Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Ka Faaideyso Afartankaan Xadiis Ee Lagu Galo Janada “Furayaasha Janada”..

Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakatuhu.

40Xadiis Waxa lagu gaalo Jannada.

Waxaa laga weriyey Mucaad Ibn Jabal(Allaaha ka raalli noqdee) wuxuu yiri.Waxaan iri rasuul Allow Lii sheeg camal Jnnada i geeya,naartana iga dheereeya.Wuxuu yiri waxaad weydiisay arriin culus,waana sahlan yahay qofka illaahay swt u fududeeyo:”Illaahay kaligi caabud oo cid kale ha la waadajiniin cibaadada,tuko salaadda,bixi sakada,soon bisha Ramadaan,gudo Xajka,Markaasuu yiri.

Soo kuma aan tuso irdaha khayrka?Soonku waa gaashan,sadaqu waxay damisaa dembiyada.sida biyuhu dabka u dambiyaan,waana sidaa oo kale salaadda saqda dhexe loo kaco .Markaa buu wuxuu akhriyey Aayaddan Quraanka ah ee ammaanaysa dadka u kaca salaadda saqda dhexe,marka dadka kale hurdada maacaansanayaan.

Markaasu yiri:Ma kuu sheegaa arrinka madaxiisa tiirkiisa iyo baarkiisa?Markaasaan iri:Haa,Rasuul Allow.Markaasuu yidhi Nebigu scw arrinka madaxiisa waa salaadda;baarkiisuna waa jihadka.Haddana wuxuu yidhi;Ma kuu sheegaa wax intaas oodhan isku fuuqsaday?Markaasu yiri intuu carrabka taabtay,iska celi kan.Markaasan iri Nebi Allow miyaa na loo qabsanayaa waxan ku hadalno?Markaasuu yidhi hooyadaa ha kuu weydo mucaadow,maxaa dadka naarta ku tuura oo aan ahayn waxayaalaha carrabka lagu galabsaday?

Waxa weriyey At-Tirmidi oo yiri waa Xadiis Xasaan ah.

Xadiith kani,wuxuu kulansaday arrimo waaweyn oo isla marka qiimo xeel dheer ku fadhiya.Markuu weydiiyey Mucaad Nebiga(scw) camal Jannada geeya,Naartana ka fogeeya,wuxuu ugu jawaabay in camalkaasi ku xiran yahay siduu ugu camal falo mabaadi’ida uu xusay oo shanta tiir ee Islaamka u ka mid yihiin,sida in Illaahay Keligiis la caabudo oo aan cid kale loola shariik yeelin cibaadada.

In u guto waajibaadka salaadda,soonka, sekada iyo xajka.Wuxuu haddana uga warramay waxtarka salaadda iyo sadaqada isagoo yidhi.”Salaaddu waxay gaashaan kaaga noqotaa naarta,weliba wuxuu sii ammaanay isagoo aayad Quraan ah tusaale u soo qaatay,dadka saqda dhexe salaadda u kaca markey dadka kale hurdo ku maqan yihiin,sadaqaduna waxay damisaa dambiga qofka gubaya ee u jidaya naarta.

Haddana Rasuulku(scw) wuxuu ka warramay saddex waxyaalood oo ugu muhiimsan qofka dunida ku nool,kan ugu horreeya waa in qofku galo xerada Islaamnimada,kan labaad waa tiirka oogidda salaadda kan saddexaad oo ah heer sare oo ah halka geela kuruska kaga yaallo waa jihaadka aad la jihaadeysoo cadowyada naftaada ee faraha badan oo ay ka mid yihiin.

Shaydaanka, hawada nafta,cadowga Islaamka ee raba in uu damiyo iftiinka Illaahay iyo cadowga Aadamiga,guud ahaan sida gaajada,cudurka,jahliga iwm.Waa inaad cadowyadaas oodhan midna looga soo dhicin dhinaca aad islaamka ka joogtid,laakin waxaas oodhan waxaa ka daran inaad carrabkaaga ka adkaatid,maxaa yeelay,waa qalabka sharka iyo khayrkaba lagu fulin karo,isagaa dadka kugu diri kara haddaad ku hadasho wax xun,isagaa dadka kuu soo dhoweyn kara haddaad kula dhaqantiid wax fiican,marka ka digtoonow in uu naar kuu jiido,dadka isagaa ku ururiiyey naarta.

1-Wuxuu caddeeyey tirarka Islaamka.

2-Faa’idada saladda iyo kaalinta ay kaga jirto Islaamka.

3-Qiimaha sadaqada iyo salaadda saqda dhexe.

4-Arrimaha ugu muhiimsan qofka dunida ku nool.

5-Jihaadka iyo waxyaalaha lala jihaadaayo.

6-Halisnimada carrabka iyo inuu qofka naar u jiidaayo.

7-In gudashada waajibka qofka u jiideyso Jannada.

Alle swt towfiiqda hana wafajiyo amiiin

W/D Walaashiin Qeyrka Idiin La Jaceyl

Related posts

Marxalado Ceynkee Ah Ayeey Wajahaan Lamaanaha Inta Aay Is Guursan Iyo Markey Is Guursadaan Kadib..??!!

KaLaFoGe

Duruusta FBI: Farsamooyinka Ugu Habboon Ee Aad Qofka Kale Ku Ogolaysiin Karto Waxa Aad Adigu Rabto Q3xaad.

KaLaFoGe

Qiso Cajiib Ah Muxuu Ku Noqday Qofka Ugu Dambeeya Ee Ka Soo Baxa Naarta?!!

KaLaFoGe

6 comments

Leave a Reply