Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

SHEEKOOYINKA QULUUBTA  (QORMO KU SOCOTO RAGA IYO DUMARKABA)

SHEEKOOYINKA QULUUBTA  (Nolosha Qoysnimo)

Xidhiidhka ka dhexeeya labada lamaane ee is qaba wuu koraa kor na waa uu u kacaa markasta oo la cusboonaysiiyo inta badan waxaa dhex mara sheekooyin aad uxiiso badan dhexdooda tani waa wadada is aqoonsi ee u horseeda labada lamaane isku dhawaansho waayo nabigeenu naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee wuxuu yidhi 🙁 NAFUHU WAA ASKAR LA JAMCIYAY KUWII IS GARTAANA WAA AY ISU DHAWAADAAN KUWIII IS DIIDAANA WAA AY KALA YAACAAN)

Hadaba waxa ah in laga digtoonaado aamus la daaimo ee ka dhexeeya labada lamaane dabadeeto noloshu ay isu bedesho xero ciidan oo aan waxaan amar ahayn mooyee aan wax kale lagu hayn , amaradaas oo dhinac kaliya ka baxaya oo ah in la taageero ninka lana adeeco gabadhuna ay awaamirtaa uun fuliso sida “” qaado .. keen..cun.. cab.. istaag… fadhiiso.. kaalay…tag..seexo…toos)maxaad doonaysaa? goormaad baxaysaa? )))
maalin kasta waa ay soo noqnoqdaan erayadaas karaahida ah waxaanay ka dhigaan nolosha lamaanaha mid dhib iyo waji gabax la kulanta ..

Hadaba mee jacaylkii? Meeday kartidii? Meeday kalgacalkii iyo naxariistii? Meeday xasuustii waayahii ay isla soo mareen !!!

Meeye sheekooyinkii lahashada lahaa ee ka sheekaynayay quruxda indhaheeda, macaanka erayadeeda , jileeca qalbigeeda ,iyo waanaagii ikhtiyaariga ahaa .,, meeday layaabkii gabadhu ay la yaabi jirtay cadarka ninkeedu marsaday , iyo amaantii maryaha nadiifta ee uu xidho,, meeye hadaladii mahadnaqa ahaa iyo ducada isugu jiray ee gabadhu ku hori jirtay ninkeeda marka uu noloshooda oo dhan kafaalo qaato , meeye xaasuustiii macaanayd ee safarkii cimriga ,, iyo wanaagii guyaashii la soo maray,, ama maalmihii malabka ee macaanaa ee ka horaysay intaan ilmaha koowaad dhalan ,, meeye xasuusashada caruurta yaryar iyo sida ay u koreen iyo ciyaartooda ay hadba mid ku cararayaan abohood iyo hooyadood

Meeye sheekooyinkii nolosha balaadhnideeda waqtigii tagay? iyo sakhirnaanta guurkooda ? iyo sida uu gurigu u ahaa mid yar oo hadana aad u qurux badan waayo waxaa nadiif ahaa oo balaadhnaa qalbiyada,
meeye aayaamihii niku u bogi jiray haweeynaydiisa iyada oo la joogta ?

Hadaba lamaanayaalyow is jecel mid kastoo idinka mid ahi ha ka dhisto lamaanihiisa kale qalbigiisa biriijyo jacayl iyo ixtiraam ah ,ka sheekeeya macaanka sheekadiinii jacaylka hadii aydaan sidaa samayn ogaada in shaydaanku idin kala dhex galayo ilaa uu yidhaahdo ( KAMA TAGAYO ILAA’ AAN KALA KAXEEYO ISAGA IYO XAASKIISA )

F.G Waxay inta badan sheekadani anfacaysaa xaaslayda dhalinyartana waxa ay u noqonaysaa hiigsi .

Qore: khadar suldan aden faarax
khadarsuldan@hotmail.com
khadarsuldan@gmail.com

Related posts

Jaceylku Sidiisaba Inuusan Da’ Iyo Kala Weyni Aqoon Waxaa Cadeeyay Gary Iyo Kate..

KaLaFoGe

Ma I Garaneysaaa?!! Qiso Cajiib Ah Aqoon Badana Aad Ka Kororsan Doonto.

KaLaFoGe

Si Uu Shaqada Maalinkaasi Ugu Baaqdo ayuu Usameeyay Dhacdadaan Caalamka Ka Yaabisay Iyo Weliba..

KaLaFoGe

11 comments

Comments are closed.