TODDOBA NASIIB BADAN:
— —————————-
Abaa Hurayrah, Allaah haka raalli noqdee waxaa laga weriyey inuu Rasuulku calayhi salaatu wa salaam yidhi:
Toddoba ayuu Allaah hadhin doonaa Hadhkiisa, maalinta aanu hadhkiisa mooyee hadh kale jirin.
1 – Imaam caadil ah (Maamule ama qof mas’uul ah oo caddaalad sameeya)
———————————————————
2 – Qof dhallin yaro ah oo ku waynaaday cibaadada Allaah
——————————
3 – Nin uu qalbigiisu ku xidhan yahay masaajidyada
——————————
4 – Laba nin (Laba qof) oo isku jeclaatay Allaah dartii, isugu yimaadda Allaah dartii kuna kala galbada Allaah dartii.
——————————
5 – Nin ay u yeedhatay haweenay ka dhalatay nasab fiican oo
aadna u qurux badan, kadibna ku yidhi anigu Allaah ayaan ka cabsanayaa.
——————————
6 – Nin (Qof) sadaqo uu bixiyey qariyey si bidixdiisu aanay u ogaannin waxay midigtiisu bixinayso. (qof kale oo aan isaga ahayn ma ogaannin micnaha)
——————————
7 – Nin (qof) isagoo keligii ah intuu xasuustay Allaah iska ooyey oo ay indhihiisu ilmeeyeen.
——————————
~~~~Bukhaari iyo Muslim~~~~
5 comments