Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Qiso Cajiib Ah Oo Diini Ah Dhacday Xiligii Saxaabada Mudana In Lagu Cibro Qaato.

Cabdullaahi Binu Jacfar RC, ayaa wuxu ku Lugeynayay Dhul Keymo ah ilaa markii dambe uu yimid meel Beer ah, halkaas oo uu ka Shaqeynayay Wiil yar oo ka mid ahaa Adoontii Cabaasiyiinta.

Qof ayaa Wiilkii yaraa Cunto u keenay, isla markii loo keenay ayaa waxaa soo Ag Istaagay Eey Dawaaf ah (micnaha Eey meesha ku cusub).

Wiilkii yaraa wuxuu u Tuuray Eeygii Jab Rooti ah, Eeygii ayaa Cunay Rootigii, balse meeshii kama uusan Dhaqaaqin, mar Labaad ayuu Jab kale oo Rooti ah u Tuuray, sidaas ayeyna ku socotay ilaa uu siiyay dhamaan Cunto Maalmeedkiisii iyadoo wiilkii eysan u soo Harin wax Cunto ah.

Cabdullaahi Binu Jacfar RC, oo Arintaan Daawanayay ayaa Wiilkii Weydiiyay, oo ku yiri:-Maalintii Meeqo Xabo oo Rooti ah ayaad Heshaa?
Wiilkii ayaa ku jawaabay:- Saddex Xabbo oo Rooti ah.

Cabdullaahi Binu Jacfar RC, baa tiri:- Maxaad Naftaada uga Door biday Eeyga oo aad u Siisay Dhammaan Saddexdii Rooti ee aad Heysatay?.

Wiilka ayaa yiri misana:- Meelahaan wax Eeyo ah ma joogaan, Eeygaana waxaa Muuqata inuu Safar dheer soo galay, si uu halkaan u soo gaaro, aad ayuu u Gaajeysan yahay sidaa darteed waxaa Ceeb ila noqotay inaan diro Aniga oo aan Siin wax cunto ah.

Cabdullaahi Binu Jacfar RC, oo la yaabay hadalka wiilka ayaa yiri:- Maanta maxaad Cunto ka Dhiganeysaa?.

Wiilka ayaa ku jawaabay:- Maanta Cunto La’aan ayaan ahaanayaa waxbana kama Qabo.

Cabdullaahi Binu Jacfar RC, ayaa Naftiisa ku yiri:- Dadku waxay igu Sheegaan inaan si Xad dhaaf ah wax u bixiyo, balse Wiilkaan yar ee Adoonka ah ayaa iga Deeqsisan.

Intaas kadib, Cabdullaahi Binu Jacfar RC, wuxuu ku laabtay Magaaladii, ka dibna wuxuu ka iibsaday Ninkii Milkiilaha ahaa Wiilkii yaraa ee Adoonka u ahaa, Beertii iyo Dhammaan wixii Beerta yaalay oo dhan, ka dibna Cabdullaahi Bin Jacfar RC, wuxuu Xoreeyey Wiilkii yaraa, wuxuuna Hadiyad ahaan u siiyeey Beertii uu ka Shaqryn jiray.

Wabillaahi Towfiiq.
W.Q:- Macoow Ustaad

Related posts

Maxaa Sabab U Ah In Dhalinyarada Soomaaliyeed Sanadahaan Is badal Xoogan Laga Dareemo.

KaLaFoGe

Qormo Ku Saabsan Is Badbadalka Jaceylka Iyo Waxyaabaha Looga Baahanyahay Mucaashiqiinta.

KaLaFoGe

Daawo Muuqaalkii Ugu Danbeeyay Ee Magaalada Muqdisho Maanta Laga Soo Qaaday.

KaLaFoGe

4 comments

Leave a Reply