Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Marwada Oo Ninkeeda Isku Diida Iyadoon Cudur’ Daar Sharci Ah Haaysan.

Asalaamu calaykum waraxmatullaahi wabarakatuhu.

Talo iyo waano wacyi gaalin ku socda (Gabdhahaa Muslimaadka ee Xaasaska ah).

Aniigo walaashin ah waxaan idin la jeclaaday inaan idin so qoro fikradaayda iyo wacyi galin anigo idin la jecel sidan ulaa jeclaahay inuu reerkeygu igu dhisnado dhaan walbana ka nuuro dayac iyo darxumaana u arkiin meel yarna uga so galiin inshaallaah sayigeyga iyo caruurteyduna igu raali noqdan, iyo sidan u heeli laha janno iyo raali ahaanshaha rabbigey inshaallaah.Ukhti adigana wan kula jeclaaday qofka naftisa wuxu la jecel yaahay haddu walaalkisana la jeclanin Imaankisu qamiil ma noqdo.

Waxa jirta dumar badan oo aan ku baraarugsanayn sabaabtu ninkega ula guursado gabar kale iyo waxa ku khaalifay inu ku fakaro guur gabar kale me is waydisay ukhti mise waali arimaahasii kumaa baraarugsaniid!Hadaba aan ku yar tataabto ee dhageeyso intuu sayigada shaqo kaga maqan yahay caruurtuna sikool kaga maqan yihin yara bax waxaad taagta meel cidlo ah doog qurxoon iyo ubah qurxoon ku yaalin fadhiiso maskaxdada ka shaqaysi is waydi, maxuu kugu dhago hadla oo ku dhaha wan kula guursanaya!dhago hadalkani ma mid adiga lagugu danleeyahay oo lagugu bararujinayo miiya!

Ma xaquuqdisi ayadan gutaan maxay tahay talow xaquuqdaasi adan gutaan! sowligan hadh iyo habeen u taagan daryeel kooga talow talow maxay tahay dhago hadalkani marwalba ah waxan kula guursan naag kale! Su’alahaan iyo su’aalo kalo fara badan dumarka badan koogu caaloshooda ku wareegan kumasee baraarugsana ariintani inyar oo Alle u naxaristey mahee!

Hadaba ukhti aan ku sheego waxa ku khaalifay guurka dumarkuna ayna ka war qabin inyar oo Alle u naxaristey mahee!Intaan hadal kayga si wadaan aan xadiiskan yar ee kobaan kaso hor mariyo insha allaah.

Bismillaah.

Naagta oo ninkeeda isku diida iyadoon cudur’daar sharci ah haysan.

Dumar badan ayaa haddi ay is qabtaan ninkooda ku ciqaaba inay isu diidaan oo xaqisaa u diidaan iyagoo isla quman ,waxaa laga yaabaa inay arintaas ka dhalan karto arrimo fool xumo weyn keeni kara oo ay ka mid tahay in ninkeedu xaraan ku dhaco ama in arrintu iyada isku rogto oo uu ku fakero inuu la guursado.Qofka dumarka ah waxaa la dooni inay u degdegto ogolaanshaha ninkeeda hadii uu weydiisto,iyadoo fulineysa hadalkiisa.

Cabbaas A.K.R.Wuxuu yiri:”Naag baa u timid,Nabiga .S.CW.” Waxay ku tiri waxan ahay naag madax banaan waxaan doonaya inaan guursado ee maxuu yahay xaqa ninka?markaasu yiri S.C.W. xaquuqda u ninku ku leeyahay xaaskisa waxa ka miid ah hadu doono inuu u galmoodo iyadoo rati dushiisa saaran anay ka didiin.Weriin kale waxay leedahaay ninku hadduu xaaskiisa u yeero haka yeesho xitaa haddaay tinnaar muufo dubaysoo.

 

Gabadhtu haday shanteeda saladood tukado farjigeeda ilaaliso ninkega amarkisa fulliso waxay gashaa janada hadu Eebe ka raali noqdo.Gabadhahaa waxa wajiib ku ah inaay ninkega adeecdo dacaad u ahaato unaa yeesho wax kastoo oo u ka dalbo wixi Alle ka reebay ayun bay xaq u ledaahay inay ka diido,xaqa u ninku xaaskisa ku leeyahay wa wax aad u weyn gabadhti illaahay wafaajiyo ayaa xaqiisa gudaado waxayna galaysa jaanno,gabadh kasta oo dhimada ninkega oo rali uga ahnaa janaday gashaa.

Marka ukhti dadaal oo furaha jannada adigon sayigada ka qaadan ha dhimaanin dadaalka muuji wad liibani aduun iyo akhiro inshaallaah.

Aan u so laabto qoralka kor ku xusaan,ukhti aan anigu kaga jawaabo sabaabtu sayigaagu kula guursanayo ama u kugu dhago hadlayo waxa dhici karta in adiga lagugu baraarujinaayo balse anu jecelyn inu kula guursado oo u ku jecel yahay adiga see ma ogiid waxa uurkisa ku jira waxad see ku ogaan karta markad geed dheer iyo mid gaban u korto sidaad u ogaan lahayd waxa keenaya guur iyo naag kale,waxad isku dayda maliin u fasax yahay inaad caruurta maamada u geyso ama qarabadada adiga iyo sayigagana banaanka adaan meel aad wax kaso cuntaan taagtaan isku day inaad wixi uurkisa ku jira banaanka u so sarto.

Ku dadaal inaad gogoshiisa ka qanciso ragga intooda badan waxad arki isago kugu leh gabar kaliya naguma filnaa,waxa dhici karta in sayigagu kugu qanacsan yahay hab dhaqan kaga dabecaaddadaa iyo daryeel kaga balse u kugu kahato xaga gogoshaa balse adigu adan ku baraarugsanayn arrintaani taasina ay sabaab u noqodo inu naag kale kula guursado ama u reedsado.

Mid kalena aan ku sheego ukhti waxa dhici karta inaad la yaabto hadal kaygaa lakin anigu wa u naseexayn un iyo wanaag aan kula jeclaaday ninkaga waxad isku dihiin isku dhecan kaaliyaa isku dhiig kaaliyaa isku jiidh kaaliyaa xalaal ayu ku yahay inaad ka xishoodo ma aha raggu ma jecla dumarka xishoodka badan isku day inaad qanciso dhan walba Eebe intu idinka xariimaay ma ahee waxa hubaalti ah inu kugu farxayo kuguna ducaynayo janno.Ukhti ninku waxu jecel yaahay xaaskisa iskeed u garada waxu ninkeegu jecel yahay guur iyo wax lamiid ahana kuma farakayo haddu adiga dhan walba kugu qanco oo raaliyo u noqodo.

Miidna iska ilaali ukhti idam la aantiisa baanaan iyo aroos ha adiin hadu ka diido,iska ilaaali telka badan iyo naagaha badan ee la wareegaya warxumatashilka ee jecel qoys illaahay dhisay inay burburiyaan.

Ukhti ku dadaal ninkaaga intaanu guriga imaan inaanu kugu so laaban adigo xidhan dhaarki aad guriga ku shaqayneysay ama dharki subaxdi u kaga tagay adigo xidhan iska jir inaad banaanka sidaad jeclado ugu labisodo gurigana aad bijamaha ama jiidh kii aad xalay ku seexaday ku joogto ninkaguna kugu so rawaaxo, raggu ma jecla dumarka sida u dhaqma iyo dumarka basariyada ah ee ka foogow indhahisa, sankisa, qalbigisa dhowr, isna ha ku dhowroo ee.Hadu sayigagu ku fican yahay dhaqo oo koolkooli haku koolkolliye ka furo furaaha janada aad dhib la aan ku gashiid jannade iyo Eebaha oo raali ka ah.

Talo ku socda ragga xaaslaayda.

Ninkaana waxaa laga doonaya inuu u daneeyo xaaskisa haddii ay jiran tahay,haddii ay uur leedahay iyo haddii ay kurbaysan tahay si ay heshiis u ahaadaan oo aysan isu khilaafin.Xaaskisu markey caadada qabto wa inaanu u dhawaaniin waase istimin kara waaxna wa la cuni kara waana la seexan kara waxaa see lo diiday inu u gaalmodo, iyado caaddadi qabta sidu illahay kor ahaaye subxanahu watacala idin farey ba inaad ka foogadan xasaaskina markey caadada qabaan.

Ka ilaali qalbiga xaaskaga inaad dawaac culus iyo juug culus gadhaan isku day inaad xalaadaha xaaskaga laa socodo oo adan waxaay awoodi karin ku khasbiin iskuna day sidaad xishoodka uga tirtiri laheyd, u muuji naxaris dabacsanaan iyo kalgaceyl,si wanaagsan oo dhago iyo laab furaan ah ku dhagayso xaaskaaga hadaay xanuunsado kii garabkeega taagnada ilaa inaay ka cafimadayso noqo ducadana ugu khalmeeyaa markey so wajaahdo murugo iyo farxad labaada baa la wadaag, labaada qof ee is qaba waxyaabaha adkeeya hannaan jeceyl kooga waxaa ka mid ah is maqlidaa is qadarinta is xitiranka midba ka kale oo ku dadaalo qancinda kan kale waxaa intaso dhan isku fuuqsaday dacaadnimada hadanay mesha dacaadi jirin is qancin is raali galin iyo qoys si waara jiri maayso.

Illaahow waxaan ku weydiisaneynaa raxmadaada,naxariistaada iyo ilaalin,waxaan ku weydiisaneynaa in aad qalbigeena dahirto,naaga yeel kuuwi xaqa lagu leeyahay guuta oo aan dayaacin nakala dhex dhig Teed iyo Gidaar dulmi iyo qaayaano inaan u geeysaano qof xaq nagu leh ama qof musliim ah.Amiin Amiin Amiiin Amiiin.

Towfiiqda illaahay hana wafajiyo.

Wabilaahi towfiq

Related posts

Jaceyl Xad Dhaaf Ah Ma U Qaadi Kartaa Qof Aan Kuu Dareemeyn Sidaad U Dareemeysid.??!!

KaLaFoGe

Qeybtii Shanaad Iyo Sheekadii Cajiibka Aheyd Ee La Magac Baxday “Sixirkii” Afur Walbo Kadib La Soco..

KaLaFoGe

Hadii Aad Joogteysato Fikradahaan Noloshaada Waxaad Ka Gaadheysaa Horumar Iyo Ixtiraam..

KaLaFoGe

14 comments

Leave a Reply