Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Qeybtii Koowaad Ragga Tilmaamahaan Leh Haweenka 1000-km Ayay Ka Cararaan

Ragga Dunidan ku nool ayaa waxaa ay leeyhiin dabeecado iyo dhaqano kala gadisan,kuwaas oo aad u fara badan halkaana lagu soo koobi karin,laakiin marka ay timaado in uu guursado ayaa waxaa jirta 10 dhaqan ama dabeecad oo ragga sameeya ay dhib ku tahay haweenkooda in ay isla dhaqmaan.

Hadaba maqaalkan ayaan waxaan haweenka ugu soo gudbinayaa tobankaas dhaqan oo ay raggu leeyihiin iyo waxa haweenka la gudboon si ay dhaqanadaan haddii ay ragoodu qabaan ay uga baa bi,bin lahaayeen.

1- Ninka 1aad waa (Ciyaal maamaha):

Ninkaada in uu Sifada ciyaal maama leeyahay ayaa waxaad ku ogaan kartaa marka uu calaamadahan leeyahay,waa nin aad u jil jilicsan dhan walba, jir ahaan, hadal ahaan,badanaa waxa uu jecelyahay in uu guriga iska joogo hoostana kaaga jiro, oo banaanka in uu baxo ma jecla,waxa uu leeyahay calool soo dhacsan taas oo ay u sababtay raashinka ay hooyadiisa badanaa siin jirtay inta uu la noolaay,marka ugu horeysa waxaa uu kugu soo jiidanayaa oo aad uga heleyasaa in uu kula daawado TVga barnaamijyada ka hadla haweenka iyo musal salada iyo kuwa ka hadla cunta ka riska.

waxyaabaha aad sidoo kale aad ku garan karto in ninkaadu ciyaal maama yahay ayaa ah isaga oo marka uu kula daawanaya barnaamijyada aan soo sheegnay dhammaantooda dhaha (kan horey ayaan u daawaday),si aad ahna marka aad ugu fiirsto oo uu rabo in uu cabiro jacaylka uu kuu qabo waxa uu kugu dhahayaa(adiga waxaad tahay gabadhii ay hooyadey waligeed ku riyoon jirtay in aan guursado),marka aad is guursataan oo aad aqal gashaana waxaad arkaysaa asaga oo wax badan oo haweenka u gaar ah oo adiga kuu qarsoon kaa yaqaana oo horey ayaa hooyadiisa uga soo sheekeeysay.

hadabada haddii aad rabto in aad ninkaada dhaqankaan ka joojiso waxaad ku tiraahdaa waxaan jecelahay ninka awooda in uu dharkiisa dhaqdo oo aanan hooyadiisa ku tiirsanayn waxaa laga yaabaa in uu iska dhaafo dhaqankaas oo uu nin rag ah iska dhigo.

2- Nika 2aad waa ( Ninka Jecel Mowdada Cusub):

Ninkaadu in iuu sifadan leeyahay waxaad ku ogaan kartaa marka uu calaamadahan leeyahay,waa nin labis badan oo xaragooda,waxa uu badanaa la socdaa mowdada hadba wixii ugu danbeeyay iyo dhammaan dukaamada moodada cusub keenay meelaha ay ku yaalaan wuu garanayaa,waxa uuna leeyahay macluumaad adiga kaa badan dhanka moodada.

waxyaabaha marka ugu horeeya ninkaan kugu soo jiidaya ayaa ah labiskiisa qurxoon dharkiisa caadiga ah iyo kan shaqadaba,badanaa waxaa u xiran garabati dharkiisuna waxa ay u badanyiihn dhar marka caalami ah,waxyaabaha la isku carfiyo iyo costomatikada aad ayuu u soo gataa,marka aan soo koobo waa nin is tus tus badan.

waxaayabaha aad kula yaabeyso ninkaan ayaa ah dharkiisa waa ay ka badanyihiin dharkaada,oo marka armaajadiisa dharka loo fiiriyo armaajadaada waxaad noqoneysaa qof aan dhar qabin,waxa uuna aad u jecelyahay in uu ku raaco marka aad shoping soo sameyneysid,waxa uuna jecelyahay in uu ku siiyo talooyin la xiriira labiskaada iyo waxa aad soo gadan rabtid.

hadaba si aad ninkaada dhaqankaan ugu reebtid waxaad weydiisaa( Yves Saint-Laurent) kaan yaa waaye ku dheh? Yves Saint-Laurent waxa uu ka mid ahaa dadka modada alifa kuwa ugu qatarsan qarnigii la soo dhaafay asaga ayaa yaabaya marka uu ku arko in aad wax ka taqaano modada iyo dadka alifa kuwa uga qatarsan.waxaana laga yaabaa in uu joojiyo is tuska badan iyo showga uu badanaa kugu sameeyo.

La Soco Kobciye.com Iyo qeybaha Danbe Ee Qormadaan

Haweenka u baahan in la siiyo Talo la Xiriirta Nolosha iyo Caafimaadka Gurigooda Fadlan la soo xariira Maxamed Deeq,Emailka hoos ku qoran.

W:Q:Maxamed Abuukar Sh/Xassan(M.Deeq) E-mail:deeq1982@hotmail.com

Related posts

Wax Badan Ka Ogoow Shirkugu Imisa Nooc Ayuu U Qeyb Samaa Qatar Intee La’eg Ayuusa Leeyahay.

KaLaFoGe

Maxaad Ka Fahantaa Marka Xaaskaaga Aad Jeceshahay Sidaan Kuula Dhaqanto??!!

KaLaFoGe

Wiil 8-sano jir ah oo ku biiraya Jaamacad iyo Sabab cajiib ah oo keentay (Daawo Sawirro)

KaLaFoGe

6 comments

Leave a Reply