Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Marwada Tilmaamahaan Leh Ma Noqoto Mid Guurka Ku Raagto Cimrigeeda Furoow Ayey Ku Dhameesataa.

Dabeecado oo ay haween badan leeyihiin ayaa si weyn ragga uga careysiiya xilli haweenka aysan dhab ahaan ka War hayn ,hadaba wax ka baro Dabeecadahaas.

Midda Carabka Dheer:-

Waa midda carabkeeda ka dhigta hub ay ku weerarto ragga subax iyo galab,hadii arin yar oo ay xaq u laheyd ninka uu ka gaabiyo roob kaga dhigta aflagaado.

Midda Ganuunaca Badan:-

Wax ay ka mahad celineyso ma jirto, nolosheeda dhan dacwad iyo eed ayay ku dhameysataa , wanaag waliba oo uu ninka u qabtana waxa ay ka dhigtaa hal bacaad lagu lisay .

Midda Areebada Ah:-

Ma daryeesho gurigeeda, ninkana kama helo guriga wax uu ku il doogsado,mar waliba dhar wasaq iyo timo waqooyi iyo koonfur ukala jeeda ayay kaaga hor imaaneysa .

Midda gacanta adag:-

Midda bakhiiladda ah ragga ma jecla oo ninka aan siineyn caadifada jaceylka waaa badan keenteeda waaan yar bixinteeda .

Sidoo kale midda leh maseerka ka bad badiska ah iyo sida ragii u dhaqanta ragga kumanaan mitir ayay ka sii fogaadaan ee gabaryaheey taxadar yeelo .

Related posts

Barnaamijka Kobci Maskaxdaada iyo Xikmado Qaali Ah Oo Aad Ku Xasuusan Doonto Waxyaabo Badan

KaLaFoGe

Jahwareer ka dhashay Nin Saxafi Sacuudiyaan ah oo Dowladda Sacuudigu ay qasab ugu tarxiishay Magaalada Muqdisho iyo Madaxda Soomaaliya oo?!!

KaLaFoGe

Qurbajoogta & Dhaqan Celis – ‘Dayuus-barrada’ ayaa noo keenay dhibaatooyinka! (WARBIXIN)

KaLaFoGe

3 comments

Leave a Reply