Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Kororso Aqoontaada Oo Wax Badan Ka Ogoow Lix Su’aal Oo Hadii Lagu Weydiiyo Aad Jawaab u Weeyn Laheyd..

KORORSO AQOONTAADA.

Nin ayaa wuxuu damcay inuu Imtixaamo Imaam Shaafici, isagoo Oranaaya:- Imaam Shaaficiyoow waxaad ii sheegtaa?

1- Waajib dhexdiisa.

2- Waajibka Waajibkiisa.

3- Salaad aanan Waajibka aheyn.

4- Salaad lagaga tegay Waajib.

5- Salaad Dhirir iyo Balaarnaan ahaatay.

6- iyo Salaadda Cirka iyo Dhulka dhexdooda ahaatay.

Intaas ka dib Imaam Shaafici ayaa ku jawaabay:-

1- Waajibka waa Salaada Shanta ah.

2- Waajibka Waajibkiisa waa Weysada Salaadda loo Weysa qaato.

3- Salaadda aan Waajibka aheyn waa Salaadda Caruurta inta eysan Qaangaarin tukadaan.

4- Salaadda lagaga tegay Waajib waa Salaadda Ruuxa Saqraansan.

5- Salaadda Dhererka iyo Balaarnaanta ahaatay waa Salaaddii Nabi Yuunis CS, uu ku tukaday Caloosha Kalluunka dhexdiisa.

6- Salaadda Cirka iyo Dhulka dhexdooda ahaatay waa Salaadda uunka Midka ugu Sharafta badan Sayidkeena Muhammad CSW, loo soo dhiibay.

Wabillaahi Towfiiq.
(ALLOOW ISLAAMKA U GAR-GAAR).
W.Q:- Macoow Ustaad.

Related posts

Qiso Aad U Cajiib Badan Oo Dhex Martay Wiil Soomaali Ah & Gabadh Cadaan Ah “Jaceyl Iyo Janno”.

KaLaFoGe

Maxaad Ka Taqaanaa Erayada Iyo ficilada Ninka Soomaaliyeed Uu Ku Naco Xaaskiisa Hadii Aay Caadeysato.

KaLaFoGe

Weli Ma Is Weeydiisay Dadka Uu ILLAAHEY Abuuray Qofka Ugu Caqliga Badan?, Haddaba Jawaab U Hel Su’aashaasi…

KaLaFoGe

3 comments

Leave a Reply