Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Khubaro ka digtay Isticmaalka Carruurta ee Tv-yada iyo Kombuyuutarka.

Khubaro caafimaad oo u dhalatay Finland, ayaa daboolka ka qaaday in kombuyuutarada iyo TV laga fogeeyo qolka Carruurtu seexato si aan caafimaadkooda waxyeelo u soo gaarin.

Khubaradan waxa kale oo ay ka digeen in qalabka Elektaroonigu ubadka ku sababo inay xasuustu ku yaraato, imtixanaadka waxbarashana dhibco hoose keenaan.

Saynisyahannadan waxay sheegeen in hurdadu muhiimad badan u leedahay qofka qaan-gaarka noqonaaya iyo Carruurta yar yarba.

Daraasadoodan oo ay ku sameeyeen 353 carruur ah oo da’doodu u dhaxayso 10 ilaa 11 jir oo aad u isticmaala TV-ga iyo Kombuyuutarada, kuwaasoo si gaar ah loo eegayey hurdadooda, kadibna muddo 18 bilood ah kadib imtixaan laga qadaday.

Natiijada soo baxday waxay noqotay ubadka qolka hurdadu u yalaan Kombuyuutar iyo shaahada Tv ay la kulmaan hurdo la’aan, waxbarashada ku liitaan.

Khubaradan oo ka tirsan jaamacadda Helsinki waxay sheegeen in ubadka inta badan kombuyuutar ka ku ciyaara ay waxbarashada caadiga ah ku xumadaan.

Teija Nuutinen oo ka tirsan daraasadan oo arrintan ka hadlaya wuxuu yiri; ‘’Carruurtu waxay u baahan yihiin hurdo dheeraad ah markay baaluqa u dhaw yihiin, balse daraasadayadu waxay daaha ka qaaday in TV iyo kombuyuutarku saamayn xun ku yeeshaan hurdadooda iyo xasuustoodaba’’.

W/Q. Ibraahim Khadar Siciid

Related posts

Gudoomiyaha Fanaaniinta Geeska Xassan Dhuxul Laabsalaax Oo Lagu Xiray Xabsiga Hargeisa Kadib Markii Aay…

KaLaFoGe

Sawiro: Madaxwayne Cabdiwali Cali Gaas oo Salaadii Ciida Garoowe kula tukaday Kumanaan dad weyne ah.

KaLaFoGe

Qof Walbo Wuxuu jeceyl Yahay In Murugta Uu Ka Dheeraado Hadaba sidee Ku Heli Kartaa Farxada Nolosha.

KaLaFoGe

Leave a Reply