Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

“QiSadii Ayaan Iyo Qalinkii WaaSuge”:: La Yeelaa Ma Hilmaamo, Laakiin Yeela Wuu Hilmaama” !!

Salaamulaahi Caleykum Dhamaan Asxaabta Hawada Meel Kasta Oo Aad Joogtaanba Waxaan Idin Wada Leeyahay Galab WanaagSan Kuna Soo Dhawaada Barnaamijkeeni Qormooyinka JaCeylka.

Qof kasta oo eebe abuurey una ogolaadey nolol kana dhigey bani aadam waxaa soo mara nolol taas oo dhaxdeedu ahaatey masalsal kale nuuc ah wadata faa,ido iyo qasaara, waxaana ugu daran marka farxadada laguu suro qof bani aadam kaaas oo laga yaabo inuusanba aqoon qiimaha aay farxadu u leedahay adanaha.

“Ayaan” waa gabar ugub ah oo haatan ku soo biirtey diiwaanka jaceylka taas oo ku iba furatay guul daro ka dib markii aay ku hungoowdey qofkii aay jecleed, kadib dhibaatooyin aay horey ugu geeystay qofkaas hatana ayada dib ugu soo laabtey, oo gaarisiiyey heer aay qisadeeda inoo soo bandhigto si aan u faafino anagana.

Sida ayaan ii sheektey mar aan la sheeko wadaagey oo aan ka codsadey inaan bulshada soomaaliyeed usoo bandhigo qisadeeda si dad badan oo isu haaysta ineey yahiin kuwa dhibaato heeysato u noqdaan kuwa ugu fudud marka lala bar bar dhigo mida ayaan,sidoo kale aay u ogaadaan dadka wax jecel heererka nolosha aay kaga jiraan iyo halka aay ka joogaan dhismaha nolosha iyo u dhidiba aasitaanka guri ku saleeysan jaceyl.

“Aqristoow ka bogosha wanaagsan “Qisdii Ayaan Iyo Qalinkii WaaSuge” Qeybteedi Hore Insha Allah”

Ayaan: oo aheed gabar ku dhalatay kuna hana qaadey nolol qani ah aadna u barwaaqeysan ilaa haatana ku dhax jirto marnaba uma aaysan heeysan in aduunyadu leedahay murugo marba hadii aad haaysato hanti iyo dhaqaale kaafin kara ilaa aay geeriyooto, waxeeyna aheed gabar aaminsan qofkii lacag lahaa weyn mar kasta.

Ka dib qalin jabinta dugsiga sare ayaan waxa aay reerkeeda la rabeen ineey usoo saan qaado waxbarasho ilaa heer jaamacadeed si sanado ka dib aay ula wareegto qeyb ka mid ah hantida waalidkeeda oo u baahan in la maareeyo,ayaduna hadalkaa aad beey usoo dhaweeysey oo u jecleed talada waalidkeeda ilaa markii danbe aay biloowdo waxbarashadii jaamacada,sanadkii ugu horeeyeyna waxeey ku dhameeysatay farxad iyo qeyr.

Bilooyinkii fasaxa ayaan waxa aay soo booqatey reerkeeda oo aaysan mudo arkin waxeeyna timid qoyskii oo isu badalay bulsho,gurigana waxaa uga danbeeyey dad badan oo ehel iyo qaraabo ah kuwaa oo isku dhax jira una badnaa dhalin yaro xoog maalata ah ee dooneeysey iney halkaa ka helaan nolol iyo mustaqbal buuxa.

La yaab beey ku noqotay ayaan oo aanan u baran guri bulsho waxeeyna maalin kasta is haaystaan dadkii ku noolaa gurigooda Ilaa markii danbe la wada ceeyriyey dadkii badankiisa ilaa hal wiil oo ayaan u dhaga nugla mooyaane, wiilkaan u dhaga nugeelka ayaan kama aheyn iska yeel eyelid ee waxaa dabiici oo rabi baa ku maneeystey dhaga fudeedka ilaa yaraantiisiina sidaan buu ahaa,dadkuna waxa aay u heeysan jireen doqon.

Laakiin xaqiiqda ayaa aheed inuu ahaa wiil rabi hibo iyo wanaag ugu galaday ilaa haatan uu sidii yahay, ayaan waxa aay la sheekeeysataa inta badan wiilka oo aay weeydiineeysaa su,aalo dharag dhacsi ah iyo kuwa ku saleeysan nolosha faqrinimada ah ee asagu ku dhax jiro, mararka uu u run sheegana afka ayeey qosol la kala taagtaa ayadoo ku dhaheeysa nolosha nuucaas dhimasho ayaa dhaantyee maad sun iska cabtid adigana.

Balse wiilkii waxaas dhag jalaq uma siin jirin ee wuu u qosli jirey waliba qosol farxadi ku dheehan tahay oo qofkii u fiirsadaahi uu saameeyn ku yeelanaayo,mudo ka dibna ayaan waxeey dib ugu laabatey waxbarashadi oo albaabada loo furayey,wiilkiina waxa aay ku tiri sidaan u ahoow reerka oo shaqeyso masaakiin yahow.

Mudo ka dib ayaan waxa aay soo gaba gabeeysey waxbarashadii oo reerkeedii beey dib ugu soo laabatay  waxeeyna u timid wiilkii oo si wanaagsan u korey reerkana u dhax galay oo markaan aad mooda inuu ka mid yahay qoyska,laakiin markii aad aragto waa shaqaale oo salka dhulka ma dhigo, saa looma ogala waxa uuna qabtaa shaqadii dhamaan dadkii la raacdeeyey aay qaban jireen, aad iyo aad buun u daalan yahay.

Ayaan haatan waxa aay biloowdey iney u diir naxdo wiilka oo aya waalidkeed ka codsato in laga qafiifiyo shaqada wiilkaan mudada la joogey,waana laga aqblay taasina wiilkii baa ka biyo diidey oo ku yiri sow ma ogid ayaaneey in dameer sidiisaba shaqo iyo nasiinaba uusan dameer dhaafin,taas oo ula micno jeedey shaqo bada haay ama shaqo yar shaqaale mar kasta wa shaqaale sidaa darteed waxba iksuma dhaamin inuu nasto iyo inuu shaqeeyo,ayaan taas aad beey ula yaabtey oo hadalkaasi saameeyn buu ku yeeshey ayada.

Gabar ka timid jaamacad reerkoodana qani yahay waad taqaana waxaa maalin kasta soo buux dhaafiya gurigeeda dhalin yaradii aay isku waxbarasha ahaan jireen kuwii xaafada iyo waliba qaraabada dan yarta ah ee maalinkaa ka soo heli jirey waxeey cunaan ama cabaan,sidaa darteed ayaan waxaad mooda ineey tahay madaxa dalka ugu sareeyo, dadku had iyo jeer waxuu jecel yahaya dadka nolosha una soo ordaa mar kasta.

Qaar ka mid ah eheladii baahnaa ee danyarta ahaa waxa aya isku dayayaan ineey wiilkii ka saaran shaqada oo aay ayagu galaan booskaas,waxeeyna aaminsan yahiin inuu wiilkaani ku jro nolol raaxo leh iyo waqti macaan badan,waa sida dad badan oo inaga mid ahi wali aaminsan yahiin balse mararka qaar sidaa maahan.

Maalin baa ayaan lagu yiri wiilkaan maad iska ceeyrisaan magaciina ayuu hoos u dhigayaa markii la idin soo booqdo ee la arko aad baa looga naxayaa wajigiisa marka ma haboona inuu idinla sii jooga ee ineet goori goor tahay wiilkaan iska ceyriya ayaaneey waa dar daaran kaga yimid qaraaabadii ugu dhaweed ee ayaan.

Subax aad u xanuun badan beey ayaan u timi wiilkii oo dhaqaya alaabtii lagu quraacdey waxeeyna u sheegtey inuu u yimaado markii uu alaabta dhaqitaankeeda bogo oo ay ku sugu doonto qolkeeda wuuna ka aqbalay oo ku yidhi waayahay abaayo waan imaanayaaa, waxuuba aaminsan yahay in la dhahi doono qolka ii hagaaji maba oga in maanta aay shaqada ugu danbeeyn doonta lana doonayo in la raacdeeyo gabigiisba. !!

Isbuucaan inta ha inoo jooogta qisadii ayaan intaan sibuuca xiga dib u kulmi doonana waaa “WaaSuge” oo idin wada leh sidaa iyo nabaadiino sidoo kale bari la soco hadii rabi idmi sheekadii ayaamaha nolosha. !!

Ismail Abdi Aden “WaaSuge”

Shimali02@hotmail.Com

Related posts

FIIRSO: Qaab Dhismeeyd Cajiib ah oo loo dhisaya Magaalada Muqdisho. “Muuqaal Farxad Leh”.

KaLaFoGe

Sheekh Max’ed Idiris oo ka sheekeynaya qiso Amakaag leh oo gabar Somali ah ku dhacdey

KaLaFoGe

Dhacdo Layaab leh: Nin Somali ah oo xabsi loogu taxaabay dambi ay gashay Mukulaal isaga la joogtay.

KaLaFoGe

31 comments

Comments are closed.