Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Qiso Gaaban Oo Cajiib Ah Iyo Gabadhii Muslimada Aheyd Ee Arinta Cajiibka Ahi Ku Dhacday Markii Qabriga LA Dhigay.

Gabar Muslimad ah oo Khayr Badneed, Salaada iyo Soonka ku Wanaagsaneyd, Seygeeda u Samafal badnayd, Ubadkeeda iyo Ehelkeedaba u Wanaagsan, Afkeeda iyo Addinkeedana Aadanuhu ka Nabadgaleen. Waxay ahayd Qof Shakhsiyad Wanaagsan oo Cid waliba ku soo Hirato, lana wada jecel yahay, Wanaageeda, haddaba Dadku markey la yaabeen Sharaafta iyo Wannaagga uu ilaah ku Abuuray, ayey ugu Naaneysi jireen Muslimo.

Haddaba, Magacaasi Muslimana wey kaga Dhabeysay Runtii markey Wanaageedii ka Dhigtay mid joogta ah, intaas ka dib Muslimo maalintii ay Lama Huraantii Geeridu ay ku soo Xaadirtaysay ayaa la Gaaray. Salaadii Casar ka dib ayey Jiifsatay Qolkeeda, waxaa markiiba lagu Bilaabay Laab Xanuun, in muddo ah ayuu Xanuunkaasi hayeyna ka dibna islaCudurkii ayey u Dhimatay, intaasi ka dib Ehelkii iyo Asxaabtiiba wey ku soo Urureen Baroordiiq ka dibna waa la Aasay Muslimo.

Haddaba, Arrinta Cajaa’ibka ahi waxey dhacday Habeenkii Koowaad ee Qabriga ay Gashay Muslimo. Dhawr Asxaabteedii ay aad isugu Xirnaayeen ayaa si isla mid ah waxay ugu Riyoodeen Muslimo, oo Beeraha jannada Dhex taagan, wax kastoo ay Damacadana ay Xor u tahay iney ka Cunto, Dharka ugu Qurux badana Xiran oo ka Sameysan Xariir, Wajigeedana Nuur ka baxaayo, kolkaas ayaa la weydiiyey sida ay Darajadaan ku gaartay, waxeyna ku tiri:- Waxaan ku gaaray Salaadda oo aan ku Tukan jiray Waqtigeeda iyo Anigoo weligey Ruux Bini’aadan ah Cuqdad ugu qaadin Caloosheyda, Deriskeyga iyo Ummadda Rabbina aan weligeey Dhib u Geysan, Alxamdulilaah ilaaheyna maanta Abaalkeyga Jannada ayuu iiga Dhigay.

Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW JANNADAADA NOOGU DEEQ).
W.Q:- Macoow Ustaad.

Related posts

Si Aad Fikir Wanaagsan Oo Naftaada Deeqo U Heshid Waa In aad Arimahani Ku Dhaqaaqdaa..

KaLaFoGe

Qaado Habkaan Fudud Oo Aad Wejiga Kaga Baabi’ineyso Haaraha “Qurxinta Wejiga”.

KaLaFoGe

Dhageyso: Haweenay Soomaaliyeed oo la kulantay Rag Jinni ah ” Haddaadan hadda na afgaran ogow sariirtaa noo ballan ah”.

KaLaFoGe

5 comments

Leave a Reply