Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Akhriso Sababtii keentay in Illaahay amro Nebi Ibraahiim inuu bireeyo Wiilkiisa Ismaaciil CS.

Sababtii keentay in Illaahay amro Nebi Ibraahiim inuu bireeyo Wiilkiisa Ismaaciil CS.

Sababta keentay in Nebi Ismaaciil CS la amro in la bireeyo xaqiiqada Illaah baa garanaya, balse sida la sheegay Nebi Ibraahiim CS ayaa sadaqeeyey 1.000 Neef oo Ari ah, 300 oo lo’ah iyo 100 Neef oo Geel ah, wuxuuna ku baxshay jidka Illahay.

Dadkii ayaa la yaabay, markaabaa Nebi Ibraahiim CS wuxuu yiri “waxaan baxday agtayda waxba kama ahaa, balse Illah baan ku dhaartee haddii uu ii ahaan lahaa wiil jidka Illahay ayaan u bireyn lahaa, Illahey ayaana ugu dhawaan lahaa “markii uu saas yiri Nebi Ibraahiim CS waqti badan ayaa la joogay, kaddib Illahay ayuu weydiistay awlaad, (ilmo) Illahayna wuu ka aqbalay, waxaana loogu bishaareeyey walad, waxaana loo dhalay Nebi Ismaaciil (CS).

Nebi Ismaaciil CS markuu weynaaday ee uu gaaray dhowr sanno, ayuu Nebi Ibraahiim (CS) ku riyooday isagoo bireynaya wiilkiisa Ismaaciil CS, laguna yiri oofi nadarkaagii (dhaartaadii hadda ka hor). Markii waagu beriyey ayuu ku fekeray tolow ma amar xag Alle ka yimid baa riyadu, mise waa shaydaan.Galabtii ayuu haddana ku riyooday wuxuuna xaqiiqsaday in xagga Alle laga amray, inuu bireeyo wiilkiisa Ismaaciil CS.

Maxaa yeelay Riyada Nebiyadu waa xaq, waxayna la mid tahay iyadoo loo waxyooday. Nebi Ibraahiim (CS) wuxuu ku yiri, Haajara oo ahayd Nebi Ismaaciil hooyadiis “Wiilka dhar fiican u xir meel baan aadaynaayee “hooyo Haajara Ismaaciil CS dhar fiican ayey ugu labistay wayna u subagtay, wayna u shanlaysay.

Nebi Ibraahiim CS wuxuu qaatay xarig iyo mindi, waana is raaceen isaga iyo Nebi Ismaaciil (CS). Nebi Ismaaciil CS aabihiis ayuu hor socday in la biraynayana ma ogeyn isaga iyo hooyo Haajaraba……..

La Soco Kobciye.com Iyo Qeybaha Danbe Ee Qisadaan Haduu ALLE Idmo

Related posts

Gabadh Dalbatay In Laga Furo Odaygeeda Oo Ay Sheegtay In Uu Gudcurka Si Aad Ah Uga Baqo.

KaLaFoGe

DHAGEYSO: Sh. Umal “bad weyntii danbiyada ahaa ee fanaaniintu ku dhex jireen umbeey mid ka weyn soo galeen”

KaLaFoGe

Ma loxodkeey ku ladayaan?  (Qormo sheekeed)

2 comments

Leave a Reply