Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Dhambaal Jaceyl Ah Oo Aad U Xiiso Badan Gaarna U Ah Mucaashiqiinta “Ifka Nolosha Waa Adi”.

Gabaryahay Nafteyda Iyo Qalbigeyga Qeyb Kamid Ah Ayaa Saldhig Ka Sameysatay Waxaadna Xukuntay Dhaqa Dhaqaqa Xubaneyga Oo Idil Waxad Xoojisay Islamarkane Aad Kordhisay Dareenkii Nafteyda Iyo Jaceylka Aan Ku Hayay ,Taasi Waxay Ii Muujineysa Ina Tahay Qofka Kali Ee Hantay nolasheyda oo idil,

Jaceylka aan ku qabo qalbigeyga ayuu kobciyay oo koriin xad dhaaf ah ayuu ku biiriyay iyado taasi ay sahal ka dhigtay in nafteyda ay noqoto mid kuu jilcan ,aadmiga adiga moyee qof kale aan niyeysan inaan hadal ama kalmad is dhaafsano waana mid soo xiray xiriirkii aan la laha gabdhaha kale ee asagaga ah ,waxana arimahan u sabab ah soo jidashadada.

Nafteyda waxad kaso bixisay nolal aad u mugdi ah sida godcur,iyadoo jaceylka aan kuu qaba uu i keenay oogada sare ee iftinka banaanka islamarkaane i dhadhansiiyay farsaxada nolasha iyo waxay tahay.

Run ahaanti kaama qaraniyo sida ay xaalka nafteyda tahay,barigi hore waxan ahaa qof dhax joga badweynta,ama dhul saxara oo lama dagaan ah islamarkane uusan ku noolaan Karin qof bini’aadam xili xayawankii jogay ay ka hayameen ,balse haatan waxan ahay nin ay garbihiisa ubaxyo udgon ,ka baxayaan waana jaceylkaga,waxa heran i gaarisay.

Fariintan aan kuso qoray waa mid ku dareensiin doonta jaceylkaga sida uu iigu weynyahay waxan ahay dhibane ku il daran kuna qalbi nugul,la’aanta dunidan,marna kali nimo kama soo baxeen waana fariin aan qad ugu dhigay dhigeyga,waxaana mid aan ku muujinaya inaan ku darensiyo jaceylka dhabta ah ee aan ku haya qaali.

Xiligan Aan joga waxay ii tahay maalin farxad, ah sida amigo og inaan janada galayo,waxaadna ii tahay ileys oogada sare ii tagan mugdi walba oo nolasheyda soo wajaha iftiin iigu badali kara waana farxad lama ilaaban ah.

Qofna ma dareemi kara nolasheyda ilaa adiga mooye,waxan ahay qof aan ladin hurdada ,waxan qalbiga ku haya dareen gooni ah sida dhabta ah aan ogeyn waxa aan ka qaban karo,hadii qalbigaga ama sida aad rabo sameyn kartid aduunka dhan qof walba sida uu rabo ayuu sameyn laha ,adiga aniga xageyga wax walba waan ka heli laha lakin qof walba dunidan ilaah ayaa kenay,maaline waa laga wadi doona,balse inta aan ifka ku kala tagin aan mar qur ah nolashada helo.

Waxaan Farinteyda kuso gab gabeynaya ,hadii naf aad jeceshahay,ay kugu abaal marisa niyad jaba waxad daremi laheyd, xanuun ,ama dhawac aan marnaba qalbigaga ka go,in balse ogow waxad tahay manta qof aan shaashada ama oogada sare ka eeganaya.

Waxan ku rajeyna farxad aan dhamad lahey,Ifka Nolasha Wa Adi.

Related posts

Qudhaanjada Oo China Iyo Jarmalka Aad Loo Kala Iibsado, Sababtu Maxey Tahay..

KaLaFoGe

Sheeko Aad Iyo Aad U Xiiso Badan Murtina Xambaarsan “Dib Ha Iigu Sheekeyn”..

KaLaFoGe

Dhacdo Qosol leh oo ku saabsan dhibaatada Guurka Maxlalka!!

KaLaFoGe

8 comments

Leave a Reply