Nin Tuug ah ayaa soo xaday 160 Xabo oo Cabitaanada Qaboow ah si uu ugu qaybiyo Dadka Wadooyinka maraya.
Booliska ayaa Maalmo ka dib ku guuleeystay inay soo qabtaan Tuuggan oo Sarqaansanaa.
Boolisku wuxuu sheegay inaan wali la ogaan Sababta uu Tuuggu Falkan ugu kacay, sidoo kalena lama garan waxa ku kalifay inuu Biyihii Qaboobaa ee uu soo xaday uu Dad uusan garanayn u qaybiyo.
Dhanka kale Maxkamad Mareeykanka ku taala ayaa Nin Austaralian ah ku eedeeysay inuu Bangiga kasoo xaday 140 Kun oo Dollar.
Ninku wuxuu sheegay inuu Marmarsiiyo u heeysto Xatooyada uu sameeyay, isagoo cadeeyay inuu Lacagta inteeda badan u qeeybiyay Dadka Saboolka ah iyo kuwa Wadooyinka jooga ee aan Guryaha heeysan.
Cory Donaldson oo 39 jir ah ayaa Hey’adda Garsoorka ka hor difaacay Naftiisa, wuxuuna sheegay in Lacagta uu soo xaday uu uga faa’ideeystay bad-baadinta Saboolka, ka dib markuu isaga qudhiisu Gurigiisii waayay Sanadkii hore, markaas oo uu noqday mid Wadooyinka ku nool, halkaas oo uu Dad isaga la mid ah kulasii kulmay.
1 comment