Hooyga Barbaarinta Qoyska & Wanaaga Bulshada

Maxaad ka taqaanaa Soomaalida iyo dhaqamada u gaarka ah ay sameeyaan Bisha Soonka!!

Soomaaliya waa Dal Carab iyo Muslimba ah oo ku yaala Gudaha Qaaradda Afrika, waxaana inkastoo uu leeyahay Kheyraad kala duwan, hadana ay Dadkiisu wali la daalaa dhacayaan Saboolnimo iyo Gaajo ka dhalatay is hey-heysadka Siyaasadeed ee Kooxaha Soomaalida.

Dadkiisu waxay mar kasta ku faanaan in Islaamku uu Dhulkaas soo gaaray ka hor inta aanu Magaalada Madiina Al-Munawara tagin, sababtuna waxay tahay Socdaalkii ay Muslimiinti hore kusoo aadeen Dhulkii Xabasha la oran jiray.

Mar kasta waxay Dadka Soomaalidu xaqiijiyaan in Islaamku uu u yahay Heeyb aanu Qof kastoo Muslim Soomaalina ah ka maarmi karayn. Sidaas darteed ayeey Cibaadada agtooda uga tahay mid Muhiimad gaar ah leh, Bisha Ramadaan haba ugusii badnaato oo soo dhawayn heer sare leh Soomaalida ka hesha.

Dalkan , ayaa marka la eego halka uu ku yaal iyo Joogitaanka Islaamka oo kusii horeeyay, wuxuu leeyahay Tilmaamo u gaar ah oo uu Dalal kale oo Islaam ah kaga duwanyahay, waloow ay Xaaladda Siyaasadeed ee ka jirtaa tahay mid aad u cakiran.

Dadkiisu intooda badan Dibadaha ayeey jiraan, hadana kama aysan tagin Caadooyinkooda, waxaana ay awood u heleen inay dhowrtaan Dhaxalkooda Dhaqanka, marka la eego Caadooyinka Bisha Ramadaan u gaarka ah Soomaalida.

Shabakadda Qoraalkan sameeysay ayaa la kulantay Xoghayaha Jaaliyadda Soomaalida ee Dowxa Cabdullahi Maxamuud Ciise, iyadoo wax ka waydiinaysa Ramadaanka iyo sida Soomaalidu ay u qaabilaan ugana faa’ideeystaan Cibaadooyinkiisa.

Soomaalidu waa mid ka mida Dadyoowga Muslimiinta ah ee ay ka dhex muuqato Daneeynta xoogan ee la siinayo waxyaabaha Diinta ku saabsan, inkastoo Khilaafaadyo ay halkaas ka jiraan.

U diyaar garoowga Ramadaan

Xoghayaha oo u waramayay Shabakadan ayaa xusay in Soomaalidu ay leeyihiin Dhaqanno ay Jiilal badan iskasoo dhaxleen, gaar ahaanna Magaalooyinka Harar iyo Saylac oo ku jira Meelihii ugu horeeyay ee Soomaaliya ka tirsan oo Muslimiintii hore ay yimaadeen.

Caadooyinkaas waxaa ka mid ah inay Dadku tagaan Goobaha Maqaaxiyada iyo Goobaha lagu kulmo oo lagu diyaarinayo Fadhiyo ay Culimadu Qur’aanka ku fasirayaan, Fiqhiga iyo Xadiithkana ku meerinayaan, iyo waliba Buugaag kale oo Af-Carabi ah oo Wadaadadu ay Luuqadda Soomaaliga ku tarjumayaan.

Kulamadaas oo Habeenadii dhacaya waa lagu saamaleylaa oo Waqti dheer baa lagu qaataa, waxaana ka qayb gala Kooxaha qaar oo Gurbaanno wata, kuwaas oo aqrinaya Nashiidooyin Diini ah.

Ciise ayaa tilmaamay in Dowladda Federaalku ay ku guuleeysatay inay mideeyso Waqtiga uu bilaabanayo Ramadaanka, markii ugu horeeysay Sanadkan, iyadoo kaashatay Dadaalada dib u heshiisiinta ee iminka socda.

Horay waxay qaar Soomaalida ahi ku adkeeysan jireen inaanay Soomin illaa ay ka arkaan Bisha, halka qaar kalena ay Dhagta u taagi jireen Dalalka Carabta si ay halkaas Bilashada Soonka ugala socdaan. Kuwaasi dhamaantoodna Sanadkan waxay ku midoobeen hal Waqti oo ay wada soomeen.

Wuxuu yiri Qofkan la hadlayay Shabakadda Warbixintan qortay: Soomaalidu waxay mar kasta ku dadaalaan inay si lagu dayan karo ugaga faa’ideeystaan Ramadaanka, iyagoo Habeen iyo Maalinba xusaya. Maalintii Soon iyo Shaqo ayeey ku jiraan, Habeenkiina Salaad iyo Xus iyo Tahajud bay Waqti ku qaataan.

Waxay  leeyihiin Habab u gaar ah oo ay ugu Dabaal-degaan soo dhawaynta Bisha Ramadaan ee Barakaysan. Waxaana ka mid ah in marka lagu dhawaaqo Bilashada Ramadaanka ay isla wada yeeraan Heesaha iyo Ereyada Diimeed oo Nabi Amaanadu ku jiraan, kuwaas oo Koox Diimeedyo Dariiqooyinka Suufida ah ay qaadayaan, halka qaar Soomaalida ahna ay Rasaas kor u ridaan Maalintan oo kale si ay u shaaciyaan Curashada Bisha ay mar qura Sanad kasta Muslimiintu dhowraan.

Astaamaha Ramadaan ee Soomaalidu ay wada jecelyihiin waxaa ka mid ah Falalka suuban iyo Gacan qabashada ay kuwa wax heeysto u samaynayaan Dadka Saboolka ah, halka ay Haweenkuna Fadhiyo wax lagu cunayo u diyaariyaan Ehelada Dariska la ah ee aan Hantida heysan iyo Socotada Jidadka mareeysa.

Cunooyinka Ramadaanka

Marka aan eegno Cunooyinka Ramadaanka iyo sida ay ka tahay Soomaalida agtooda, wuxuu Ciise oo Qoraalkan lagusoo xiganayo sheegay inay Soomaalidu aad ugu dadaalaan cunista Raashinka Barotiinka badan leh sida Bariiska, Hilibka, Sambuuska iyo Cunooyinka kale oo ay Mac-macaanada Aadaanka Maqribki la cuno.

Timir, Sambuus, Hilib Caraf caraf lagu daray ayeey in yar ka cunaan Soomaalidu marka ay Afurka bilaabayaan, iyagoo Cabitaan yarna ku darsada si ay Haraadka isaga jaraan, markaas ka dib ayeey Jamaaco ama Koox iyagoo ah Aadaanka Maqrib bilaabaan Salaadana u tukadaan.

Marka lasoo laabto ka dibna, Balanku wuxuu yahay in la cabo Shaah iyo Cabitaanno kale, iyadoo Cunada ugu muhiimsanina ay noqonayso inta badan Saacad ka dib, kolkaas oo Hilib, Qudrad, Mac-macaan iyo waxyaabo kale ay u cunaan si ay Salaadda Cishaha u tukadaan, Taraawiixdana u raaciyaan.

Kaalinta Hawenka Soomaalida

Kuma ekaan Kaalinta Haweenka Soomaalidu kalia inay diyaariyaan Cuntada Ramadaanka, ama ay Guriga un ka shaqeeyaan, balse waxay sidoo kale ka qayb yihiin Saamaleeylka Ramadaanka ee Cibaadada lagu qaato. Waxaana la sameeyaa Xijaab ama wax kala celinaya Goobaha ay Haweenku Cibaadada ugu dhafrayaan iyo halka ay Raggu joogaan.

Habluhu aad bay ula fal-galaan Muxaadarooyinka iyo Waanada lasoo bandhigayo inta Masaajidyada iyo Goobaha Cibaadada la joogo.

Inkastoo Xaaladaha amnigu ay Soomaaliya ka adagyihiin, hadana isku xirnaanta, is-jacaylka iyo isku naxariisashaduba waa Sifooyin ay wali Dadkaasi aad u daneeyaan una ilaaliyaan, waloow Ramadaanka ay aad ugusii badantahay.

Waxay badiyaan booqashada Qaraabada, sidoo kalena Cafiska iyo isa saamixista ayaa ku badan, iyadoo inta badan la joojiyo Is qabqabsiga iyo Doodaha Sanadka intiisa kale soo jiray.

Goob kasta waxay ku dadaalaan inay Salaan iyo is marxabeeyn wadaagaan taas oo Farxad iyo Jacayl astaan u ah.

Hadiisa la eego sida Ciidul Fidriga ay Soomaalidu usoo dhaweeyaan, waxaa iyadana jirta Caado iyo Dhaqan ay isla wada yaaanaan.

Qof Qormadan lagusoo xiganayo ayaa sheegay in Soomaalidu ay la mid yihiin Dalalka kale ee Carabta iyo Islaamka ah, oo ay ka murgoodaan dhamaadka Ramadaan, sidoo kalena ku farxaan bilaabashada Ciidda oo Munaasabad muhiima u ah, taas oo ay isku booqdaan, Hambaliyana isku dhaafsadaan.

Caruurta ayaa Waalidiinta iyo Qaraabada ka hela Hadiyado ay Soomaalidu u yaqaanaan Ciid Mubaarak. Waxaana Gudaha Soomaaliya Habeenada Ciidda lagu dhigaa Munaasabado Heeso iyo waxyaabo kale oo Farxad ah lagusoo bandhigo, taas oo laga dheehan karo is jacayl iyo in meel la iska wada dhigay Dagaalka iyo Doodda.

Related posts

Daraasad: Sidee Maqaarka Jirkaaga Ugu Illaalin Kartaa Gabowga..

KaLaFoGe

Daawo Sawirada Tartamo Iskugu jira Ciyaaro iyo Caado Dhaqameedka Istunka oo Degmada Afgooye lagu qabtay

KaLaFoGe

La Dhaqanka Bulshada: Waanooyin Qaali Ah Oo Ku Socdo Gabdhaha Soomaaliyeed Iyo Weliba….

KaLaFoGe

Leave a Reply