Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Qeybtii 16aad Sheekadii Keyla Iyo WaaSuge:: SaaCadii Ugu Farxada Badnaa Ee Qoyska Soo Mara.

Isbuuci tagey waxa aay inoo mareeysey hadalkii iyo waanadii keyla oo dib usoo celisey farxadii qoyska.

“La Soco Qeybtii 16aad ee sheekada hadii rabi raali ka ahaado”

Damaashaad iyo wada caweyn melba meesha ka sii macaan kana neecoow badan ka dib waxaa dib loogu soo laabtey xaafadii oo lawada yimid ayadoo farxad iyo reyn reyn lala daalaa dhacayo mid kastana waxuu ahaa qaanac oo wax ka maqan ma jirin waxaana loo wada huleeley qolka jiifka madaama la soo daalay.

Habeenkaa waxaan dhahi karnaa wiilka iyo xaaskiiba waxa aay ahaayeen kuwa wada mushaaxayey oo aad isula jaan qaadey waxaana dilaacay waagii oo jiifkii waa laga soo wada kacay,saaka waxaadba mooda xaasku inuu yahay qof guriga ka shaqaalo ah,maxaa yeeley waxa aay ka soo toostey xili hore waxeeyna ku mashquul aheed howsha guud ee guriga iyo sameeynta quraac tateeysan saaka cidi kama wanaagsana.

Waxaa sheekada kaaga baxaya sida aan filaayo adigoo heli kara inaad xaaskaada ku beerto jawi farxad iyo haasaawe wanaagsan inaadan u xiisin mid cakarin oo wata dhib iyo kale aamusnaan, hadii aad hodan ka tahay caqligaada kaasho maskaxdaada hadii kale ka faa,ideeyso kuwa kula jecel wanaaga oo qaado.

Waxaa loo wada quraacdey si haqab tiran wiilkii waxuu ku yidhi xaaska waan baxayaa oo ana aadayaa magaalada ilaa waxaan gaari doona shirkada oo aan soo kor meeri doonaa waana kuu soo laabanayaa  macaanto waliba aniga oo aad kuugu soo xiisey adigana waxaan kuu dhaafaa waqti wanaagsan iyo in aadan cidloon inta aan kaa maqanahay, waa inoo hadhoow bebe asagoo sajuuda ka shumiyey sona baxay.

Xaaskii hadalka loo sheegey waxuu uga qaboow badnaa istaanbo baraf ah waxuuna kaga jileecd badnaa doolshada,waxuuna kaga macaanaa malabka,ayado u dhoolo cadeeyneeyso sidii ubad qosol barad ah bey ku tidhi si naxariis ku dheehan tahay “Allaha ku amaansado ee isoo noqo adoo nabad ah macaane love u.

Aqristoow ka faa,ideeyso kalimada wanaagsan in aay tahay udub dhaxaadka farxada qoyskaadana waxa aay u tahay iftiin dabiici ah oo cidi qarin Karin qofka aad nolol wadaaga tahiina waxeey u noqotaa sahey , bani aadamkuna wuu kugu jeclaadaa dhamaatiin, allah xagiisana waxaad ka heleeysaa wanaag iyo ajar.

Waa la kale tagey oo wiilkii waxa uu abaarey halkii uu rabey waxuuna gaarey goobtii shaqada asaga oo aay ka horeeyso farxada, qof walibana ka dheehan karey wajigiisa, waxuuna galay iridii xafiiskii aay u joogtey keeyla si kalsooni leh buu u hab siiyey oo ku yidhi mar kale iyo marar badanba waxaad ii tahay hogaan, asagoo ula danlahaa in sidii hore ka sii daran uu haatan u aaminey keyla waxuuna ku yidhi waxa aad u qalantaa inaad hesho nolol mida ugu farxada badan,waxaana istaahishaa inaad dalka hogaamiso.

Qofka oo aad qeexdaa waxa uu yahay macnaheedu maahan inaad rabto ama doon dooneeyso waaayo xumaan iyo wanaaguba ma qarsoomi karaan sida aan filayana keyla waxeey u sameeysey wiilkaan ficil ka baaxad weyn badda kana dheer buuraha kana badan dhulka,qof kasta oo maalin kuu fala wanaagna nafta ayaanba kaa yeelin inaad u fidhiso dhaliili iyo wax uusan kaa mudneed keyla waxaa loo aqoonsadey in aayba dalka oo dhan ka noqon karto hogaan  maxaad moodeeysaa shirkada iyo reerkeeda intaba.

Keyla oo quudaneeysa farxada ka muuqata wiilka ayaa si dareen ku dheehan yahay u weydiisey aboowe aad baan u nuureeysaa maaanta waanba ka heley qaabka labiskaada iyo waliba wajigaada iskula socdaan, ayadoo u raacisey farxadaada aniga waxeey ii tahay caafimaad,markii aad qososhana waxaan dareemaa guul iyo hormar,mar kastana waxaan rajeeynayaa in dumaashi aay sidaan iyo ka wacan kaaga farxiso.

Halkii ayaa la wada fadhiyaa oo waa la kale warqaadayaa wiilkii waxuu u sheegayaa keyla nolosha iyo uu dareemayo maanta asagoo u sheegey keeyla in guusha uu tiigsadey aay ayadu u tahay hooyo iyo aababa.

Waqti kooban oo xiisa badan daqiiqado xamaasad leh oo keeyla u ahaa neecoow iyo naruuro, udgoon iyo caraf,caafimaad iyo kheyr,ififaalo jarajo wanaagsan iyo wax qabad wanaagsan waa la kale tagay oo sidii balanta aheedba maanta xaafada ayaa loo qada doonanayaa,keeyla waxaa loo sheegey inaan lagu daalin la joogtitaankeedu,waqtiguna saaxiib la yahay,waayahuna ayada hareerteeda socdaan si xiiso badana waa loo macsamaaleeyey,oo lagu yidhi waa hubaal inaan kuu soo xiisi doono keyla waxsan iyo weedhsan.

3daxdoodaba weegaan waxa aay ku joogaan waa farxad lakin waxaa is weydiin mudan hadii xaaskii loo sheego ama ogooad in farxadaan iyo damaashaadkaan lagu wada nool yahay ay sabab u aheed gabadhii u ahaan jirtay booyaasada,maalmahaan danbana aay ka maser saneed tallow ma u mahad celin doontaa mase mar kale ayeey furka tuuran doontaa hadana, war jiraaba cakaaro ayuu imaan doonaaye bala aan aragno isbuuca danbe iyo halka uu xaalku bari doono intii ka horeeysana waa waasuge oo leh nabadiino.

Ismail abdi aden “Waasuge”

Shimali02@hotmail.com

Related posts

Ma Ogtahay Hal Doorka Dunida Inaad Tahay Adiga Iyo Qalinkii Xasan Maaal

KaLaFoGe

Daawo Video + Warbixin: Nin Xaskiisa oo dhali rabtay Isbitaalka u qaaday oo lama arag iyo lama maqal qabsatay.

KaLaFoGe

Xikmada Maanta Ee Shabakada Kobciye.com Iyo Qalinkii.Sheekh Maxamed Idriis

KaLaFoGe

4 comments

Comments are closed.