Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Daawo Sawirada Cup Loo Qabtay Jilib Culeysyaasha Reer Puntland Oo Xalay Soo Gebagaboobay.

Koob ku aadanaa bisha ramadaan islamarkaana u dhexeeyay ciyaaryahano ka mid ah kuwii ka cuslaaday deegaanada Puntland ayaa xalay ku soo gaba gaboobay magaalada Garoowe.

Ciyar xiisa badan ayaa habeen nimadii xalay ka dhacday barxada ciyaaraha iskoolka Nawaawi ee Magaaladaasi Garoowe,  taas oo dhexmartay laba koox oo isku soo haray koobkaasi.

Xafladan xiritaanka u aheyd koobkan ayaa waxa ka soo qaybgalay wasiiru dowlaha dekedaha Cabdishakuur Mire ,agaasimaha guud ee Shaqada iyo shaqaalaha Axmed Bile ,agaasimaha Qorshaynta ee arrimaha gudaha Juba ,gudoomiyaha cayaaraha gobolka Nugal Cabdi Nuur Halac iyo marti sharaf kale oo u badan bahda dhalinyarada.

Labada koox ee ku tartamayay Finelka Koobkaas ayaa waxa ay kala ahaayeen kooxaha la kala baxay JJ Motors Vs Wadajir.

Waxay kooxahaasi ciyaartoodu ku soo gaba gabowday guushiina ay raacday kooxda la baxday JJ Motors, waxayna kaga badiyeen kooxda kale ee ka soo horjeeday Gool ku laadyo.

Halkaas waxaa hadalo ka sookala jeediyay masuuliyiintii ku sugnaa iyagoo bogaadiyay sida xiliga habeen nimo koob ciyaareed xiiso badan loogu soo gaba gabeeyay Garoowe, waxayna ku tilmaameen heer wanaagsan oo laga gaaray amaanka .

Ugu dambeyntiina waxay halkaasi ku gudoonsiiyeen Koobkii ciyaaryahanada helay, iyo bilado kala duwan oo iyaguna la gudoonsiiyay ciyaaryahandii ka qeyb galay iyo weliba shirkadihii ka qeyb qaatay.

Sawiro
IMG_4208IMG_4222IMG_4265IMG_4387IMG_4402IMG_4406IMG_4413IMG_4415

Related posts

Akhriso Kutub Diini Ah Nolosha Guurka Iyo Cutubka Koowaad Ee Isbuucaan.

KaLaFoGe

Daawo Sawiro Aad U Qurux Badan Oo Laga Soo Qaaday Mid Kamid Ah Hotelada Muqdisho.

KaLaFoGe

Man United Oo Si Rasmi Ah U Ceyrisay Tababare David Moyes.

KaLaFoGe

Leave a Reply