Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Haddaad U Fiirsato Noloshaada Tolloow Ma Isku Aragtay Calaamadahaan Cajiibka Ah.

Nolosha qofkasta waxa ay ku soo dhaweysaa ahlan wasahalan, bilwaga iyo nabadgalyo oo ay ku sii sagootiso ugu dambeytii masraxa weyn ee aan ku dul nool nahay bandhigyada kama dhammaadaan daawadayaashuna in badan kama bartaan.

Maalin kasta miyuusiga ayaa la garaacaa oo furintaan ah iyo mid lagu soo gebogebeeyo daahyadana lagu soo xidho. Mushkiladda waa insaanka oo bilawga aad ugu farxa iyo dhammaadka oo aad u murugooda, iyaadoo haddana la filayey inay sidaa u dhacdo bilawga ka hor.

Sirta nolosha ayaa ah mid furaheeda dhayal lagu heli karin dadka qaar wado kasta ayey u maraan, sidii ay u noqon lahaayeen kuwo dadka kale ka sarreeya, haseyeeshee waxa ay is arkaan mar dambe inay dadka iyo wax kasta kala fogaadaan iyo wixii ay gaadheen aanay u qalmin wixii kaga lumay iyo wixii ay ku waayeen.

Yool kasta waxa la higsanayo oo aan la sii marin waddooyinka aan wanaagsanayn waxa laga dhaxlaa murugo, dadka oo ina naca iyo kalsooni-darro farxadda dhalisa dareen deganaasho xambaarsan hanti iyo duruufo kale kama timaado farxadda dhabta ah, waxay ka timaadaa gudaha qofka ee maaha mid dibedda ugu timaado.

Farxadda dhabta ahi waxay ka dhaltaa hadba duruufta aad ku jirto oo aad raali ka noqoto iyo adigoo aamina waxkasta inay waarin oo laga gudbi karo.

Related posts

Ninka Soomaaliyeed Waxbo Kama Yaqaano Jaceyl Haduu Xaaskiisa Intaan U Sameyn…

KaLaFoGe

DAAWO: Gabadhii lagu Fara xumeeyey Galdogob oo wareysi Xanuun badan bixisay, Kana hadashay sidii loo dhibaateeyey

KaLaFoGe

Daawo Sawirada Haweeney jirta 113-Sano iyo Oday jira 70-Sano oo Dhawaan Jaceyl isku guursaday

KaLaFoGe

6 comments

Leave a Reply