Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Akhriso Macnaha Ama Tafsiirka Suuratul Waaqicah Oo Af-Soomaali Ah.

Magaca Eebe yaan ku billaabaynaa Ee naxariis guud iyo mid gaaraba naxariisa.

1: Markay Qiyaamadu dhacdo.
2: Dhicidaas wax beenin ma jiro (markay arkaan).
3: Waana (mid) hoos u dhiga kor u dhiga ah.
4: Marka la gilgilo dhulka gilgilid.
5: Buurahana la ridqo..
6: Oy noqoto boor firdhisan.

7: Ood ahaataan saddex nooc, (markaasaa dadka loo soo bixin).
8: Kuwa midig mari (waa Ehlu-jannehee), ma taqaan kuwa midigta mari.
9: Iyo kuwa bidixda mari (waa Ehlu-naarkee) ma taqaan kuwa bidixda mari.
10: Iyo kuwa aad u hormaray.
11: Waa kuwa Eebe dhaweeyey.
12: Waxayna gali Jannooyin nicma leh.

13: Waana koox ka mid ah kuwii hore.
14: Iyo wax yar oo ka mid ah kuwii dambeeyay.
15: Sariiro dahab laga sameeyey yayna ku sugnaan.
16: Oy kuna dangiigsan korkeeda iyagoo isqaabili.

Maalinta Qiyaamo waa magacyo badan tahay, waynideeda iyo dhibkeeda darteed, dhab-ahaan bay u imaan markaasay cid walbarumayn, maxayse tari rumayni waqtigaas, waxaana dhaca maalintaas dad kor loo qaado oo la sharrifo iyo dad hoos loo dhigo oo la dulleeyo, dadkuna wuxuu noqon saddex qaybood.

Kuwa aad u hormary iyo kuwo kitaabkooda midigta ka qaadan, iyo kuwa xun oo jidka jahannama qaadi, saas darteed yey waajib tahay  inuu u darbado ruux walba maalintaas, kana fiirso kooxduu ka mid naqan lahaa isagoo Eebe ku xiran.

Cusmaan binu suraaq wuxuu sheegay: Insaacada Qiyaame hoos u dhigi naarta cadowga Eebe, Jannaduna kor ugu qaadi Awliyadiisa

Suurat Alwaaqicah Aayadaha 1aad ilaa iyo 16aad Darsiga wuu inoo socon doonaa haduu Eebe raali noqdo  yuusan ku seegin ee la soco mar walba :

Related posts

Muxuu Sameeyay Ninkii Dareemay In Deyn Badan Lagu Leeyahay Aadna Aay U Murjisay Deyntaasi.. ‘Salafkii Iyo Deynta’.

KaLaFoGe

Qiso Gaaban Oo Cajiib Ah Bal Arag Gabadhii Yareyd Ee Xumaanta Laga Damacsanaa Illaah Siduu Ku Badbaadiyay..

KaLaFoGe

Cajiib Cajiib: Dalka Maraykanka Oo Dadkiisa U Doonaya Xubno Jidheed Oo Iib Ah..

KaLaFoGe

1 comment

Leave a Reply