Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Lix Arimood Oo Gabadha Niyad Jab Xoogan Ku Rido Mar Hadii Aay Ninkeeda Kala Kulanto.

Ma kugu adkaanayso in aad inanyahay ogaatid in ninka xariirka kaala dhaxeeyo uu yahay mid aan kuu qalmin kaliya hadaad arimahaan aragto xaalka ma wanaagsana ee indhaha kala qaad:-

(1). Tix Gilin La`aan :- Jaceyl aan tix gilin laheyn waa geed aan miro aan laheyn , haddii ninka aad jaceylkiisa ku dhacday uusan ixtiraam aqoon ogoow wadadii dhibaatada ayaad ku socotaa .

(2). Daryeel La`aan :- Jaceyl kaliya ma aha erayo jilicsan bacaad ku qoran oo marka ugu horeysa dhib dhaco tir tirmaya , ee Jaceylka waa mid labada lamaane is bar bar taagan yihiin xiliga dhibaatada iyo xiliga Kaleba.

(3). Qorsheyn La`aan Dhanka Mustaqbalka Ah:- haddii saaxibkaada marnaba uusan kaala hadleyn arinta mustqbalka iyo wax yaabaha u qorsheysan isna munaasib kuguma aha ninkaas .

(4). Soo dhixid ama latashiyo la’aan:- Ogaaw haddii uu bilaabo inuu soo dhaxo ama uusan kalatashan Arrimaha uu sameynaayo, Fadlan ha isku daalin kaasi Jaceyl kama raacayee.

(5). Inkiraad badan:- Haddii uu kugu inkiro inaad aragtay isaga oo laafyoonaya ama dumar badan meel ay ku shamuumsan yihiin taagan iska iloow Jaceylka uu kugu beeray.

(6). Waji gabaxnimo:- Haddii aad aragto marka uu guriga soo galaayo isaga oo muujinaayo Waji gabaxnimo ama dadka kale kula sheekeysanaayo farxad, balse adiga wajiga ku xumeynaayo iska ilaali kaasi maaha mid quman.

Hadaba garbaryaheey hadaad arimahan aragto ha dhayalsan oo Jaceylkaas yuusan ku qaldin Waxaana ku leedahay ninkaas kuuma qalmo ee hurdada ka kac oo waqti badan ha sugin .

Related posts

Ma Aaminsantahay Dadka Guursaday Waxay Saddex Jeer ka Cimri Dheeraadaan kuwa Aan Guursan.

KaLaFoGe

Faahfaahin Dheeraad Ah Nin Xaaskiisa Iyo Caruurtiisa Toorey Ku Dilay Asna Xubintisa Taranka Iska Jaray Iyo Sababta Akhriso.

KaLaFoGe

“Qayaanadu Ma Libin Baa, Waata Loo QaSdinayee, Qisada IsbuuCa Iyo Qalinka WaaSuge”

KaLaFoGe

7 comments

Leave a Reply