JavaScript must be enabled in order for you to see "WP Copy Data Protect" effect. However, it seems JavaScript is either disabled or not supported by your browser. To see full result of "WP Copy Data Protector", enable JavaScript by changing your browser options, then try again.
fb

Qeybtii Koowaad 130 Dariiqo Oo Carruurta Lagu Barbaariyo Si Aay Ugu Koraan Diin Iyo Kalgaceyl Buuxo..

Published: January 10, 2015, 7:14 pm | Updated: January 10, 2015 1:16 pm

Isku day inaad carruurtaada kula dhaqanto qodobadaan lagama maarmaanka ah ee ku xusan dhanka hoose

1. Ilmahaaga bar tawxiidka iyo in Illaahay keligii yahay mudan yahayna in keligii la caabudo.

2. Bar ilmahaaga in Illaahay inoo abuuray inaynu caabudno keligii.

3. Ilmahaaga mar walba joogto ha uga dhigin inaad Naarta uga sheekayso si aanu argagax u qaadin.

4. Ku waani inaad jeclaysiiso Alle swt , u sheeg inuu Alle ina quudiyo oo ina siiyo huga ama dharka.

5. Ilmahaaga u sheeg inaanu Alle caasiyin markuu cidla joogo waayo Illaahay wuu arkayaa mel kasta.

6. Markaad la hadlayso badi inaad soo hadal qaado magaca Alle sida Allaah iyo Bismilaah iyo Alxamdulilah.

7. Ilmahaaga xasuusi markuu wax cunayo iyo markuu wax cabayo iyo markuu lebisanayo magaca Alle.

8. Ilmahaaga jeclaysii Xabiibkeenii scw uga sheekee taariikhdiisii iyo sifaadkiisii ,

9. Jeclaysii ilamahaaga inuu badsado Saliga Rasuulkeena scw mar kasta,

10. Ilamahaaga ka dhaadhici qadarka iyo wixii Illaah kuu qoro inaanay ku seegayn.

11. Si fiican u bar ilmahaaga arkaanta islaamka ee shanta ah iyo arkanta iimaanka ee lixda ah.

12. Ilamahaaga marmar su’aalo waydii diini ah si uu ugu xiiso oo kaaga jawaabo.

13. Marmar waydii ilmahaaga tawxiidku waa imisa qaybood? Maxaa la inoo abuuray iwm?

14. Ilamaahaga bar arkaanta islaamka ee shanta ah kuna celceli ilaa uu si fiican u fahmo.

15. Ilamahaaga ku tarbiyadee salaada sida uu ina amray xabiibkeenu scw.

16. Mar mar ilmahaaga ama inta badanba u kaxayso masaajidka,

17. Bar ilmahaaga edebta masaajidka loo galo iyo edebta looga soo baxo.

18. Bar ilmahaaga ixtiraamka uu mudan yahay masaajidku una sheeg inuu dhibta ka dhowro masjidka

19. Bar ilmahaagu intuu yaryahay inuu soomo si uu u ilaashado soonta markuu waynaado.

20. Ku dhiiri geli ilmahaaga inuu quraanka xafido intuu karo iyo axaadiista iyo adkaarta.


HADAAD ISTICMAASHO FACEBOOK HALKAAN KU REEB FIKIRKAAGA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>