Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Wax Badan Ka Baro Sifaadka Rasmiga Ah Ee Lagu garto Dadka Ahlu Jannada Ah.

Jaabir RC, waxaa laga weriyay inuu Nabiga CSW yiri:- Ninka leh Saddex Hablood ee Tarbiyeeya, una Naxariista ee Kafaala qaada, Xaqiiqa ahaan waxaa u Waajibtay Jannada si Go’an, kolkaa ayaa Asxaabta waxey ku yiraahdeen:- Rasuul Aloow haddii ay Laba yihiina wuxuu yiri:- xitaa haddii ay Laba yihiin waxaa u Sugnaatay Jannada, Qaar ka mid ah Asxaabta waxay yiraahdeen haddii ay mid tahayna Rasuulka wuxuu yiri:- Wey ku Waajibaysaa Jannadu. (waxaa weriyay Imaamu Axmed).

FIIRO GAAR:- Ogoow Muhimaddu ma ahan inuu Ninka iska guursado (Hal ama wixii ka badan), ee Muhimaddu waxey tahay waa inuu Ninku Xaaskiisa ku Tarbiyeey Daqriiqa Xaqa ah, una Isxaan Fala, Xuquuqdeedana sidey tahay u Fuliyo.

Abuu Hureyra RC, waxa laga soo weriyay in Nabiga CSW, la waydiiyay waxa ugu badan ee Jannada lagu galo Nabigu CSW wuxuu yiri:- Cabsida Allaah SW, iyo Aqlaaaqda Wanaagsan. (waxaa weriyay: Tarmiidi iyo Ibnu Xabaan).

Cayaad Binu Xamaar Al Majaashici RC, waxaa laga weriyey inuu Rasuulka CSW yiri:- Ehlu Jannuhu waa Saddex:-

1- Nin Madax ah oo Cadaalad Sameeyay inuu Run sheeg yahayna la isku Waafaqay.

2- Nin Naxariis leh oo Qalbi Dabacsan.

3- Nin Muslinimadiisa ku Dhoorsan, kuna Dhoorson Caruur Faro badan. (waxaa weriyay: Muslim).

===========================

(ILAAHOOW JANNADAADA NAGU ARZAAQ)
W.Q:- Macoow Ustaad.

Related posts

Xilliga Afurka Qofka Maxaa Wanaagsan Inuu Ku Afuro Iyo Ducada La Akhristo Wakhtiga Afurka.

KaLaFoGe

Maanso Cusub Oo Lamagac Baxday “Waxaa Ka Hagaagsan” Iyo Qalinkii Abwaan Dhagajilic

KaLaFoGe

Aqriso Qiso aad ka nixi doontid,Allow Sheydaan ha nagu salidin(Zino+Dil+Shirki) Qeybtii 3-aad

KaLaFoGe

Leave a Reply