Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Hadii Aad Xanaaq Dhawdahay “Carro” Hadaba Qodobadaan Isticmaal Si Aad U Xakameyso Naftaada.

Carrada Ama  Xanaaqu sidiisaba wuxuu ka yimaadaa Shaydaanka oo Qofka Gujiya, wuxuuna qofku ku kacaa Xumaan iyo Dunuub badan, Hadaba Daawada waxaa ka mid ah waxyaabo badan sida:-

1- Alaah ka magangal Shaydaanka:- …Nabigeena CSW, waxaa ka Sugan Laba Nin oo is Caayaya wuxuu yiri:- waxaan Aqaan Kalimad haday Dhihi lahaayeen Caradu ka tagi laheyd waa Shaydaanka oo la iska Naaro.
2- Markaad Xanaaqdo Aamus:- Nabigeena CSW, waxaa ka Sugan inuu yiri:- hadduu Qofku Xanaaqo ha Aamuso.
3- Hadaad Xanaaqdo is Deji:- Nabigeena CSW, waxaa ka sugan hadduu Qofku Xanaaqo isagoo Taagan ha Fariisto haddii Carradu ka Degi waydo ha Jiifto.

4- Xifdi oo ku Dhaqan Dardaarankii Nabigeena CSW: Waa kii yiri ha Carroonin ha Carroonin ha Carroonin (Saddex jeer).
5- Carada oo la iska Ilaaliyo Janno Allaa lagu Galaa: Nabigeena CSW, waxaa ka sugan Qofkii Qariya Caradiisa isagoo Awooda inuu Aarsado Alaah baa Maalinta Qiyaamo Ummada Horteeda ugu yeeri waxaana la oran ka Dooro Xuurulceenta waxaad Doonto.
6- In lagu Daydo Dhaqankii Rasuulka markuu Caroodo: Nabigeena CSW, wuu Caroon jiray markii Diinta loo Gefo.

7- Inaad Ogaato Carrada oo la Celiyo waa Tilmaamaha Dadka Allaah ka Baqa.
8- Haddii Alaah lagu Xusuusiyo Adigoo Caraysan waa inaad Alaah Xusuusataa: Xuduuda Alaahna aadan Gudbin.
9- Inaad Barato Xumaanta Carrada: Hadaad Xanaaqdo Naftaada waad dhibi, Dadka kalana waad Dhibi, waad Caytami, waxaa Suuragal ah inaad Xaaskaaga Furto, waxaa kaloo Suuragal ah inaad wax Disho.

10- Markaad Careysan tahay hadaad Muraayada isku Fiirin laheyd Carrada waad iska Dayn lahayd, Waayo Muuqaalkaagu wuu Isbadalaa, Jirkaagu waa Gariiraa, Codkaagu waa Isbadalaa, Wejigaadu waa Guduutaa, Dhaqankaaga waxaad moodaa markaad Xanaaqsan tahay Qof Waalan .

(ILAAHOOW SHEYDAANKA IYO SHARTIISA NAGA QABO, YAA RABBI)

Related posts

Wax Badan Ka Barro Saddex Waxyaabood oo Ilkahaga u Daran iyo Sida Ugu Wanaagsan Oo Aad Ugu Hortagi Karto..!!

KaLaFoGe

The Workout Plan To Get Ripped Without Breaking A Sweat

KaLaFoGe

Qormo Xiiso Badan Oo Ka Hadli Doonto, Horumarinta Nafta iyo Is-bedelka Nolosha!

KaLaFoGe

4 comments

Leave a Reply