Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Akhriso Wacdi Qiiro Badan Oo Ka Hadlayo Zinada Iyo Weliba Xumaanteeda.

Asalaamu calaykumwaraxmatullaahi wabarakatuhu.

Aniigo ah walaashiin waxaan jeclaaystay walaalahayga somaliyeed ee qurbaha iyo dalkii hooyo intabaa jooga inaan uso qoro wacdi aad u qiimo badan oo ka hadlaysa (SINADA IYO XUMAANDEEDA)Waxaa haboon qofka Muslimka ah inu ka foogado sinada iyo fool xumaadeeda oo u naftisa u jiidin cadaab daran.Naftayda waxan uga la baqa cadaab daran inay la kulanto anigo qiyaamo gadhiin qabrigeyga ayan kisii baqa siido kale ayaan walaalahayga somaliyeed ee aan isku jiidhka nahaay ugala baqaya cadaabda Alle ee aan damayniin dad ba ku odhanaya cadaabda waxba igama galin kolay wan dhimanaya talow qofka sidan u hadlaya xarandana macaansanaya hadi ifka lagu tusi laha cadaabda daran iyo sharteeda badniideeda maxu subin laha talow dabcan wa ka argaagaxi laha sujuuda dhulka kama qadeen ayan filaya allahu akbar..

Walaalahayga somaliyeedow yar iyo cirolaaba waxaan kula dardarmaya cabsida illaahay iyo inay naftoda u jiidin naar daran oo sharteedu badan yahaay ,walaalow sooma ogiid labaa qoffo is qabiin ee kaala sinaysanaya in labadaa malaag ee garbaha saran ka kacan oo ay nacladaan xaga kuwa is qaba ay u duceyaan.Waxaad falaaysan Alle wa idiin jeedaa waana idinku caronaya aduun iyo akhirana wad ku hoogdeen hadaydaan ka towbaad keenin kana fooganiin sinaada iyo fool xumaadeeda qofka isagoon ka towbaad keeniin dhindana waa hoogay.Sinada iyo galmada sharci darada ah waxa ka dhashay cuduro aan dawadisa la heyniin qof islaam ah oo xalaal heeli karaa maxaa ku khaliifay inu sinaydo muu guursado!Haduu see awoodi kaarin maxaa u diiday inu Soomo waayo soonku shahwada gubaysa qofka ayeey ka yareysa xasilonaan iyo degeenaana dareema!Marku sinaysanayo miyaanu qofku Alle kor ahaye ka baqayniin iyo cadaabdisa daraan ee sharteedu fiidi.Qofka aan Alle ka xishooniin dabcan cudur kasta waaku dhacaya iyo caaro Alle cadaabti sharta badneeydnaa way u dambaysaa.Allow naga fooge cadaabta qabriga iyo qiyamaha amiin amiin.

 

Sinaada.

Markii shareecada qasadkeeda ay ka mid noqotay in cirdiga (Sharafta dumarka)iyo taranka la ilaaliyo,ayaa shareecada waxaa ku soo arooray xarimidda sinada.Balse shareecadu waxay ku xirtay wadooyinkii sinada lagu gaari lahaa oo dhan in la faro xijaabka,,in indhaha la laabo iyo in qof ajnabi ah lala khaali noqdo iwm.Qofkii reer yeeshay oo sineysta waxaa lagu ciqaabi ciqaabta ugu fooshaxun oo ugu daran,taaso ah in dhagax lagu garaaco ilaa uu ka dhinto sii uu u dhadhamiyo abaalka ficilkiisa xun.

Waa inay xanuunsataa xubin walba oo jirkiisa ka mida sida uu ugu raaxaystay xaaraanta.Qofka sineysta oo aan nikaax xalaal ah soo marin waxaa lagu karbaashi tirada ugu badan ee kusoo aroortay shareecada,taas oo ah boqol jeedal,iyada oo ay u dheertahay fadeexada iyo ceebta ka raaceysa dadka Mu’miniinta ah ee fiirsanaya karbaashidiisa iyo in laga masaafuriyo hal sano meesha uu jariimada ku galay.Dadka sineysta noloosha barsakha ah waxaa lagu cadaabi Tanuur xagga sare ciriiri ka ah,xagga hoosena waasac ka ah,xagga hoose ayaa dab looga shidayaa waxaana lagu ridi dadka sineysta iyago qaawan.

Marka dabka lagu shido ayey qaylin oo kor soo aadayaan ilaa ay sigaan inay soo baxaan,markii dabku baso ayeey hoos u noqon cadaabkaas ayey ku jirayaan ilaa qiyaamaha.Arintu aad ayey u sii fool xumaaneysaa hadduu qofku mar walba sineysanayo isago sii gaboobaya oo qabriga ku sii dhowaanaya Ilaahayna u seeto dheereynayo.

Waxlaga shaqeeyo waxaa u xun lacagta ay qaataan dumarka jirkooda gata,qofta sineysaneysa ee jirkeeda gadaneysa duco laga aqbali maayo habeen barkii marka albaabada samada la furo,mana aha baahida iyo faqrigu cudurdaar sharci ah oo looga talaabi karo xuduuda Illaahay,horey waxaa loo yiri”Gabadha xorta ah inay baahato ayey xigtaa inay naasaheeda gadato inay farjigeeda gadatana iskaba daa.Waqtigaan aan joogno albaab walba ayaa loo furay fool xumadii,shaydaankuna dhagartii iyo dhagarta xulafadiisa ayuu dariiqii foolxumada ku sahlay,markaa ayaa waxaa raacay caasigii iyo macasilowyadii markaas ayaa waxa faafey dumarkii qaawanaa oo wareegaya,qof walbana wuxuu sii daayey indhihiisa oo xaaraantii la firsaday,waxaa faaftay rag iyo dumar isku dhex jira,waxaa la faafiyey joornaalo iyo filimo fool xun,waxaana aad loogu dhoofay suuq looga ganacsado dhilaysiga oo in badan lagu xad gudbo cirdiga(sharafta dumarka),waxaa batay wacalladii iyo ilmaha uurka lagu dilo.

Illaahow waxaan ku weydiisaneynaa raxmadaada,naxariistaada,asturkaaga iyo ilaalin aad naga ilaaliso foolxumada,waxaan ku weydiisaneynaa in aad qalbigeena dahirto oo farjigeena ilaaliso oo aad anaga iyo xaaraanta nakala dhex dhigtiid Teed iyo Gidaar..Amiin Amiin Amiiin Amiiin.

 

Wabilaalahi towfiiq

W/Q Walaashiin Qeyrka Idiin La Jaceyl

Related posts

“Qayaanadu Ma Libin Baa, Waata Loo QaSdinayee, Qisada IsbuuCa Iyo Qalinka WaaSuge”

KaLaFoGe

RUN MISE BEEN? (Sheeko taxane ah Qaybtii 7aad)

Qiso Cajiib ah Oo Ku Saabsan Wiil Baari ahaa Oo Aabihiis U duceeyay Iyo Qaabkuu Ducada Ku Kasbaday.

KaLaFoGe

3 comments

Leave a Reply