Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Illaahow U Naxariiso: Daawo Sawirada Meydadka Afar Gabdhood Oo Walaal Ah Oo Isku Meel Lagu Dilay.

Kooxo hubeysan ayaa saqdii dhexe ee habeen hore weeraray qoys reer guuraa ah oo hurdayey degaano ku yaala duleedka degaaanka Qeydara oo Konfur bari kaga beegan magaalada cadado una jirta qiyaastii 130 km kana tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Somalia.
dil_dumar_1
Wararku waxay sheegayaan in kooxdan hubeysan ay rasaas ooda kaga qaadeen xili ay hurdayeen qoys ka koobnaa todoba walaalo ah taasoo sababtay geerida afar gabdhood oo qoyskaasi ka tirsan iyo dhaawaca sadex kale kuwasoo dhamaantood walaalo ahaa.
dil_dumar_3
Goob joogayaal degaanadaas ku sugan ayaa sheegay in qoyskan aabahood uu horey u geeriyooday, markii weerarkan uu dhacayeyna ay ka maqneyd hooyadood, iyagoo xusay in qaar ka mid ah dadkan walaalaha ah ee dhimashada iyo dhaawaca loo geystay ay ku jiraan caruur agoomo ah oo aan qaan gaarin
dil_dumar_2
Kooxda dilkan foosha xun geysatay ayaa baxsatay, iyadoo wararkuna ay sheegayaan in falkan uu salka ku hayo dilal aanooyin qabiil ah oo mudooyinkanba u dhexeeyey labo beelood oo degaanadaas wada dega, waxaana la soo sheegayaa iney degaanadaas laga dareemayo xiisad ka dhalatay weerarkan, iyadoo laga cabsi qabo iney dhacaan dilal kale oo aargoosi ah.
dil_dumar_1

FG: Waxaa jiro sawiro hadad aragto qaracan kugu reebayo oo aan ka reebnay si dadku ayagoo sooman qaracan xun aaysan ugu qaadin illaa heer aay gaaraaan illaaa aay afuri waayaaan.

Related posts

“Ha La Dumiyo Gurigan Waa Guri Masiibo Ah” Dhacdo Dunida Maanta Ka Yaabin Doonto..

KaLaFoGe

Daawo Sawir Argagax Leh Wiil Soomaali Ah Oo Gubasho Ugu dhintay Magaalada Hargeysa

KaLaFoGe

Wax Badan Ka Barro Cilladaha Lagu Dhasho Iyo Waxyaabaha Carruurta U Gudbiyo..

KaLaFoGe

8 comments

Leave a Reply