Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Ma Ogtahay Soomitaanka Bisha Ramadaan In aay Caafimaad U Tahay Nafsadaada. “Ogoow Faaidada Soonka”.

Bishan ramadaan DR ELSON M. HAAS M.D. waxaa uu soo bandhigay warbixin aad muhiim u ah oo ku saabsan soonka.

Dr Haas oo ah agaasimaha xarun caafimaad oo ku taal California,U.S.A.wuxuu horay u qoray buugaag badan oo ku saabsan dawo dabiiciga iyo sun saarka (soonka) qormadaan wuxuu dhaqtarku kaga hadlay soonka waa daawada kaliya ee dabiiciga ah uguna weyn waana daawo soo jireen ah kaasoo caalamiyan lagu daaweeyo dhibaatooyin badan.

Nooluhu iskood ayay isaga daaweeyaan Markey jiradaan hase ahaatee markii aan ogaaday soonka 15 sano ka hor waxaan dareemay in uu badbaadiyay nolasheyda cudurkeygiina u badalay caafimaad, waxaa kaloo wali ii cad in soonku faaido u leeyahay qofka iyo dhibaatooyin caafimaad oo badan.

Dhibaatooyinka ugu badan oo aan ku taliyay in soonku dawo u yahay waa kuwa ka dhasha cuntada badan in soonku dawo u yahay cunista badan waxay ka badan yihiin wadamada reer galbeedka marka loo eego dunida 3 aad taasoo dhalisa cudura ay kamid yihiin:

Cudurada Xididada, kuwa Wadnaha, Dhiig karka, Alerjiga, kansarka iyo cudurada kaadi macaanka.

Soonku wuxuu ka mid yahay sadexda qeybood ee cuntada dheeli tirka dhismaha, taasoo aan aaminsanahay in ay ka maqantahay reer galbeedka, soonku waa qaabka ugu saxan ee habka dib u hagaajinta wareega cuntada.

Halkaan waxaan diirada ku saareynaa ka soomida dareeraha taariikhdiisa daawo ahaaneed, faaidooyinka iyo faaido daradeeda iyo waliba qaababka kale ee waxtarka soonka.

Soonku waa dawo la xaqiijiyay soona jirtay sanada badan ahna nidaam diimeed. Cuntada oo la iska dhaafo waa dhaqan diimaha intooda badan diimo fara badan oo ay ka mid yihiin kirishtaanka,Judisamka ayaa u soomi jiray sababo badan oo ay kamid tahay, toobo keenida, baroordiiqa iyo Alla bari, feylesuufyo, dhaqaatiir iyo seynisyahano badan waxay isku raaceen in soonku qeyb muhiim ah ka yahay nolosheena caafimaadka iyo daaweynta cudurada.

Grant sarkisyan ayaa ku daaweeyay cuduro badan soonka , sida neefta, cudurada maqaarka, kuwa dheef mareenka kuwa xididada iyo dhiig-karka.

Soonka waa in laga daayo wixi sun ku ah jirkeena maskaxdeena iyo nafteena, waana habka loogu saaro suntan qaab dareen ahaan muuqaal ahaan iyo maskax ahaaneedba.

Fikirka caafimaad ahaaneed ee soonku, waxaan rumeysanahay in soonku yahay qaabka ugu wanaagsan ee daaweynta, sababtoo ah waxaa loo adeegsan karaa xaalada badan.

Dadka ku nool wadamada reer galbeedka ayaa isticmaala cunto ay ku badantahay waxyaabaha sunta ah, sida baruurta kiimikada kasoomista cabitaanka waxay jirka u ogolaaneysaa inuu iska saaro suntaas.

XAALADAHA UU SOONKA FAAIDADA U LEEYAHAY

Hargab Daalka

Cudurada xididada Elerjiga cuntada

Wadna xanuunka Dhabar xanuunka

Madax xanuunka Cudurada maskaxda

Dhiig karka Neefta

Xaluul xirinka Cayilka

Kaadi macaanka Hurdo-la’aanta

Dheefshiid xumida Kansar

Shubanka xaaladaha maqaarka

Qalalka

Soonka in lagu daaweeyo qandhada waa mid la isku qilaafsan yahay waayo reer bariga waxa ay aaminsanyihiin in soonku qofka qandheeysan jirkiisa ku kordhinayo kuleyl, qofka qandheysan wuxuu u baahanyahay cabitaan kaasoo jirka qaboojinaya.

Xaaladaha daalka qaarkood ayaa ku daawooba soonka gaar ahaan kuwa ka dhasho xubnaha xirma.

Dhabar xanuunka ay keenaan adkaanshaha murqaha iyo walwalka waxaa lagu yareeyaa soonka.

Sidoo kale soonka waxa uu wax tar u leeyahay bukaanada qaba cudurada maskaxda, sida walwalka iyo isku dhexyaaca.

Cayilka waxaa lagu daaweeyaa soonka ayada oo la soomo muddo gaaban waxay culeys badan ka dhimaan dadka cayilan.

Soonka oo lagu daaweeyo kansarka waa mowduuc la isku qilaafsanyahay, dhaqaatiir badan oo banaanka Mareykanka waxay soonka ku daaweeyaan kansarka taasoo ay daliil ugu dhigaan in soonku uu yareeyo suntan cabitaanada.

HABKA IYO FAAIDIDA SOONKA

Soonka waa isbadal kiimikaad iyo waliba qeyb muhiim ah ee isbadal caafimaad wuxuu kaloo kor u qaadaa daganaanshaha iyo tamar siinta jirka maskaxda iyo dareenkaba.

Soonku wuxuu si cad ugu qeyb qaataa korinta iyo abuuritaanka tamrta, wuxuu kaloo sare u qaadaa caafimaadka iyo firfircoonida asagoo qeybaha jirka siinaya nasiino.

Fiisiyoolaji ahaan cunista cunista oo laiska daayo waxay yareeysaa shaqada ay qabtaan unugyada dheefshiidka ay kamid yihiin caloosha, xiidmaha beeryarada, xameetida iyo beerka, kaasoo ah warshada ugu weyn jirkeena waxuuna inta lagu duga jiro soonka sameeyaa nadiifinta, soo saarista waxyaabo jirka isticmaalo, sidoo kale dhiiga iyo lymphiga waxay ka qeyb qaataan qashin saarista jirka waxaana shaqadooda kor u qaada soonka.

Tamarta jirka oo yaraata waxay beerka u ogolaataa in uu batto sonkorta u keydsan una badalo mid uu jirku isticmaalo karo iyo tamar, sidoo kale baruurta jirka waxaa loo isticmaalaa tamar.

Soonku wuxuu siyaadiyaa habka qashin saarka ee malawadka killiyaha, kaadi haysta, sambadaba iyo jirkaba, tani waxay caawisaa xallin xallin dhibaatooyin badan oo ka dhasha cunto cunista fadhi ku shaqeyta badan.

QEYBO KAMID AH FAAIDOOYINKA SOONKA

Sifeyn nadiifinta jirka

Tamar badan hagaajinta dareenka araga

Dhalinyareyn maqalka iyo dhadhanka

Yareynta elerjiga hurdo wanaagsan

Kahortaga cudurada

SOONKU WUXUU LEEYAHAY CALAAMADO WAXAANA KAMID AH:

Gaajo madax xanuun kaasoo labada maalmiid ama sadexda maalmood ama sadexda maalmood ee ugu horeeya naadir ah, xanaaq ayaa kamid ah sidoo kale wareer ayaa jira dadka intooda badan carabkooda ayaa waxaa dufcad ama jaalle ah taasoo sababta ah isbadel kayimaada dhadhanka, lallabo iyo matag ayaa jiri kara inta lagu gudo jiro soonka dadka qaar ayaaa waxay dareemaan hurdo la’aan iyo qarow badan taasoo ay sababto sun saarka jirka iyo habeentiisa.

DADKA AAN SOONKU KU WAAJIBIN

Daalka

Nuujinta

Qalilin

Difaaca jirka oo hooseeyaa

Cudurada maskaxda

Wadno xanuunka

Kansarka

Dhiig karka

Gaaska

Nafaqo daradda.

Jawiga qabow

Tabar darro iyo murugo xanuun ka dhasha macdanta oo yaraata cadaadiska dhiiga ayaa hoos u dhaca sababana wareer gaar ahaan marka qofka asaga oo fadhiya uu istaago.

Cili baaris ayaa waxay muujisey in uu isbadel ku yimaado horumarkaada jirka gaar ahaankanhaweenka taasoo horseedda in la waayo socodka dhiigga caadada tan oo lagu macneeyo in ay keento nafaqa darro barotiineed.

Hawo nadiif ah: hawo badan ayaa loo baahanyahay si loo nadiifiyo oksojiinna loo siiyo unugyada jirka

Cadceed: ayaa loo baahanyahay si loo xoojiyo jirkeena.

Biyo: qubeys ayaa aad u muhiim ah si loo nadiifiyo jirka laba jeer maalintii

Jimicsiga ayaa sidoo kale ayaa aad muhiim u ah kaasoo ka taageeraya dhinaca nadiifinta sidoo kale wuxuu ka caawiyaa jirka qashin saarka ka hortaga calaamadaha sumowga, lugeyn: baaskiil wadowga, dabaasha waa la sameyn karaa soonka inta lagu jiro.

Daawada waa in aan la isticmaalin soonka dhexdiisa marka laga reebo midda lagu qasbanyahay ee dhaqtarka soo qoro.

FIIRO GAAR AH

Warbixtaan uu Dr-ka Ku soo bandhigay luqada English-ka hadaba hadii aad wax qalad ah aad ku araktiin turjumadaa u soo dir Email Drkheyre oo ah tarjumaha maqaalkaan Hasanbiday@hotmail.com.

Maqaldame Waa Allah

Dr Elson M. Haas M.D Elsoonhaas@cl.us.

University Clifornia. www.Clifornia University.com.

Ilaah ha inaga Dhigo kuwa Soonkooda la aqbalo Ajir iyo Dambi dhaafna ka hela Caafimaadna Alle ku siiyo … Aamiin..

War bixintaan waxaa Tarjumay oona Tafatiray Dr. Hassan A. Kheyre.

Hasanbiday@hotmail.com

Related posts

Lammaanaha Ka Xidhiidha Facebook-ga Oo La Ogaaday in Guurkooda Dambe aysan isku Qanacsanaanin.

KaLaFoGe

Sheekadii Xiisaha Badneed Ee Dhoof iyo dhaxal caashaq…Qaybtii 2aad

KaLaFoGe

Qiso Cajiib Ah Oo Kaa Yaabin Doonto Haddaba Keebaa Caqli Badan Timajaraha Iyo Wiilka Yar..

KaLaFoGe

1 comment

Leave a Reply