Telefishin Bakistaan ku yaala ayaa Bisha Ramadaan furay Tartan Abaal-marintiisu ay tahay mid aad loola yaabay oo aan horay loo arag.
Tartankan oo Bisha Ramadaan socon doona waxaa Abaal-marinta lagu bixinayaa ay yihiin Caruur.
Waxaa kale oo Abaal-marinada ku jira Kumbiyuutarada Laptop-ka, Mootooyin iyo Agab Elektartooni ah oo Guryaha loogu tala galay.
Tabiyaha Barnaamijka oo la yiraa Caamir Xusen ayaa kasoo muuqday Telefishinka isagoo xambaarsan Cunug yar oo dhawaan Dhalad ah, wuxuuna sheegay in Cunugaas uu Abaal-marin u noqday Lamaane aan Abidkood wax Caruur ah dhalin.
Cunugaas waxaa laga helay sida Tabiyuhu uu xusay meel Qashinka lagu shubo oo ku taala Wadooyinka Magaalada Krachi ee Pakistan.
Barnaamijkan uu Telefishinku wado ayaa noqday mid Hadal heeyn soo dhaweeyn iyo dhaleeceeynba isugu jirta ka dhex abuuray Bulshada.
Hey’ad Samafal oo Caruurta daryeesha ayaa Barnaamijkan Gacan ka geeysanaysa, waxaana loogu tala galay baa la yiri ka hortagga Falalka Caruurta loogusoo tuuro Wadooyinka.
Bakistaan waxaa lagu tiriyaa mid ka mida Dalalka ugu badan ee Caruurta Wadooyinka lasoo dhigo ee looga tago ay ka jiraan, waxaana u wacan sida Wararku ay sheegayaan Ilmaha aan Guurka ku dhalan oo Dalkaas aad ugu kordhaya.