Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Nolosha Keebee Ku Qurux Badan Tahay Kelinimada ama Wada Jirka, Weli Ma is Weeydiisay Su’aashaasi..

Wadda jirkaa haboon

dadnimadu waxay ku qurxoontahay wada jirka iyo is kaashiga, kuma qurxoona wax isku ahaanshaha, umad walba oo ku nool goob, goobtaas oo ay ka dhaxayso degenaansho, kuna haystaan nabad, markasta waxa ay ku horumari karaan, kolba qaabka ay isku kaashadaan iskuna caawiyaan, waxa horumar waxa lagu gaadhi karra waa guusha hibaysan ee ay ka danbeyaan wada jirka umada, kaas oo ka bilabma dhalinyarta kuna danbeeya madaxada, si ay u gadhaan guul waarta.

Marka la eego goobta ay kasoo unkanto , baahiyaha bulsho ee fikir iyo cuddudba waa dhalinyarteeda, waa la odhan karaa ma lihin dhalinyaro kuwaas oo keeni karra maskax balaadhan, kuwaas oo badali karra majaraha horu-marineed ee ummada, balse waynu liddanaa hadii la inaga waayo intaas oo dhan, waxa ummada dibi u dhigay waa dharaga aynu ka dharagnay xadaradaha aduunka intiisa kale , kuwaas oo hoos u dhigay fikirkeeni , kuwaas oo mijo habaabiyay qorshayshi iyo qimihii fikirkeena , waxaana inoo hoos raacay balwadaha iyoo aafadda qabiilka. Wuxuu yidhi gabayagani isagoo la hadlaya da, yarata.

Ku mashquulka qayrkaa , qorshe dhaamaba jira

Dadka ruux ku qaaliya, shakhsi quudhsada jira

Qiimo aabad leedahay , qof ku diidanba jira

Intii aynu ku mashquuli lahayn dad kale waxaa wacan inaga oo is dhiiri galina , inaga oo isku calool furnaan inaga oo isku faanna,

Run ahaanti hadii aynu nahay dhalinyarada wakhtigan, kuna abtirsata qarankan waxaan idin odhan lahaa,

Waa gullaysan karnaa hadii aynu gacmaha is qabsano,

Waa gullaysan karnaa hadii aynu ilowno qabyalada,

Waa gullaysan karnaa hadii aynu ka takhalusno balwadda,

Waa nolaan karnaa hadii aynu ku cibbro qaadano umadaha baa,bay,

Waa guulaysan karnaa hadii dhalinteenu isku xidhantahay, balse inta ay kala tafararuqsantahay waxba inooma qabsomayaan.

Qof kasta meel kasta oo uu joogo ayuu ka bilabbi kara horumarka, ku jooga wadnaka gudihiisa iyo dibadiisab,

Waxa ugu horaysa in ruux walba ka bilaabo naftiisa horumarka, qorshayasha noloshu waa badan yihiin aduunkuna waa kooban yahay, waxa muhiim ah in aynu ahaano ummad ku faanta waxay haysato, ku qanacsan goobta ay dagantahay, waayo halkaas ayaynu qiimo ku leenahay, kuna nahay boqoro, waxa ku jirra dhalinta dad badan oo leh hami iyo himilo fog, balse wakhtigu ciilay, kaasna waxaynu odhan lahayn , eraygan

(Ninki hami sare lahaa, ninkii higsigga ku jiray,

Kaan habrashada aqoon, balse wakhtigu haratiyay,

Marbu heli wuxuu rabo)

Waa hubaal balse waxaa lagu gaadhaya Samir iyo daganansho, waxaan indhahayga kusoo arkay dhalinyaro u heellan cilmiga barashadiisa, kuna nooltuulooyin, kuwaas oo u bahan dhiiri gallin iyo hoga-tusaale wax ku ool ah, runtii dhamanteen waxaynu nahay ummad baahan, dhan walba inagon kala qaadayn lakinse waxaynu kaga baxaynaa is kaashiga iyo wada jirka , waxaan aminsanahay in saxiibku badali karro mustaqbalkeena kana tir tiri karo qabyaalada, balwada , iyo waxyaabaha kale ee liita waa ka kaliya een aminsanahay, waa halka ka bilaabmo horumarka dhalinyardu, guud ahaan maqalkaygan yar ee koobani waa ku aan ku dhiiri galinayo dhaliyarta , waa gullaysan karnaa hadii aynu gacmaha is qabsano.

W/Q; siciid ismaciil muxumed dahab

e-mail; siciiddahab4608@hotmail.com

Related posts

Sadaxdaan Arimood Waxey Kaalin Weyn Ka Qaataan Sidii Aay Iskugu Soo Dhawaan Lahaayeen Lamaanaha Is Jeceyl.

KaLaFoGe

Daawo Sawirrada Dhurwaa Masjid xureestay xilli lagu jiray Salaad oo ugu danbeyn ladilay.

KaLaFoGe

Geediga Jaceylka Iyo Kulamadii Qarsoonaa Ee Elsa iyo Alfareedo Qalinkii Nuura Ibraahim..

KaLaFoGe

Leave a Reply