Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Aniga Hooyo Waxaan Ku Xasuustaa Arimahaan Cajiibka Ah Adigana.

Qormadaan cajiibka ah ee ku saabsan hooyada inaan qoro waxaa igu kalifay casir liiqii galabta anigoo dhex marayo xaafada somalida ku badantahay ee Eastleigh “Islii” ayaa wiil soomaali ah oo horteyda socday wuxuu indhaha ku dhuftay maamo waayeel ah oo Kenyan aheyd.

Markaasuu wiilkii la socday intuu ku jeediyay ku yiri eeg naagtaan kenyan-ka ah ayadoo duq ah ayey suuqa waxee rabso kasoo qabsaneysaa naagaha soomaalidana hadii aay duqoobaan saliga kama soo kici karaan…

Intaan yaabay ayaan sidaa u eegay niyada iska iri:- doqonka ma ogo miyaa hooyada soomaaliyeed in aay ku dul dhafarto ubadkeeda dhib walbaana aay u marto intuu yaryahay, marka hooyada duqowdana aay kusoo baxaan xanuuno jirkeeda u adkeysan jiray markii aay dhalin yareyd ee aay korineysay ubadkeeda.

Teeda kale markuu leeyahay naagaha soomaaliyeed ee duqyaasha ah ma wuxuu awoodi waayay magac maamuuseedka maamo ama haweenka soomaaliyeed, mase wuxuu mooday hooyooyinkaan kenyanka ah ee dhalayo labo canug keliya ee aan xattaa masaasadiisa leysku dhibin nadiifinta la nadiifinayo.

Hadaba arartaasi kadib akhristaha kobciyemedia.com aniga kalafoge ahaan waxaan hooyadeey ku xasuustaa arimo badan oo aan laga heli karin noole kale balse aan kasoo qaadanayo sadax arimood.

1;- Hooyadeey waxaan ku xasuustaaa in aaysan weligeed iiga hormarin cuntada mar hadii aay kariso ama uu qof kale kariyo inta saxan noogu rogto ayuu qof walbo dhiniciisa ka cuni jiray balse ayadu dib bey isku dhigi jirtay oo wixi naga soo haro ayey cuni jirtay sida lafihii aan hilibka ka heensanay iyo reereebkii kale, anagoo dhargin weligeed ayadu ma aaysan is dharjin, hadaba noole naxariistaas laga helayo ma jiraaa.

2:- Waxaan ku xasuustaa hooyadeey macaan hadii aay hada igu qeyliso oo aay ii xanaaqdo daqiiqado kadib ineey ii dhoola cadeyn jirtay, waayo  ayadoo ii xanaaqsan markii aay sidaan iisoo eegtaba waxaa qaadi jiray dareen waalidnimo durbaba weey iidhoola cadeyn jirtay, hadaba noole naxariistaas laga helayo ma jiraaa.

3:- Waxaan ku xasuustaaa sidii aay ii daryeeli jirtay uguna dadaali jirtay farxadeyda sida ineey iwado oo aay iisoo iibiso dharka aan anigu dooqday ee aan jeclahay, iyo sidii aay ugu dadaali jirtay inaan wax barto inta aay soo kacdo ayadoo juuq iyo jaaqba jirin oo aay dab ii shido kadibna kariso cunto si aan u helo energy aan wax kusoo barto maalintaasi.

Hooyo waxyaabaha aan ku xasuusan karno maahan waxyaabo yar hadana waxaa jiro waxyaabo badan oo yaraantaadii aadan dareemi karin balse markii aad weeynaatay dareentay qiimaha waalidka.

Hadaba shalay hadii aay hooyadu kugu soo tiir iyo tacab beeshay si aad meel u gaarto, maanta markii aay duqowday oo aay xanuunsatay adigana maxaa kuu diiday inaad u garab istaagto sidii aay kuu garab taagneyd markii aad tabar darneyd, mase waxad ugu abaal gudeysaa naagaha soomaaliyeed hadii aay duqoobaan wax ma qabsan karaaan…

Hooyooy Macaaneey.

Hormuud Kolkaan Kaa Soo Waco.

Adoo Xanuun La Haarayo,

Hallooow Aad Ku Hadaaqdo.

Wadnahaaa Hoos Idhacooo.

 

Hadba Waxaan Hamiyaaa.

Goortaan haboowsanaa.

Hubaal Aan Awood Laheyn.

Hilinka Aanan Mari Karin.

Adiguna Ii Heelaneyd..

 

Aduun Waa Hirtaanyoo.

Hadal Iyo Awood.

Haatan Hibaan Uyeeshay.

 

Adiguna Hubaashii.

Haar Iyo Xanuun.

Hooy Beey Kaa Dhigteenoo.

Hurdadii Aan Kuu Diiday Iyo.

Haraadkii Aan Kusoo Baday.

Ayaad Maanta Harsaneysaa.

 

Aniguna Hooyooy.

Halkaad Joogtiyo.

Hooskaadii Baan Ahay………….

 

Hooyo iyo Aabo sidaad iisoo tarbiyeyseen abaalkaasi ma gudi karo balse waxaan rajeynayaa abaalkaasi inuu illaahey idiin gudo idiinku abaal mariyo janadiisa, aniguna intaan noolahay waxaad iga hanan doontaan duco iyo inaan idiin iloobi doonin intuu wadnaheygu shaqeynayo.

Akhristoow adigana tolloow maxaad ku xasuusataaa hooyo halka hoose inoogu reeb arimaha aad ku xasuusato..

W/Q Ibrahim Ali Abdi “Kalafoge”..

Related posts

Hooyo Nin Qiyaanay Oo Wiilkeeda Kala Dhuuntay Xeelad Cajiib Kusoo Badbaadsatay Cunugeedii!!

KaLaFoGe

Yaab: Iska Jir Inaad sida Ninkan Noqoto!! (Maxaa ku dhacay toloow?).

KaLaFoGe

Qormo Aad Iyo Aad U Xiiso Badan Oo La Magac Baxday Shabeelkaa Dhaama..!!!

KaLaFoGe

14 comments

Leave a Reply