Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Sheeko Xiiso Badan Oo La Magac Baxday Naxdin Iyo Jacayl.!!! Qalinkii Abdikhaliq Mohamed Cilmi.

Xiise ayaa ku dhamaaday yartii intii maalin ee aan kala maqnayn maalintii danbe ayay igu tidhi waxaan rabaaa in aan isku nimaadno waxanan ku idhi wallo aniga aya kaa jecel in aaan kula kulmo markaas xageenii ayaan kuugu imaanay haye ayay igu tidhi waxaan u sii raaciyay wallo isku mar in aynu nimaadno ayaan rabaa kolay adigu inan ayaad atahy markaa goor hore iska sii diyaar garoow ayan ku idhi waxaanay iigu jawaabtay adigu noloshaydiii ayaad tahay mana jecli in aan been kuu sheego.

Marka inag ayaa laga yaabaa in aan kaa soo horeeyo lkn arinkaaa waan ka diiday waxaanan ku idhi marka aad guriga kasoo baxdo waa in aad isoo garaacdaa adigoo dhagta ku haya telefoonka iyo anigoo ku hay dhag ayaa hal mar meesha soo wada istaagna haye ayay iigu jawaabay sacadu marka aan balamaynay waxay ahayd 2:34pm markii ay soo gaadhay wakhtigii balanta ayay isoo garacday.

Waxaanay igu tidhi hada ayaan guriga ka soo baxayaa markaas meesha aan ku balami jirnay waxa ka ag dhawaa ciyaal xaafad waxaana ku jiray wiil ay wallo ahaayeen intiii ay dhexda soo soctay ayuu qabtay inankii ay wallaha ahaayeen waxaanu ku yidhi xagee u socotaa waxaanay u sheegtay in ay inan sxb yihiin ay buugtii schoolka ka soo qaadnayso iyo waraaxo imtaaxka laga shaqeenaayay waxan ku yidhi ayaa waxaaa uu ku yidhi gurigiinii ku noqo inaga imtaxaan ha iigu marmarsoone.

Cabsi ayaa qaaday waayo walaalkeed wuu ka waynaa halkiii ayay ka noqotay markiinay gurigii gashay ayay isoo wacday inigoo meeshii ku sii socday waxanay iisheegtay intii ay igu soo socotay in walaalkeed qabtay gurigana ku celiyay lkn anigu kama xumaan waaayo dhibka xaafadooda ka haysta iyo jacaylka ay ii qabto ayaa kala wayn waxaanan u sheegay in aan warka cadeenaayo aanan amusay lkn way ku calool adaygtay in aan sheego waanay iga ogolaatay inagu ma ihi qof inan hore u doonay hadana ma garanaayo qaabka dadka wax loo waydiisto dagdag ayaa i qaaday waxaansameeyay numberkii aabaheed ayaan raadiyay wanan soo helay.

Ma gabadh ayaa telefoon cid laga waydiistaaba niyadayda kumay soo dhicin waay isku qaaday odeygii oo shir ku jira ayaan dabada sheeko u qabtay anigoo teleefonka kala hadlaaaya waxaanan ku idhi *adeero inantaada waan is jeclnahay waxaanan doonayaa in aan guursado adeero* markii aan hadlkii dhameeyay ayuu taleefonkii igu jaray halkii ayu baabuurkiisii ka soo ka xaystay odaygii waxanu ku soo socdaa dhanka gurigiisa cadho ayuu jiq yahay odaygii markii horena waan ogayn albaaka markii laga furay toos wuxuu ugu tagay qolkii ay ku jirtay inantaan is jeclayn waxaanu sameeyay.

Inantii oo qolka iskaga jirta oo ka murugaysan is waayida aan is waynay ayuu dalaq u soo yidhi ka ma uusan hadashiin halkii ayuu inantii ku qaraacay ileen waa waalid cadhooday marka hore isma garanaayo wax uu sameenayayo marka danbe ayuu ka uur xumaadaa marka uu qafkii wax u gaysto hayeeshii inantii miis meesha yaalay ayay madaxa ku dhufatay waanay miyir doorsoontay mar qudhiya ayaa laga waayay sanqad iyo xubin dhaqaaqda odeygii markii sidaasi dhacaday ayuu baraarugay waxaanu arkay in uu dhaawac u gayastay inantii oo miyir keedu aanu joogin ayaa la qaaday sariirta hurdada ayaa la geeyay halkii aya doctor loogu keenay doctor kiina waxaa uu sheegay in ay caafimaad qabta balse ay yara naxday.

Aabaheed hada aad ayuu uga xun yahay wax uu ku sameeyay niyadana waxaa uu iska leee yahay waa in hadii ay caafimaado aad ku dartaa wiil ka ay jecashay hase ahaa tee waxa niyadiisa ku jira anigu ma ogi.. maan ogaadeen hadii aanay ii soo sheegin inan ay sxb ahaayeen jaarna ahaayeen waxaanay igu tidhi habla aabaheed ayaa dilay hadan gurigooda ayay taalaa madaxa ayay wax ka gaadheen markiiba niyadayda waxaa ku soo dhacday in arinkii aan aabaheed u sheegay uu yahay warwar iyo murug xuna aya i qabsatay wax aan sameeyo ayaan garan wayay waxaan lkn hal go´aan ayaan gaadhay oo ah in marka ay soo kacdo aan la baxsado jacaylkayga si dhibtan aan uga dheeraysiiyo. wali maskaxdagan kuma fikiraayo sheekooyinka ayaan ku maqli jiray hable iyo habeel ayaa isla baxasaday lkn maxaa gaadhay markii ay isla baxadsadeen ka fikirinba, go´aan kii ahaa in aan la baxsado ayaan wali ku taaganahay.

saddex cisho ayay guriga jiifta wax teleefon ah kamaan helin marka aan doonaayo in aan xaaldadeeeda ogaadana waxaan waydiin jiray inanta ay jaarka yihiin oo aan ku odhan jiray markasta wallo hada u tag iina soo sheeg xaaldadeeda habeenkii inanta jaarka maan dhibi jirin  waayo  ma dhibi karaayo xafadoodii maaha markaa waxaan i yidhaahdaa ha iska see xato markii ay sidaas ahayd ayaa maalintii afaraad socodkii bilowday ayay ila soo hadashay waxaanay ii sheegtay in ay hada caafimaad qabto anigana qalbigayga farxad ayaa gashay waayo waxan dareemayaaa nolshaydii oo caafimaad qabta umaan sheegin.

Waxa aan damac sanahay waayo hadii aan u sheego waxaan diiday hada ayay xanuun ka soo kacday markaa ha iska yara nafisto maskax deedan waxba buuq ha galin ayaan is idhi maalin shaanaadii ayay caadi u soo kacday ayaan sifican ugu sheegay waxan damacsanahay waxaanay iisheegtay in aabaheed ogol yahay guurkaayaga ama uu ku yidhi cida aad la timadaaayo ayaan kuu guurinayaaa farxad ayaan iskala garan wayay hadalkaa ay ii sheegtay aad ayaan ugu farxay waxaanan iga soo hadhay haye macaan haye hada waxaan isku diyaarinayaa sidii nin bari aroosanaaya dhamaan xaafadaayada.

Waan la socod siiyay waxaanan u sheegay in arooskii lay ogolaaday in aan inanta arooso hooyo way yaabtay waayo odayga inanta dhaalay ayay taqaanay waxaanay igu tidhi waar maxaad ku samaysay inanta aabaheed miyuu dhintay ayay igu tidhi inta aan qoslay ayaan ku idhi maya hooyo ee isga ayaa ogolaaday waayo maalin ayuu nuber xun u gaystay inantsiisa isaga oo aniga ii diidan waxaanu u balan qaaday in ninka aya keentab uu ku daraayo markaas waa sidaaa ee hooyo waxaad ii sheegtaa in aaan inanta ku meherinaayo waxaanay igu tidhi meherka adigu ma qabanaysid ee iyada yaa qabsanaysa inta aan qaslo ayaan ka dhaqaaqay habeenimadii ayaan soo wada hadalnay waxanay igu tidhi wallo ma wanaagsan tahay waan ficanahaya ayan ku idhi qaali adiga soo iima wacnid.

Markii aan sidaa isku waraysanaya ayaan la soo booday macaan meherka xilma ayaan ka dhiganaa waxaanay igu tidhi waxan ka dhiganaynaa 7 cisho ka bacdi waxaan u sheegay wax aan mereh ka ka dhiganayno ama inta ay qabsanayso iisheeg ayaan ku idhi waxany iigu jawaabtay abdiyoo wallo hadii aan hal qabsado iyo hadii aan kun qabsadaba inaga waa iskugu kay mid waayo anigu adiga ayaan ku rabaa in aan ku waayo ma jecli doonyo laydhigo kugu doorsan maayo waxan kula soo maray marxalado badan hase ahaatee afarta odey ee maalinta bixinta imaanaya uun wanaaji bas.

Anigu waxba ma jecli ee adiga ayan ku jaclahay in aan guri aynu leenahy helayn gurigaayaga ayaan iska joogayaa . haye ayaan la soo booday sidaas aniga ayaad igu tahay macaan intaa wixii ka danbeeyay waxan isku diyaariyay in aan meherka intanta aan jecelahay isku diyaariyo hawshiina waan dhameeyay…………

Dhamaaaad

Abdikhaliq mohamed cilmi

abdikhaliqcmc@hotmail.com

Related posts

Cuntooyin Laga Helo Dalka Oo U Fiican Caafimaadka Timaha, Kana Caawiya Koritaanka Iyo In Aanay Daadan

KaLaFoGe

King Khan oo ka maarmay in qaliin lagu sameeyo.

KaLaFoGe

Q9aad Sheeko Murtiyeed: Ani Ma Nooli, Yaa Qaatay Kabaheygii Iyo Qalinkii Aamina Musse Wehliye..

KaLaFoGe

9 comments

Comments are closed.