Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Qiso Aad Iyo Aad U Cajiib Ah Cibro Qaadashana Mudan “Muslim Maahi Lakin Waan Dukadaa Salaada”.

MUSLIM MA AHI, LAAKIIN WAAN DUKADAA SALAADA!!

Qisada waxaa ka sheekeenaya wiil ay dhalashadiisu tahey American, kaasoo asiga iyo qoyskiisana diinta Islam ka ah qaateen.
Waxuu ku bilaabey sheekadiisa sida tan:

“Hooyadeyda waxey qaadatey diinta Islam ka ah, waxey ku dukan jirtey salaadaha masjidka, laakin waxey si layaab ah ula kulantey naag!! naagtaasoo kula dukaneysa Masjidka isla markaana eesan ka muuqan wax diin ah, oo u libasan sida gaalada oo kale, jirkeedana asturneeyn, Hadana Salaad dukaneysa.

waxeyna timaadaa Masjidka isbuucii ama labadii isbuuc hal mar.
Hooyadey arintaas marar badan ayeey aragtey, markii danbe waxey g’aansatey iney weydiiso naagtaan xaalkeeda.

waxeyna ku tiri: “adigu ma Islaam baa tahey? Naagtii baa tiri: “Maya!!
hooyadey aad bey ula yaabtey naagtii waxeyna tiri: “oo hadaadan islaam aheen maxaad u timid Masjidka oo hadana u dukaneysaa?, Mise diinta Islaamka ayaad baraneysaa oo aar daneeyneesaa inaad Islaamto ? Naagtii baa tiri: “Maya”.
Hooyo way la sii yaabtey arinta markaas bey tiri: “Hadaba ii sheeg waxa ku keeney meesha?”

Naagtii baa jawaab cajiib ah bixisey oo tiri: “Aniga waxaan dareemaa xanuun iyo culees xaga qalbiga ah. Oo nafteeda cariiri ayeey ku jirtaa, waxaan la xariirey daqaatiir cilmi nafsiga daweeya, laakin waxba iima qaban daawadooda.

Intaa ka dib saaxibadeyda ayaa i dhahey; bal tijaabi diimaha waa intaasoo aad ku caafimaadaaye,!!

waxaan bilaabey inaan kaniisada tago oo aan ku dukado, laakiin nafis kuma aanan dareemin.
Waxaan aadey diinta Buudiyiinta sidoo kale waxbo ma dareemin, waxaan soo wada marey diiman badan, balse waxbo ku aanan dareemin, kadib waxaan go’aansadey inaan diinta Islam ka ah bal fiiriyo.

Waan soo baxey, waxaan imid masjidka, oo waa idin la istaagey, waxaan aad u dareemey oo aan aad ii cajab galiyey, dhawaaqa Imaamka iyo waxuu aqrinaayo ”
markay intaas marsiineeso ayaa hoyadey ku tiri: “waxuu aqrinaayo mahan hees ama cod uu asiga leeyahey, oo waa hadalka Ilaahey, hadaad rabtidna adiguba waad baran kartaa oo waad aqrin kartaa, ee maxaad dareentaa ii sheeg kolkaa maqasho hadlkaa?”.

Naagtii baa hadalkii sii wadey uu tiri: “markaan idin la istaago, oo aan sameeyo sidaa sameeneeysaan, waxaan dareemaa nafis, oo culeeyskii baa iga daga. isla markaana anigoo faraxsana ayaan ka baxaa Masjidka.

Kadib isbuuc ama laba isbuuc baan maqnaadaa waxaana dareemaa culeyskii oo kale, kadib waan idiin imaadaa sidii baana sameeyaa, hadana waan caafimaadaa, oo culeeyskii ba iga daga!! Marka sidaas baan u imaadaa meehsan”

SUBAHANALLAH!! Akhristaha kobciyemedia.com Bal u fiirso naagtaa Islam mahan oo ma garaneeyso diinteena waxey ka hadleeso, sidaas ay tahey way macaansaneeysa, oo waxey ku dareemeesaa nafis! Waxeyna u qaadatey daawa ahaan!!
Allow adigaaa mahad leh inagu sugey diintaada ALHAMDULILLAH

Share dheh hadii aad facebook isticmaasho oo gaarsii walaalkaaga muslimka ah…

Related posts

Taariikh Kooban + Muuqaal Naxdin Leh Oo Ku Saabsan Dhibaatada Lagu Hayo Muslimiinta Burma..

KaLaFoGe

5 Things The Stock Market Doesn’t Give A Hoot About

KaLaFoGe

Q4aad Hadii Aad Dooneysid Inaad Ku Noolaato Nolol Sare Isku Day Inaad Noloshaada Ku Maamusho Xikmadahaan Kobciye.Com Kuusoo Diyaarisay.

KaLaFoGe

6 comments

Leave a Reply