Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Islaamka iyo Nebi Ciise(csw) Muxuu ka yiri Caalimkii weynaa ee Axmed deedaat Arrinkan? Q:1AAD

Dood lagu qabtay Magaalada Dublin ee Dalka South Africa 5 June 1983 ayuu kaga hadlay Axmed Deedat (RUN) sidda Nabi Ciise (cs) uu ugu weyn yahay Islaamka agtooda, wuxuu yiri:-

90% Dadka markhaatiyaalka ka ah dhegeeysiga doodaan, waxeey maqli doonaan wax dhegahooda farxad geliya, weeyna la yaabi doonaan waxeeyna u qaadan doonaan inay Muslimiintu ciyaaraayaan shax ay ku soo jiidanaayaan quluubka walaalahooda Christianka ah, markeey wax fiican ka sheegeen Nabi Ciise (cs), Christiankuna wax fiican ka sheegeen Nabi Muxamed (csws) taas oo noqoneeysa in cid walba loo xogay barti cuncuneeysay.

Naceybka Caqiidada kuma eedeyn karno Dadka Christianka ah oo lagu soo abuuraayay muddo qarniyaal badan ah, waloow ay qaarkood ka gilgisheen sidda Thomas Carlyle oo yiri muddo ka badan 150 sano ka hor (ka been sheegida runta Nabi Muxamed (csws) oon ku bixinay awood fara badan, waxeey naga dhigtay kuwa ku waaya Mudnaantoodi) laakiin Annaga Muslimiinta ah ayaa ka masuul ah haddaan la imaan weeyno waxaan ku difaacno beentaas laga sheegay Islaamka.

South Africa waxaa loo yaqaan  Baddi Christianka (Christian ocean) waxaan haddaan Muslimiin nahay ka nahay 2% oon dhaqaale laheyn, Hal Nin oo Caddaan ah oo la yiraa Oppenheimar ayaa wada iibsan kara waxaan leenahay oo dhan dhaqaala ahaan, waana inaan runta sheegnaa, kuna kalsoonaanaa qadarka Alle.

Christianku waxeey ogeyn in Quraanka lagu sheegay magaca Nabi Ciise (cs) 25 jeer halka Nabi Muxamed (csws) uu Quraanku ku soo degay lagu xusay 5 jeer oo kali ah.

Dadka Muslimiinta ah waxeey in ka badan kun iyo Afar boqol oo sano akhrinaayeen Aayadaha ku soo degay Nabi Ciise (cs) iyo Hooyadiis, mana jiro meel tixgelin la’aan yar loogu sameeyay Quraanka oo ay Christianku soo qaadan karaan.

Nabiga oo loogu yeeray Magacyada Eesa (Jesus) Wiilki Maryama (Son Of Mary) Easal Maseeh (Jesus Christ) Abdullaah (Servent of God) Rasuulullaah (Massenger Of God).

Magaciisa asal ahaan waa Esau (Hebrew) iyo Eesa (Arabic) oo ay latinku ka dhigeen Jesus oon aheyn luqad Simintic ah.

Dhalashada Nabi Ciise (cs) waxaa lagu sheekeeyay Suuradaha 3aad iyo 19aad ee Quraanka Kariimka ah, waxaa kaloo laga sheekeeyay Ayeeyadiis Hannah markeey Rabbi ka bariday inuu hal cunug siiyo si uu Macbadka Alle uga shaqeeyo, kadibna uu Alle aqbalay ducadeedi, laakiin waxeey dhashay Gabar ah Nabi Ciise (cs) Hooyadiis Maryama (cs), weey kanaxday Gabadha ay dhashay oo waxaa laga jeclaa wiilasha, muddo kadib markeey Gabadheedu xoogeeysatay ayey geeysay Macbadki siddeey Rabbi uga ballan qaaday.

Su’aashu waxeey tahay yaa Nabi Muxamed (csws) u sheegay sheekadaan Taariikhiga ah, kuwa dooda, waxaa maskaxdooda ku soo dhacaaya inuu ka bartay dadki ka horeeyay, laakiin Nabi Muxamed (csws) waxna ma akhrin jirin waxna ma qori jirin, taana markhaatiyaal cad cad ayaa loo haayaa, Haddaad  weeydiiso inuu Nabi Muxamed  (csw)  uu Carab ahaa?, hadaanu Jaahil aheyn wuxuu ku leeyahay Haa Carab ayuu ahaa, siddaa darteed Quraanku wuxuu ku soo degay Af Carabi sababtoo ah Nabi Muxamed (csws) lama hadleeynin Hindi, Chinese ama Naigerian Muslin ah.

Laakiin wuxuu la hadlaayay Dad Carab ahaa oo loo soo diray, haka qaateen ama yaaneey ka qaadanine, wuxuu ku akhriyay Aayado dhegahooda ku dhacay oo qalbiyadooda taabtay, Aayadahaas oo ay ka mid yihiin kuwi ka sheekeeynaayay Maryama (cs) oo aheyd Gabar Reer Banuu Israa’iil ah oo ay ka dhexeeysay Cadowtinimo Asal ah, Gabadhaas uu kala soo dhex baxay Gabdhaha caalamka oo dhan kuna karaameeyay inuu magaceeda xuso, asagoon soo qaadan Magaca Hooyadiis ama Xaaskiisa ama Gabadhiisa, kuwaas oo ah kuwa inta badan ay Dadku siiyaan mudnaanta koowaad.

Nabi Muxamed (csws) Quraanka kuwa xusin Magaca Hooyadiis (Aamina) iyo Xaaskiisi Koowaad (Khadiija) iyo Gabadhiisa uu jeclaa (Faduma) ama Gabar kale oo Carbeed laakiin Gabar ka dhalatay Banuu Israa’iil oo Carabta liidi jiray dhalasho ahaan, ayadoo ay og yihiin inay ka soo wada jeedaan Awlaadi Nabi Ibraahim (cs) laakiin Aaminsanaa inay ayaga dhashay Hooyadi xurta aheyd (Saara) Carabtana laga dhalay (Haajira) oo Addoon u aheyd Hooyadood Sara ayeey dhanka Nasabka aaminsan yihiin inay kaga hooseeyaan.

Ma dhaceeyso Dad ay idinka dhexeeyo colaad heerkaas gaartay inaad Gabadhooda aad siiso mudnaan sare, laakiin Nabi Muxamed (csws) ma aheyn Qofka Qoray Kitaabka Quraanka ah sidduu Rabbi noo sheegay {wuxuu rabo kuma hadlin, aan ka aheyn wixii loo soo waxyooday} Sura 53:4, kuma qori karin qofkuu rabo, kamana saari karin qofkuu rabin.

La soco……….2aad
Waa Qalinkii Axmed Xaayoow
xaayoow09@hotmail. Com

Related posts

Illaahow U Naxariiso: Daawo Sawirada Meydadka Afar Gabdhood Oo Walaal Ah Oo Isku Meel Lagu Dilay.

KaLaFoGe

Dhacdo Layaab leh: Nin Somali ah oo xabsi loogu taxaabay dambi ay gashay Mukulaal isaga la joogtay.

KaLaFoGe

Gedgedoonka Waayaha Iyo Geerida Dhalinyarada Tahriibka Qalinkii Amal M M Kastam.

KaLaFoGe

2 comments

Leave a Reply