Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Gabar Wariye Aheyd oo Jawaab Culus Ka Bixisay Naceybka Ay Midnimada Somaliya Neceb Yihiin Fanaan Somaliyeed iyo Xaaskiisa.

Ereyo loogu jawaabayo hees ay Fanaanka Mursal Muuse Iyo Xaaskiisu  caynayaan dadka jecel midnimada Soomaaliya….

Adigoon galgaalbixin

oo aan guyaal jirin

wali aan gundaha dhigin

kala garan bad iyo wabi

maxaa gurada kuu sudhay

Gobeey soomali wayn

Guhaad ma mutaysanee

Maxaa garashadii ku tiray?

Inta gabayga marisiyo

Kuwa gooya laxankiyo

Inta music galisaa

Ama luuqda garabdhiga

Go,aan waxay ku gaareen

In aan gogol laguu dhigin.

Geeska waqooyiyo

Goonyaha hargaysiyo

Gurigaad ku nooshahay

In ay ka go,ayaan

Somalida gabigeed

Miyay kugu gardaadsheen?

Guntu kugula taliyeen?

Inta gabayga marisiyo

Kuwa gooya laxankiyo

Inta music galisaa

Ama luuqda garabdhiga

Go,aan waxay ku gaareen

In aan gogol laguu dhigin.

By Faadumo Cabdirisaaq Caawad Ex Wariye Radio Garoowe

Related posts

Dumarka waxaa Xusuus Xoogan Ku Reebi Karo Ninkee Ka Helaan Qodobadaan..

KaLaFoGe

FIIRSO: Caalamka sidaan ayuu Horumar u gaaray Anagana weli waan is dileynaa. “VIDEO”

KaLaFoGe

Maxaad Ka Garaneysaa Sheekooyinka Quluubta ( Qormo Cajiib Ah Kuna Socoto Ragga Iyo Dumarkaba)..

KaLaFoGe

6 comments

Leave a Reply