Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Qeybtii Labaad Noocyo Ka Mid Ah Ragga Oo Haweenku Aaysan Jecleyn “Barnaamij Aad & Aad U Xiiso Badan”.

Barnaamijkaan Aadka u xiisaha badan dhalintana aqoon aan xad laheyn ka faaidayaan hadii uu ku dhaafay qeybtiisii koowaad halkaan hoose ka akhriso.

Q1aad Noocyo Ka Mid Ah Ragga Oo Haweenku Aaysan Jecleyn “Barnaamij Aad & Aad U Xiiso Badan”.

Billoowga Qeybta Labaad.

6). HADDII KHILAAF DHACO

In khilaaf dhex maro labada qof oo is qaba waa arrin in badan dhacda. Marka bal aan eegno waxa Soomaalidu arrintaas ka tiri:

“Labo seeddi oo murantay suugaan rag baan moodey; soddoggii hadday gaarto saxariir rag baan moodey; soddohdii hadday gaartana ha la kala socdaan moodey”

Oraahda waxaa loola jeedaa inay habboon tahay in khilaafka qoyska la xalliyo inta uu joogo heerka ugu horreeya ee labada seeddi ee aan la sii jiidin ilaa uu soddogga iyo soddohda ka gaarayo, taasoo ah arrin ciribxumo u leh jiritaanka reerka.

“Inta ayan waxba dhalin keligaa baa jiidi kara, marka ay ilmo aan badnayn dhashana tolkaa kula jiidi kara, markii ay ilmo badan dhashana cidina ma jiidi karto”

Oraahda waxaa loola jeedaa in inta aan naagto waxba dhalin ama ay ilmo aan badnayn dhasho uu furriinkeedu suuroobi karo, marbase haddii ay ilmo badan dhasho uu furriinkeedu yahay arrin aad u culus oo la rabo in aad looga fogaado. Erayga jiididda waxaa halkaan loogu isticmaalay waa in naagta la furay lagu matilayo sidii baqti guriga laga fogeynayo oo kale.
.
Waxay kale oo Soomaalidu tiraahdaa :


“Ninku hal fallaar buu haystaa, naagtuna labo iyo toban fallaarood, halka fallaar buuna ku dilaa”.

Arrintu ma aha fallaaro run ah ee waxay tilmaamaysaa heerka dulqaadka ee labada qof. Sida dhacda, markii khilaaf dhacoba waxaa suurowda in haweeneydu tiraahdo “ha lay furo”, taasoo ka imanaysa laab-lakaca haweenka ku badan. Markii ay sidaas tiraahdaba waxay la mid tahay iyadoo fallaareheedii mid ka mid ah gantay. Ninku fallaarta keli ah oo uu haystaa waa dalaaqda, taasoo markii ay is khilaafaanba ay dhici karto inuu furriin ugu cago jugleeyo , hase ahaatee uusan marna ka dhabaynnin. Wax arrintu sidaas ku socotoba waxaa aakhirka la gaaraa waqti ay haweeneydu, markii ay duqowdo oo ay ogaato in haddii la furo ayan jirin cid kale oo wax ku falaysaa, ay wax kasta oo ay ninkeeda ka dhaliisho isaga dulqaadato. Taasi waxay la mid tahay iyadoo ay fallaarihii
badnaa oo ay haysatey ka dhammaadeen, isagoo uusan ninku weli tiisii isticmaalin. Sababtaasna weeye midda Ilaahay ragga ugu dhiibey hoggaaminta qoyska.

Bal aan eegno aayadaha iyo xaddiiska hoos ku xusan oo arrintaan ku saabsan:

“Raggu hoggaamin bay haweenka ku leeyihiin, taasoo ka imanaysa waxa Ilaahay qaarkood qaarka kale kaga fadli yeelay iyo waxa ay bixiyeen oo maalkooda ka mid ah………” (Suuratu An-nisaa’, aayad 34).

Sida aayaddu caddaynayso hoggaaminta ragga la siiyey waxaa saldhig u ah sababaha soo socda oo kala ah cilmiga iyo xilqaadka dheeriga ah oo Ilaahay ragga siiyey oo keenaya dulqaad ka badan kan haweenka, markii khilaaf dhaco, xoogga jirka oo ragga u suuro gelinaya difaaca qoyska haddii khatari timaaddo iyo kharajka ay ku bixiyaan reerka dhismihiisa hore iyo daboolidda baahidiisa joogtada ah.

“Haddii aad ka baqdaan khilaaf labadooda dhex mara soo dira ergo ehelkiisa ah iyo ergo ehelkeeda ah; haddii ay maslaxo doonayaan Ilaahay wuu waafajinayaa; dhab ahaan Ilaahay waa kii cilmi iyo xog ogaalnimoba badan” ( Suuratu An-nisaa’, aayad 35)

“Haddii ay haweeney ninkeeda uga baqdo madaxtaag ama ka jeesasho, danbi korkooda ma ahaannin haddii ay dhexdooda ka heshiiyaan, heshiiskaana khayr badan……..” (Suuratu An-nisaa, aayad 128)

Xaddiiska soo socda oo waafaqsan micnaha aayadahaas, waxaa laga faa’iidaysanayaa in furriinku uu yahay xalliga ugu xun oo khilaafka qoyska lagu xallin karo, sidaas awgeedna loo baahanyahay in aad looga fogaado, intii laga fogaan karo.

“Xalaal tan Ilaahay ugu necebyahay waa furriinka”

7). QALLOOCA HAWEENKA


Bal aan eegno oraahaha soo socda oo qallooca haweenka ku saabsan

“Haween ama ka samir ama u samir”

Oraahda micneheedu wuu iska cadyahay oo waxaa weeye in haweenka loo dulqaato maadaama aan laga maarmi karin, inkastoo ay qallooc badanyihiin.


“Inta ayan waxba kuu dhalin waa naagtaada, marka ay dhawr carruur ah kuu dhashana waa ilmahaaga hooyadood, marka ay ilmo waaweyn yeelatana waa shaydaan naagtiis”.

Qaybta dambe ee oraahda waxaa loola jeedaa in markii ay naagta ilmeheedu koraan oo ay baahideeda daboolaan uusan ninku wax qiimo ah ugu fadhin oo ay markaas dhici karto inay xannaanadiisa isku laddo. Waana markaas marka uu ninku ku fekero inuu naag kale guursado.

“Waxaad yeelaysaan diidney dhaha”

Kaasi waa dardaarankii Arraweelo haweenka kula dardaarantay oo ahaa inay marka hore maya yiraahdaan waxa hadhow ay yeeli doonaan, taasoo siinaysa awood gorgortan oo dheeri ah, keenaysana in la baryo, saa illaa lagama maarmi karee.

Bal aan eegno axaadiista soo socota oo arrintaan la xiriira:

“Haweeneyda waxaa laga abuuray feer qalloocan, feertana waxaa ugu qallooc badan qaybta kore, haddii aad isku daydid inaad toosisana waad jebineysaa haddii aad iska deysidna waa qalloocnaanaysaa” Riwaayad kale waxaa ku soo arooray:

“ Haweeneydu waa feer oo kale, haddii aad toosi is tiraahdana waad jebineysaa, haddii aad sideeda kula dhaqantidna waxaad la dhaqmaysaa iyadoo qallooc ku jiro”

8). DAGAAL LOO GALO HAWEENKA

Sida la weriyo qisada soo socotaa waxay ka dhex dhacday Cali Duullane iyo Afxakame oo madax u kala ahaa labada lafood ee Dhulbahante ee Barkad iyo Bah Ararsame.

Waxaa la sheegaa in labadaas nin midkood, oo aanan hadda sugi karin midka uu ahaa, uu abtigi gabar soo siiyey. Markaas buu isagoo u socda meeshii uu reerkiisu degganaa gabadhii la soo dhex maray meeshii ay degganaayeen ninka kale iyo ciddiisu. Arrintii waxay noqotay in ninkii reerkiisu meesha degganaa uu kii kale gabadhii ka xoogey oo guursadey. Kii gabadha laga xoogey markii uu ciddiisii soo gaarey ayuu gabayga guubaabada ah oo soo socda tiriyey:

“Geel waa la kala xoogsadaa xubin rag weeyaane”,
“Wax xiniinyo go’an ninkii xilo laga xereeyaaye”.



Sida la sheego labadii lafood ee Barkad iyo Bah Ararsame waxaa arrintaas ku dhex maray dagaal ay huf qaraban isugu noqdeen.

9). RAAGE UGAAS IYO JECAYLKA HAWEENKA

Sida la weriyo Raage Ugaas, oo loo aqoonsanyahay inuu yahay aabbaha gabayga Soomaaliga, wuxuu gabayga bilaabay markii uu nasiibdarro xun kala kulmay guurkiisii ugu horreeyey. Sida la sheego, abtigiis ayaa gabar soo siiyey markaas buu ula soo ambabaxay meeshii ciddiisu degganayd oo habeen loo sii dhaxayey. Iyagoo hurda ayaa goor saq dhexe ah gabadhii libaax qaaday oo diley. Gabayga catawga ah oo soo socda oo la sheego inuu yahay kii ugu horreeyey oo uu tiriyey ayuu markaas afka saaray:

“Aboodigu ma lalo garab hadduu iin ku leeyahaye”,
“Ma abraari karo adamihii araxda beelaaye”,
“Usha ma uu qaadan karo sheybihii arag darreeyaaye”,
“Lafta araxda iyo ooftu waa udub dhexaadkiiye”,
“Meeshaan ka aa’ iri Ilaah keliya uun baa og”.


Waxaa la sheegaa in markii ay nasiibdarradaasi ku dhacday kaddib uu abtigiis gabar kale siiyey oo iyadiina uu nin walaalkiis ahaa oo suldaan ahaa is damacsiiyey. Markaas buu weeraha soo socda oo iyaguna catawga ah u jeediyey ninkii walaalkiis ahaa oo damcay inuu gabadha ka qaado. Raage wuxuu hadalkiisii ku bilaabay:

“Hangaraarac iyo good sidood hor iyo dabo laabka”,
“Indheheer hoggoodii ka yimid iyo hoorka iga qubanaaya,
“Hanqal la’aanta waxaa iigu wacan ina-odow heedhe”.

Intaasi markii ay afkiisa ka soo baxday ayaa walaalkiis gartay hadalka uu soo wado culayskiisa. Markaas buu yiri walaalow intaas waxba ha ku darin gabadhii waan kuu  daayeye.

Related posts

Qiso Xanuun Badan:- Dhacdo La Yaab Leh Oo Ku Dhacday Gabar Soomaaliyeed

KaLaFoGe

Ma jeceshahey inaad had iyo goor wajigaga iyo korkaaga dhalinyaro iyo qurux ka muuqato.

KaLaFoGe

Daawo Muuqaal Laga soo Qaaday Caasimada Somalia Muqdisho Oo Aad U Bilicsan + Video.

KaLaFoGe

3 comments

Comments are closed.