Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Barnaamijka Kobci Maskaxdaada Iyo “Noloshaada Oo Dhami Waa Khasaaro”..!!!

Markab nooca dalxiiska ah ayaa waxa saarnaa nin professor ah, waxana isaga oo badda eegaya soo ag-joogsaday mid ka mid ah shaqaalaha markabka ee qaybta makaanikada oo dhar wasakh ah xidhan.

Professorkii waxa uu ninkii makaaniga ahaa ku yidhi; “Wax ma baratay oo magacaaga ma qori kartaa?” Waxa uu ugu jawaabay; “Maya, wax ma baran magacaygana ma qori karo.” Professorkii waxa uu ku yidhi; “Haddaa noloshaadu qiimo ma leh.” Makaanigii wuu aamusay.

Daqiiqdo kadib ayey mawjadihii baddu si ba’an u kaceen, markaas ayaa ninkii makaaniga ahaa waxa uu weydiiyey professorkii; weligaa bad ma gashay, oo dabbaasha ma taqaan? Professorkii waxa uu ku jawaabay; maya. Ninkii makaaniga ahaa ayaa Professorkii ku yidhi;

“Haddaa noloshaada oo dhammi waa khasaare, mar haddii aanad dabbaasha aqoon, taas oo aad maanta ku badbaadi lahayd.”…..

Related posts

Hal-Ku-Dhegyo Xikmad Xambaarsan Oo Laga Reebay Hal-Abuurro Caalami Ah

KaLaFoGe

Ninyahow Ma Tahay Nin Wax Ka Yaqaano Jaceylka, Hadey Jawaabtaadu Maya Tahay Bal U fiirso Arimahaan.

KaLaFoGe

Afar Nooc Oo Dumarka Ka Mid Ah Ayaanay Raggu Dhayal Kaga Tegin Ama Dhaqso U Illaawi Karin.

KaLaFoGe

4 comments

Leave a Reply