Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Maxaa kala qabsaday Booliska Holand iyo Wiil caadeeystay inuu ku hurdo Wadada Tareenka? (Sheeko cajiib ah)

Booliska Holand ayaa shaaciyay inay ceeyrsanayaan Wiil Dhalinyaro ah oo go’aansaday inuu ku hurdo Wadada ay Tareenadu maraan, Xilli uu halkaasi Tareen Xawaare dheer ku socda marayay.

Wiilkan ayaa Bartiisa FACEBOOK-ga kusoo bandhigay Muuqaal laga arkayo isagoo hor jiifa Tareen Dhaqso aad ah ku socda, kaas oo Dushiisa maray, Xilli uu Wiilkuna Wadada hoos jiifay. Wuxuuna markaas ka dib kasoo kacay isagoo aanay wax dhibaato ah soo gaarin.
Wargeyska Daily Mail ee Ingariiska kasoo baxa ayaa qoray in Wiilkan Naftiisa halista galinayaa uu soo muuqday isagoo Wajiga uu u daboolanyahay, Booliskuna ay ceeyrsanayaan, ka dib markuu ku dhaqaaqay Fal uu Naftiisa ku haligi gaaray.
Tareenka ayaa ku dhawaaday inuu qalibmo markuu Wiilku Jiiftay Wadada.
Waxaa aad loola yaabay Muuqaalka uu Wiilku soo bandhigay oo laga dhex arkay Isagoo Qoob ka cayaar sameeynaya si uu ugu dabaal dago Guusha uu isku daygiisa Naf-hurnimo ka gaaray, maadaama Tareenkii uu dushiisa maray isaguna uu Wadada hoos jiifay wax dhib ahna aanu soo gaarin.

Related posts

5 Arrimood Oo Ah Kuwa Ugu Badan Ee Caqabadda Ku Noqda Ka Midho Dhalinta Fikirka Iyo Hal-Abuurka Qofka..

KaLaFoGe

Guurka Qasabka Ah Ee Kusoo Badanayo Meel Walbo Aay Soomaali Joogto Dhib Ma U keeni Karaa..!!

KaLaFoGe

Toddobo Nin Haweenku Waa Aay Neceb Yihiin In Aay Nolol La Wadaagaan.!!!

KaLaFoGe

6 comments

Leave a Reply