Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Qeybtii Labaad Sababtii keentay in Illaahay amro Nebi Ibraahiim inuu bireeyo Wiilkiisa Ismaaciil CS.

Ibliis (shaydaan) ayaa damcay inuu ka faa’iidaysto, markaa buu Nebi Ibraahiim CS ku yiri: “miyaadan arkayn wiilkaan baa la qali karaa?”.

Nebi Ibraahiim CS wuxuu yiri: “Illahay ayaa i amray, waana biraynayaa”

Ibliis markuu ka quustay Nebi Ibraahiim CS ayuu u tagay Hooyo Haajara wuxuu yiri “halkaan ayaad iska fadhisaa Ibraahiimna wuxuu doonayaa inuu bireeyo wiilkaaga Ismaaciil ah”.

Haajara waxay tiri: “iga daa beenta, xaggeed ku aragtay aabbe Ilmihiisa biraynayaa?”.

Ibliis wuxuu yiri: “Saas daraadeed ayuu u qaatay xarig iyo mindi”.

Haajara waxay tiri: “Maxaa kalifay inuu bireeyo wiilkiisa Ismaaciil?”.

Ibliis wuxuu yiri: “Wuxuu sheeganayaa in Illahay amray”.

Haajara waxay tiri: “Koley Baadil Illahay amri maayo”.

Markii Ibliis Haajara ka quustay ayuu aaday wiilkii yaraa ee Nebi Ismaaciil ahaa,si uu u fidneeyo, wuxuuna yiri: Waad faraxsan tahay oo waad iska cayaaraysaa; Aabbahaana wuxuu kuu wataa xarig iyo mindi,wuxuuna doonayaa inuu ku bireeyo.

Ismaaciil wuxuu yiri: “war beenta iga daa, maxaa aabahey ii biraynayaa?”.

Ibliis wuxuu yiri:”wuxuu sheeganayaa in Illahay amray inuu ku bireeyo.

Ismaaciil CS wuxuu yiri: “waan maqlayaa waana adeecayaa (yeelayaa) amarka Illahay”.

Ibliis markuu doonay inuu hadal kale u celiyo ayaa Ismaaciil CS qaatay dhagax, wuuna ku tuuray, wuxuuna uga dhuftay isha bidix, Ibliis waa iska tagay isagoo hoogay oo khasaaray.

Nebi Ibraahiim (CS) iyo Ismaaciil markay gaareen meel la yiraah mina oo u dhaw kacbada ayaa Nebi Ibraahiim CS ku yiri Ismaaciil “wiilkaygiiyoow waxaan riyo ku arkay aniga oo ku biraynayaa ee maxa ra’yigaagu yahay?”.

Ismaaciil wuxuu yiri: Aabbaheeyow samee waxa Illahay ku amrayo, waad i heli doontaa haddii Alle idmo inaan ka mid ahay dadka wanwanaagsan. Nebi Ibraahiim CS markii uu maqlay hadalkii wiilkiisa Ismaaciil, wuxuu qiray(Ogaaday)in Illahay u ka ajiibay ducadiisii hadda ka hor uu Illahay ku baryay oo ahayd:(Rabbi hablii minal salixiin)

La Soco Kobciye.com Iyo Qeybaha Danbe Ee Qisadaan Haduu ALLE Idmo

Related posts

Ma Tahay Qof Shaki Badan Hadaba Baro Dhibaatooyinka Laga Dhaxlo Shakiga Badan..!!!

KaLaFoGe

Waa Maxay Sababta Ka Danbeyso In Dumarka Aay Raggooda Ka Codsadaan Furiinka ‘I Fur’.

KaLaFoGe

Hal Ku Darso: Horumari Naftaada! Maalmaha Noloshaada Wax Ka Badal.

KaLaFoGe

2 comments

Leave a Reply