Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Qeybtii Labaad Ragga Tilmaamahaan Leh Haweenka 1000-km Ayay Ka Cararaan

Qeybta 2-aad : Ragga Tilmaamahaan Leh Haweenka 1000-km Ayay Ka Cararaan

3-Ninka 3aad waa( Ninka Bakhiilka):

Ninkaadu haddii uu sifadan leeyahay waxaad ku ogaan kartaa marka uu Calaamadahan leeyahay,waa nin u eg ruux taajir ah badanaa laakiin kama muuqato,badanaa ma aado xafladaha iyo munaasabadaha ilaa loogu yeero,waxa uu guursadaa asaga oo da, weyn.

waxyaabaha marka ugu horeysa ninkaan kugu soo jiidanayo ayaa ah dadaalkiisa iyo caqligiisa faraha badan ee la xiriira dhanka shaqadiisa iyo mustaqbalkiisa sida uu ugu fikiraayo,iyo hanka weyn ee ku jira marka aad aragto ayaad waxaad is leedahay allay lahee waa nin aad u wanaagsan.

waxyaabaha aad kula yaabeysid ninkan ayaa ah,hantidiisa oo dhan hal meel ayey ku baxdaa oo ah bankiga ayuu ku kaydsadaa ama meel ayuu dhigtaa,mana ogala in ay si dheel dheel ah ugu baxdo oo mar waliba oo qarsh loo baahdo cudurdaar ayuu kuu keenayaa oo ah in uu wax ku hagaajiyay lacagtiisa ama mashruuc uun ayuu ku dhex jiraa oo aanan dhammaanin mar waliba,oo ma arkeysid asaga oo aysan dhanka qarashka marna wax si ka ahayn,marka aad qabto xafladda dhalashada waa xanuunsadaa,haddii aad maqaayad isku raacdaan ama meelaha dadku ku badanyahay goorta la soo gaaro in lacagta la bixiyo 10 daqiiqo ayuu musqusha ku cararaa asga oo ku dhuumanaya ilaa aad inta aad sugi weyso aad adigu bixiso qarashkii.

hadaba si aad ninkaada dhaqankaan ugu baab,ibiso waxaad ku dhahdaa(ma ogtahay in aan anigu ahay naagta aduunka ugu qarash isticmaalka badan oo waxaan ahay qof musrifad ah) waxaa laga yaabaa in uu iska dhaafo bakhaylnimada xad dhaaf ka ah maadaama uu ka baqayo in aad qarashka dhan aad ka wada isticmaasho wax ayuu ogolaanayaa markaas oo sida uu hadda yahay ma ahaanayo.

4- Ninka 4aad waa (Nika Ciyaaraha aadka u jecel):

Nikaada haddii uu sifadan leeyahay waxaad ku ogaan kartaa marka uu calaamadahan leeyahay,waa nin xoog weyn oo murqo leh,mar waliba waxaa uu diyaar u yahay in uu ciyaar aado ama koox ha ka tirsanaado ama ciyaar saaxiibtinimo ha ahaato,waxa uu aad u jecelyahay in uu ku labisto dharka sportiga mar waliba.

waxyaabaha marka hore ninkaan kugu soo jiidanayo ayaa ah muuqaalkiisa qurxoon ee awooda iyo fir fircoonida leh,iyo sida jirkiisu u dhisanyahay markaas ayaad waxaad is leedahay ninkaan xoogna waa leeyahay waana fir fircoonayahay oo waa ku kaalmeynayaa mar waliba.

waxyaabaha aad kula yaabeysid ninkan ayaa ah inta badan waxaa uu ku maqanyanyahay garoonka ciyaaraha ama meesha jir dhiska oo waqti kooban ayuu guriga joogaa waana waqti uu daalanyahay,marka uu guriga joogana muraayada ayuu agtaaganyahay asaga oo marba murqihiisa eegaya iyo qaab dhismeedka jirkiisa.

haddii ay dhacdo in uu casho kugu casuumo banaanka in aad ka soo casheysaan waxa uu ku geeynayaa meel ay ku xerantahay shaa shaadaha aadka u weyn oo ciyaaro ay ka socdaan.

hadaba si aad ninkaada dhaqankaan ugu gooysid waxaad soo ogaataa kooxda uu aadka u taageero,ka dibna adigu mar waliba taageer kooxda ay iska soo horjeedaan si uu tar tan idinkaga dhex bilowdo waxaadna ku dhahdaa in aad adigu tahay taageeraha ugu weyn ee kooxda ka soo horjeeda ,oo waxa uu kuu aqoonsanayaa in aad tar tan kula jirto waana uu yareynayaa dhaqankaas ileen adiguba kooxda ka soo horjeeda ayaad taageersantahaye.

La soco qaybaha kale barri……….

Haweenka u baahan in la siiyo Talo la Xiriirta Nolosha iyo Caafimaadka Gurigooda Fadlan la soo xariira Maxamed Deeq,Emailka hoos ku qoran.

W:Q: Maxamed Abuukar Sh/Xassan(M.Deeq)

E-mail:deeq1982@hotmail.com

Related posts

Calaamadaha Aad Naftaada Ugu Xaqiijin Karto Inaad Jeclaatay Qofkii Aad Sida Cajiibka Aheyd Ula Kulantay..!!!

KaLaFoGe

Hadii Aad Dooneysid Inaad Noqotid shaqi Bilyeeneer Ah Waa Inaa Barataa Kuliyadahaan Lasoo Marro..

KaLaFoGe

Si Aad Lamaanahaaga U Qancisid La Imoow Hababkaan Looga Hortago Khilaafaadka Jaceylka…

KaLaFoGe

7 comments

Leave a Reply