Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Qodobo Cajiib Ah Oo Kuu Sahlayo Inaad Noloshaada Ku Cusbooneysiiso Kuna Hormarisid.

Maka daashay maalintaada ?

Ma ka daashay naftaada ?

Maka daashay sawirkaaga ?

Ma rabtaa is badal cusub ?

Halkan waxaan kuugu hayaa 9 fikradood oo aad naftaada ku hormarin karto, si aad u hesho nolol macaan iyo dhadhansi leh

  • Bilow firfircoon.
    Tani ha ahaato maalintii u horaysay maalmaha kuugu hadhay aduunka, go’aanso inaad ku bilowdo maalintaada firfircooni iyo niyad wanaagsan, wixii tagay ka yeel inuu tagay, waxaa hubaala inaad khaladkaagii wax kasoo barataye, sidaa darteed haku daalin naftaada wixii kusoo dhaafay marba hadaad ogaatay wuxuu ahaa khaladkaagu oo aad wax kasoo baratay. Ku dadaal oo isku mashquuli sidii aad usii wadi lahayd noloshaada, wakhtigani waa wakhtigii aad ku mashquuli lahayd mustaqbalkaaga soo socda.
  • Badal aroortaada joogtada noqotay
    Badal aroortaadan isku midka wada noqotay oo wax kala duwan ku bilow aroortaada, salaada subax wakhtigeeda u soo kac, saacad ka hor soo kac si aad u cibaadaysato, qur�aanka akhriso salaada kadib ama ka hor, ku quraaco cunto aadan cuni jirin, banaanka u bax oo soo qaado hawo nadiifa, soo qubayso si jidhkaagu u dareemo daganaansho iwm. Muhiimada ugu wayni waa inaad samayso wax ka duwan aroorahaagii hore naftaadana faa�iido u keenaya.
  • Labis / qaab cusub
    Ma yahay labiskaagu mid dadka oo dhami ay kugu barteen sanado badan ilaa aad caan ku noqotay, hadaba badal qaabka labiskaaga oo nooc cusub la imo ( hadaad gabadh tahay xijaabkaaga ha badalin ee midabka lagugu bartay badal) hadii aad wiil tahayna badal labiskan ay gabdhuhu kaagaga cararaan ( adoon Illaah cadho galinayn ) badal qaabka aad timaha u goosatid adoon ka bad badinayn wiil iyo gabadhba ( dabcan hadaad gabdh tahay timahaagu waa taashkaaga ee ha iloobin ) dadka ku takhasuska lehna ha iloobin inaad waydiiso ra�yigooda. Badal midabada dharka ee aad caanka ku noqotay oo qaado midab kusoo baxaya midabka jidhkaaga iyo da�daada, Qaab hore oo aan lagugu aqoon la imo, adoo ixtiraamaya diintaada iyo da� daadaba ( adoo 40jira ha u labisan sida ay u labistaan 20jirku ceebay kugu tahay taasi )
  • Ka dheeroow saaxiibada xunxun
    Jooji sigaarka aad cabto, cuntada aan xadka lahayn ee aad cunayso, Tvga iska socda 24ka saac, intenetka aadan wax ka faa’iidaysanayn, Paltalk hawshaada oo dhan ku seejiyey, Facebooka Iyo MSNka balwada kuu noqoday, SMSka aad iska qorayso habeen iyo maalin wakhti munaasaba iyo wakhti aan munaasab ahaynba. Waxkasta oo wakhtigaaga iyo jidhkaaga aan faa’iido u lahayn iska yaree oo hakuu xadidnaadaan. Isku mashquuli sidii aad u heli lahayd wax muhiima oo aad naftaada ku mashquuliso faa’iidana kuu leh adiga iyo muslimiintaba.
  • Baro wax cusub
    Isqor iskuulada ama dugsiyada habeenkii iyo galabtii la barto, kooras cusub raadso ama wax barasho cusub. Hadii aad raad raadiso waxaad ka helaysaa aduunyada waxyaabo badan oo xiisoleh oo aad wax ka baran karto. Isku day inaad ka barato diinta wax aadan ka aqoon, luqad cusub, qaab cusub oo aad guriga u dhigato, sida dharka loo tolo, sida wax loo sawiro, cilmi nafsiga, buugaag cusub oo xiiso leh, gabayada, taariikhda islamka ama guud ahaanba imw. Waxa ugu muhiimsan ee aad barankartana waa Qur’anka iyo waxkasta oo diinta kusaabsan.
  • Hawo gadis
    Meel kaliya inaad ku eekaataa waxay keentaa cudur iyo noloshoo diiqad noqota, hadaba hadii aad awood u leedahay inaad safarto safar si aad usoo hawo gadisato, waxaa hubaala maqnaashaha aad ka maqnaato gurigaaga iyo dadka kale ee aad soo dhex gashaa inay naftaada ku beerayaan firfircooni & farxad badan. Hadii aadan awoodin inaad safarto haka qadin naftaada inaad soo hawo qaadato wakhtiyada aad fasaxa tahay sida inaad soo wareegto meelaha geedaha badan, beerta xayawaanka, meelaha ay maraan togaga biyuhu, meel cusub inaad kasoo cuntaysaan iwm. Hana iloobin inaad reerkaaga iyo caruurtaada la farxad galiso naftaada.
  • Koolkooli naftaada
    Usamee naftaada maalin aad kool kooliso bishiiba hal mar, jidhkaaga iyo ruuxdaadaba koolkooli adoon midna xaqeeda kabadan siinayn, waxaad ku kool koolisaa wax aadan heli karin markasta inaad samayso dhinac cibaado iyo dhinac jidh ahaaneed. Naftaada oo aad koolkoolisaa waxay ku gaadhsiinaysaa inaad u xiisooto cibaadada oo aadan ka daalin marna, hadaba koolkooli naftaada hana ka bad badin. Tusaale xaga cibaadada, bishiiba sadex kasoon, soo cimrayso hadaad awoodo, qof miskiina caawi, dhakhtarka tag oo soo booqo qof bukaana, qubuuraha soo booqo iwm. Intaasoo dhami waxay ku gaadhsiinaysaa inaad noqoto qof Illaahay ” Xumaanoodhan ka nasahnaaye ” ku xidhan.
  • Tuur wixii tagay
    Wixii tagay wuu tagay, mustaqbal nuuraya oo sacaado iyo farxad wata ku hammi inaad hesho. Kala gur naftaada oo wax kasta oo cidhiidhi kugu haya iska tuur iskana fogee, wax kasta oo ku xasuusinaya dhaawac kusoo gaadhay, saamax dadkii ku dulmiyey, qofkastood ka gardarayd saamax waydiiso, badal saaxiibada xun xun ee kugu kalifa inaad caasido rabbigaa, qalbigaaga iyo calooshaadaba ka nadiifi cuqdada gashay dhibaato kusoo gaadhay darteed. Isku day inaad hesho nolol nadiifa nolol ayna xukumayn wixii tagay ee cuqdad, xasad iyo nac ahaa. Ka yeel mustaqbalkaaga midkii aad ku farxi lahayd, mustaqbal daacada Illaahay ka buuxdo, mustaqbal aad ku faanto maalinta qiyame, mustaqbal uu nabi Muxammed csw ku farxo markuu arko waxaad usoo qabatay umadii Islamka.
  • Tawbada
    Tawbada Tawbada Tawbada, markasta oo aad danbi ku dhacdo ha kusii fogaan ee tawbadkeen, markasta oo uu shaydaanku xumaan kuu qurxiyo usoo noqo Rabbiga, markasta oo ay naftaadu kuugu sheekayso maxaad ka tawbadkeeni baribaad noqone, ha maqlin marna. Tawbadkeen heerkasta oo uu danbigaagu gaadho waayo raxmada Illaahay ayaa kasii wayn. Markasta ku cusboonaysii naftaada inaad tawbadkeento. Hana iloobin qofka tawbadakeenaa inuu yahay xabiibka Ramaxaan

WQ: Anisa Sh Ibrahim

Source Khadija Home

Related posts

Daawo Sawirka Al-shabaab Oo Xukun Dil Ah ku Xukumay Fanaaniinta, Mohamed Bk, Nasteexo indho, Hodan Abdirahman Iyo Axmed Zaki.

KaLaFoGe

Dhacdo layaab leh oo ka dhacday Magaalada Muqdisho “Intaad nooshahay wax kasta filo”

KaLaFoGe

Qiso Cajiib Ah Oo Jaceyl Kana Dhaxeyso Wiil Iyo Gabadh Muslimiin Ah Mudo Lix Sanno Ah.

KaLaFoGe

6 comments

Leave a Reply