Hababka Ugu Wanaagsan Ee Aad Lamaanahaaga Habeenkii U Mac-salaameyneysid..

KaLaFoGe

Qummane Iyo Qaali (Sheeko Xiiso Badan) Qalinkii C/Naasir Dheeg Ciise.

KaLaFoGe

22 comments

Comments are closed.