Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Cajaaibta Muqdisho: Arrin aan weligeed qof loo dilin oo gabar 20 jir ah lagu dilay

Dagaal yahannada Al-Shabaab ayaa si buuxda oo cawaaqib leh uga howl galaya magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia, oo ay ku dilayaan shacab fara badan oo ay amarradooda ku qasbayaan.

Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa shalay ka dhacay arrin dad badan ay la yaabeen kadib markii gabar yar oo 20 jir ahayd loo dilay baati ay xirneyd dartiis.

Dilka gabadhan ayaa yimid maalin kadib markii Al-Shabab ay magaalada Muqdisho kusoo rogtay amar ah inaan la xiran karin baatiga, sababtuna ay tahay inuu jirka gabdhaha soo saarayo, sida ayaga ay la tahay.

Waxa ay warqado arrintaasi ay kaga digayaan ay ku daadiyeen xaafadaha ku dhow suuqa Bakaarha.

Xasan Cabdi oo ka mid ah gancsatada Suuqa Bakaaraha oo arkayey markii gabadha la dilay ayaa Kobciye.Com u sheegay in dadkii dilay oo ah laba dabley oo ku hubeysan bastoolado ay weydiiyeen sababta ay u xiratay baatiga ka hor inta aysan toogan, kadibna ay carareen.

Amarka Shabaabka ayaa waxaa u hogaansamay dumarka qaar, inkasta oo badankood ay iska diideen.

Related posts

Apple Watch Takes Center Stage Amid iPhone Excitement

KaLaFoGe

Sidee ayaad Ku Xaqiiqsan kartaa Inaad Dabci U Leedahay Anshaxa Dhowrsoon Iyo Dhaqanka Wanaagsan? Q2aad.

KaLaFoGe

Weligaa Sadax Xaaladood Intaad Ku Sugantahay Ha Sameyn Sadax Xaaladood Oo Kale Sida Tanoo Kale.

KaLaFoGe

15 comments

Leave a Reply